| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Xaafadaha Degmooyinka Hodan iyo H/Wadaag oo ay weli ka socdaan Barakac xoogan. Sept,29,2008
(Muqadisho:Saylac.Com)- Iyadoo qeybo ka mid ah degmada Hodan ay marti u noqdeen dagaalo culus ee u dhaxeeya ciidamada Uganda iyo xoogaga Raaskambooni ayaa deegaanadaasi waxaa ka bilaawady barakacii ugu xooganaa.

Goobaha ay dadku ka barakacayaan waxaa ka mid ah guud ahaa degmada Hodan iyo xaafadaha kuteedsan iyo wadada Aada garoonka Diyaaradaha,waxaaana saakay wadooyinkaasi lagu arkayay dad weyne aad u fara badan oo ka firxaday dagaalada ka jira deegaanadaasi.

Dadka ka barakacaya deegaanadaasi ayaa waxa ay u badan yihiin Caruur,Haween iyo dad da'ah kuwaasi oo tibaaxay in ay raadinayaan goob ka nolol wanaagsan degamada Hodan ee Gobolka banaadir.

Ciidamada Uganda markii Weerar ay ku soo qaadaan xoogaga Muqaawamada ah waxa ay madaafiic ku garaacaan goobaha ay degan yihiin dadka rayidka ah kuwaasi oo aan ku lug laheyn rabshadaha ka jira magaalada Muqdisho.

Dadkaan ka barkacaya deegaanadaasi ayaa waxa ay ku soo aadeysaa xili xalay deegaanadaasi ay isku fara saareen xoogaga raas kambooni,dagaalyahanada Al-shabaab oo isku dhan ah iyo ciidamada Uganda kuwaasi oo madaafiic u qeybiyay qeybo ka mid ah degmooyinka Hodan iyo H/wadaag taasina ay sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.



Xirnaashaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo sabahay in la xaraasho hilib loo dhoofin lahaa...Sept,29,2008
(Muqadisho:Saylac.Com)- Shirkad ka ganacsata hilibka xoolaha oo xarunteedu tahay Muqdisho ayaa waxay sheegeen inay xaraashayaan hilib qalan oo lagu waday in loo dhoofiyo dalka Imaaraadka Carabta, balse u baaqday xirida garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wakiilka shirkadan oo oo lagu magacaabo C/qaadir ayaa warbaahinta ka sheegay in hilibka ay xaraashayaan uu gaarayo 20-kun oo neef oo ari ah, isagoo sheegay inay dadka kaga iibinayaan qiimo aad u jaban.

"Hilibka caafimaadkiisu waa mid wanaagsan, waxaana la mariyay shaybaarayaal ay warshadda qashay leedahay, marka caafimaadkiisa waa mid lagu kalsoon yahay" ayuu yiri C/qaadir oo ka jawaabayay su'aal ahayd in caafimaadka xoolaha qalan uu is badlay maadaama ay muddo qaboojiyeyaal ku jireen.

Xiridda garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa sababay inay baaqdaan ganacsiyo badan oo laga dhoofin lahaa Muqdisho, halka kuwo badan oo imaan lahaana ay baaqdeen

Madaxa Isbitaalka Madiina Dr. Max'ed Yuusuf oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhaawacyadii ka dhashay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay caasimada ay qaarkood u baahan yihiin caafimaad dibada ah, balse uu garoonku xiran yahay
Xoogaga Al-shabaab oo dagaal kala horjeeda Dolada TFG-da ah iyo ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in garoonka aan la isticmaali karin, iyagoo dhowr jeer duqeeyay, kaddib markii ay diyaarado soo cagodhigteen.


Dagaal xalay ka dhacay Muqdisho, iyo qarax lala beegsaday ciidamo Ethiopian ah oo uu....Sept,29,2008

(Muqadisho:Saylac.Com)- Dagaal aad u xoogan oo aan la garanayn khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay ayaa xalay ka dhacay Muqdisho, wuxuuna dagaalkaasi u dhexeeyay kooxaha ka horjeeda Dowalda TFG-da ah, ciidamada Ethiopia iyo kuwa AMISOM.

Saldhigyo ay dagan yihiin ciidamada Dowalda TFG-da oo ku yaala Isgoyska Sayidka iyo saldhigyada ciidamada AMISOM ee ku yaalla KM4 ayaa weeraro isku mid ah lagu qaday gallinkii dambe ee xalay.

Wararka hordhacaha ee soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in dagaalkii xalay ay ku dhinteen saddex Ruux oo uu ku jiray sarkaal ka tirsan ciidamada Dowalda TFG-da ka mid ah, halka ay ku dhaawacmeen 14-qof oo u badan rayid.

Howlwadeenada Isbitaalka Madiina ayaa u xaqiijiyay saxaafada in la soo gaarsiiyay Isbitaalkaas 14-dhaawac ah, kuwaasoo u badan caruur iyo haween ay jirkooda ka muuqdaan fikirka madaafiic ku dhacday guryahooda.

Goobaha ay madaafiicdu sida weyn ugu dhaceen ayaa waxaa ka mid ah: degmada Hodan, Degmada Howlwadaag iyo Degmada Wadajir, waxaana madaafiic ku dhacay xaafadahaan laga tuurayay fariisimaha ay ciidamada Dowalda TFG-da ah iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Saraakiisha AMISOM iyo kuwa Dowalda TFG-da ah ayaan ka hadlin dagaalkaas, waxaana dagaalka sheegtay xoogaga Raas-kanbooni oo ku cusub saaxada dagaallada Muqdisho, iyagoo qiray in dhankooda ay ka dhaawacmeen shan qof.

Max'ed Ibraahin Raage

Saylac.Com Muqdisho Somalia.
 


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com