|
|
 |
|
| |
Wariye Habane ayaa maanta laga
sii daayey jeelka Boorama ka dib markii la soo
damiintay laba kiis oo xidhniinkiisa lu luglahaa.
April,20,2008
Borama(Saylac.com)Labadan kiis ee Wariyaha loo
xidhay ayaa waxay kala yihiin: Kiiska hore oo ah mid
loo haystey wiil ay wariyaha Walaalo
yihiin isla markaana wariyugu damaan ka ahaa iyo Kiiska labaad oo ah mid isaga iyo
Agaasimaha Cusbitaalka Boorama ka dhexeeyey.

Wariyaha ayaa saylac.com u sheegay inuu aad ugu
faraxsan yahay soo dayntiisa isla markaana uu filayo
si cadaalad ah in maxakamada Boorama ay u cadlin
doonto labada kiis ee loo haysto .
Soo daynta Wariye Cabdiraxman M. Habane ayaa waxa ka
danbeeyey ka dib markii ay odaydhaqameedyo ay
Wariyaha is xigaani ay galeen dadaal ah sidii marka
hore wariyaha looga soo dayn lahaa Jeelka ka dibna
kiiskiisa loo gali lahaa.
Wariye Habane oo ah Wariyaha Al- Jamhuuriya iyo
Shabakada Boramanews ayaa dhawr jeer oo hore loogu
xidhay arimo ku lug leh qoraalo uu ka sameeyey arimo
ka dhacay magaalada Boorama.
Dahir Axmed Jirde
Saylac.com
Borama
Somaliland |
|
|