Ku: Dhamaan Qurbo jooga reer Awdal ee gacanta
ka geystey Mashruuca Garoonka Xasan Sh. Mumin ee
Borama.
Ku: Qurba Jooga reer Awdal ee ku talo jira
inay suurta galiyaan dhamaystirka Garoonka.
Ku: Hay'adaha Samafalka ee Horumarinta
Ciyaaraha iyo Dhalinyarta.
Ku: Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee
Somaliland.
ku: Maamulka Ciyaaraha iyo horumarinta
dhalinyarada ee Gobolka Awdal.
Ku: Cid kasta oo jecel inay ka qayb qaadato
dhamaystirka Garoonka Kubada Cagta ee Xasan Sh.
Muumin (Borama)
Ujeedo: Warsaxaafadeed
Halkan
ka eeg lacagta gurmad u taala dahabshil Borama
Feb,27,2008
Asalamu Calaykum Waraxmatulahi wabarakaatuhu,
Salaanta Islaamka sharafta leh dabadeed, Aniga oo ku
hadlaya Magaca ururka Horumarinta Dhalinyarada iyo
Ciyaaraha Jamuuriyada Somaliland ee Gurmad gudigiisa
dhexe, Tageerayaasha ururka iyo waliba Hawlwadeenada
isxilqaamay ee goorwalba tageerada la garab jooga
ururkan Gurmad, Waxaan halkan uga mahadcelinayaa
Dhamaan Dhalinyaradii, Uraradii , Aqoonyahanadii,
Haweenkii ka qayb qaatey bixinta lacagtii loo
ururiyey dhismaha garoonka kubada Cagta ee Xasan
Sheekh Muumin Borama oo horey lagu magacaabi jiray
garoonka Biroole. Waxa sharaf Ururka Gurmad u ah
inuu garoonka ugu magac daray Allaha u naxariistee
Abwaankii qaaliga ahaa Xasan Sheekh Muumin.
Lacagta uu Ururka Gurmad ururiyey oo dhan $18,115
sideed iyo tobankun, boqol iyo shan iyo toban
doolarka Maraykanka ah ayaa gabi ahaanba Ururka
Gurmad ku kaydiyey Qasnada dhexe ee Ururka oo ah
( Gurmad Organization Account #DO580 Dahabshil Borama )
laba kharash ayaa ka baxay qasnada oo kala ah:
1- Shan iyo labaatan Lawdh oo dhaaxaan ah oo uu ururku ku
shubay Garoonka oo qiimahoodu dhanaa $623 lix boqol
iyo sadex iyo labaatan doolarka Maraykanka ah.
2-Kharashka kale wuxuu ahaa laba Boodh ama
tabeele hadba sida aad utaqaanid oo uu Ururka Gurmad
ku dhajiyey Albaabka Garoonka Boodhadhkan oo
muujinaya Magacbixintii Garoonka loogu maagcdaray
Allaha u naxariistee Abwaan Xasan Sheekh Muumin,
Boodhashaa oo lagu beegay Aaskii Marxuumka laguna
sharfey Abwaanka Allaha u naxariistee. Boodhashaa
qiimiga ku baxay waxay dhanaayeen $190 Boqol iyo
sagaashan doolarka maraykanka ah waxana labadaa
Mashruuc loo xilsaaray fuliyeyna Dahir Axmed Jirde
oo ah xubin Muhiim ah oo ka tirsan Ururka Gurmad
isla markaana ah Wariyaha Saylac.com ee fadhigiisu
yahay Boorama.
Ma jiraan Kharash kale oo ka baxay qasnada oo aan
ahayn labadaa mashruuc ee aanu kor ku xusnay. Ururka
Gurmad wuxuu halkan ku cadaynayaa inay lacagta
inteedii kale oo dhan $17,302.00 ay ku jirto
Qasnada Dhexe ee Ururka Gurmad Account#D0580
Dahabshil Borama.
Ururka Gurmad waxa ka go'an inuu
fuliyo amaba meelmariyo hadafkii iyo ujeedadii
lagactan loo ururiyey oo ahayd dhismaha iyo
dhamaystirka Garoonka Kubada Cagta ee Xasan Sheekh
Muumin. Ururka Gurmad waa Ururka kaliya ee ay si
xawli ah ugu bahoobeen dhalinyarta qurbojooga reer
Awdal oo isku aragti ka qaba in dhalinyartii Gobolka
loo dhiso garoonka Xasan sheekh Muumin oo waxweyn ka
tari doona baahida Ciyaaraha ee Gobolka. Waxa Xusuus
mudan in Ururka Gurmad la asaasay wakhti ka yar
sanad hadana uu ka horeeyo ururo hore oo la asaasay
tobanaan sano xag tayo iyo aaminimo intaba. Ujeedada
Ururka dhaxalsiisey inuu hanto quluubta dhalinyarada
Reer Awdal ayaa waxay tahay inuu Ururka Gurmad uu
yahay mid ka hufan Qolo iyo Siyaasad labada kaliya
waxa isku keenay dhalinyaradan aduunka ku kala
noolina ay tahay oo kaliya HORUMARINTA CIYAARAHA
GOBOLKA. Ururka Gurmad wuxuu warbixintan ku
cadaynayaaa in wixii ka baxsan Horumarinta Ciyaaraha
Gobolka Awdal aanay ahayn shucuurta ururka cidii
ururka ka tirsan ama tageerta ee iyagu la yimaada
waxa ka baxsan Horumarinta Ciyaaraha Gobolkana aanay
marnaba ku hadlayn magaca ururka ee shakhsi
ahaantooda ay gooni u tahay.
Gudiga dhexe ee Ururka Gurmad waxay dhawaan soo
saari doonaan qorshaha Garoonka lagu dhisayo isla
markaana waxay Hay'adaha Caalamiga ee deeqaha bixiya,
Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jamuuriyada
Somaliland iyo cidii kale ee ciyaaraha jecelba ka
codsanayaan inay ka qayb qaataan tageerada dhismaha
garoonka si ay u suurto gasho ina si dhakhso ah loo
dhamays tiro dhismaha garoonka oo lagu qiyaasay inay
ku bixidoonta lacag dhan $150,000 boqol iyo konton
kun oo doolarka maraykanka ahi.
Gudiga dhexe ee Ururka Gurmad waxa uu halkan ka
cadaynayaa inuu goorwalba heelan u yahay
istixgalinta, wadashaqaynta, iyo maamuusida umada
walaalaha ah ee Somaliland ee iskugu jirta , Culimaa
Udiin, Aqoonyahan, dhalinyaro, iyo Siyaasi intaba..
Gabagabadii Warsaxaafadeedkan Waxa uu Ururka Gurmad
Mahadnaq aan la soo koobi karin usoo jeedinayaa
dhamaan xubnaha ururka Gurmad ee Qurbajooga ree
Awdal meelkasta oo ay joogaan wuxuuna ku dhiiri
galinayaa inay wadajir wax ku qabsan karaan.
Ugu danbayn cidii su'aal ka qabta qorshaha dhismaha
garoonka iyo maaliyada taala Sanduuqa Dhexe ee
Ururka Gurmad oo ah Dahabshil Boorama waxaan ku soo
dhaweynaynaa inay la soo xidhiidhi karaan:
Gudoomiyaha Ururka Gurmad Mudane Faysal Daahir
Aabadiid (Faysal Dacawo) Tell:004793816172 email
abadid07@hotmail.com
Xiyaabiyaha Ururka Gurmad Mudane Muxyadin Warsame
Tell: 0014697679678
emailwarsame5@hotmail.com
Hadii aad rabtid inaad ogaatid lacagta ama aad
tageero ku daraysid waxa kale oo aad wici kartaa
Wakiilka Dahabshil ee Borama Riraash
Cell:252-24456006.
WABILAAHI TAWFIIQ
FAYSAL ABADIID (FAYSAL DACAWO
GUDOOMIYAHA URURKA GURMAD
NORWEY OFFICE
FAYSAL DAAHIR ABADID
|