|
|
 |
|
| |
Dagaal xoogan oo xalay saqdii
dhexe ka dhacay Baydhabo iyo Xarumaha Ciidamada
dowlada oo la qabsaday.
Sept,26,2008
(Baydhabo:Saylac.Com)- Dagaal xoogan ayaa lagu
qaaday saldhigyo iyo guryo ay dagan yihiin
xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ee
fadhigoodu yahay magaalada Baydhabo, iyadoo
dagaalkaas uu ahaa mid xoogan oo laga maqlay guud
ahaan Baydhabo.
Dhawaqa rasaasta nuucyadeeda kala duwan ayaa xalay
laga maqalayay gudaha magaalada Baydhabo halkaasi oo
ay dadka Baydhabo xalay ay u aheeyd habeen Madoow oo
soo marta taariikhda inta la xasuusto.
Dagaalkaan ayaa waxaa sheegtay Maxkamadaha Islaamka,
iyadoo afhayeen u hadlay maxkamadaha uu sheegay in
ay khasaarooyin kala duwan gaarsiiyeen ciidamo
booliis ah oo ay ku weerareen dhowr saldhig.
Inta ay dagaalada socdeen ayaa waxaa xoogaga
Maxkamadaha islaamiga oo ay dagaalka wadeen waxaa ay
hoobiyeyaal ku garaaceen hoy ay magaalada Baydhabo
ka dagan yihiin xildhibaanada Baarlamkaanka Qaar
sida Xildhibaan Max'ed Dhaqane iyo xildhibaan Shiikh
Nuur Cali Aadan halkaasi oo bur bur xoogan uu ka soo
gaaray gurigaasi weerarkii lagu qaaday.
Xildhibaan Max'ed Dhaqane oo warbaahinta la hadalyay
ayaa sheegay in guriga si aad ah loogu garaacay
qoriga Baasuukaha uuna gaaray burbur aad u xoogan,
balse ay iyagu ka badbaadeen weerarkaas ayna is
difaacayeen intii uu dagaalku socday.
Isbitaalka Baydhabo ayaa la gaarsiiyay in ka badan
12-qof, sida ay sheegeen saraakiisha isbitaalkaas,
waxaana loo diiday inay gudaha u galaan isbitaalka
dhamaan saxafiyiinta ku sugan Baydhabo.
Ciidamada Tigreega iyo kuwa Booliiska ayaa waxay
gaaf-wareegayaan gudaha Baydhabo iyadoo xaaladda
Baydhabo ay u muuqato mid aad u kacsan, isla
markanaa ay baaritaano imaan karaan.
Qarax ciidamada Tigreega lagula beegsaday saakay
wadada Maka Al-mukarama, iyo Qasaare ka soo gaaray
ciidamada.
Sept,26,2008
(Muqdisho: Saylac.Com)- Qarax miino oo lala eegtay
ciidamo Tigreega ah ayaa saakay ka dhacay wadada
Maka Al-mukarama, iyadoo wararka qaarkood ay
sheegayaan in miinada qaraxday ay gaarsiiyay
ciidamadaas dhaawacyo.
Askar ka tirsan ciidamada Tigreega ayaa ku
dhaawacmay Qarax aad u xooggan oo ka dhashay miinada
dhulka lagu aaso lagana hago qalabka Remote
Control-ka oo waaberigii lala beegsaday ciidamada
Tigreega oo marayay waddada Maka Al-mukarrama ee
magaalada Muqdisho.
Xilliga uu qaraxaasi dhacayay ayaa waxa ay ciidamada
Tigreega ahaayeen kuwa lugeynaya oo baaritaan ka
wada waddada laamiga ah ee isku xirta isgoyska KM4
ilaa xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia kaasoo ay
maalin walba aroorta hore sameeyaan.
Ciidamada Tigreega ayaa qaraxa kaddib waxay fureen
rasaas aad u xooggan, inkastoo aan la sheegin wax
qasaare ah oo ay rasaastaasi u geystay dadka rayidka
ah, waxayna ciidamadaasi durba hakiyeen
dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka ee waddadaasi.
Qaar ka mid ah dadka degmada Waaberi ayaa waxay
sheegeen in ciidamada Tigreega ay xireen wadada oo
dhan, isla markaana ay gudaha u galeen xaafadaha,
iyagoo soo qabqabtay dhowr ruux oo ay markii dambe
sii daayeen.
"Miinada meelaha fog-fog laga hago ayaa lala
beegsaday ciidamada Tigreega oo baaritaano wadadaas
ka sameynayay, dhawaqu wuxuu ahaa mid aad u xoogan,
dadkana cabsi ayaa gashay" ayuu yiri Cumar oo ka mid
ah dadka degmada Waaberi.
Sidoo kale goobjoogahaan wuxuu sheegay in miinadaas
aan la garanayn xiliga la geliyay halkaas iyo cidda
gelisay, waxaana jirtay in dhowr jeer ay ciidamada
Tigreega u sheegeen guryaha iyo goobaha ganacsi ee
ku dhow wadada Maka-Al-Mukarama inay qaadayaan
mas'uuliyada qaraxyada ka dhaca jidkaas.
Ma jiraan goobo ganacsi oo ay galeen ciidamada
Tigreega, iyagoo u ogolaaday dadka iyo gaadiidka
saacad kaddib inay si caadi ah u isticmaalaan
wadadaas oo howlbowle u ah isku socodka gaadiidka
iyo dadka Muqdisho.
Daqiiqado kaddib qaraxa ayaa waxaa wadadaas maray
wafdi uu hoggaaminayo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya
oo dib dalka ugu soo laabtay, mana jirin wax weeraro
ah oo dhacay.
Dayuurad siday RW Nuur cadde iyo wafdi la socday oo
saakay soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha
Muqdisho, iyadoo aysan jirin madaafiic lagu tuuray.Sept,26,2008
(Muqdisho: Saylac.Com)- Aroornimadii saakay ayaa
garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magalada
Muqdisho waxaa soo caga dhigtay diyaarad ay la
socdeen ra'isul wasaaraha xukuumada TFG-da Somalia
Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde) iyo wafdi uu
hogaminayey ka dib markii ay magaalada Jabuuti ee
dalka Jabuuti kaga soo qeyb galeen shirkii dib u
heshiisiinta ee Dowlada TFG-da iyo isbaheysiga dib u
xoreynta wejigiisa saddexaad oo dhowaan halkaasi
lagu soo gebagebeeyey iyadoo aysan jirin wax natiijo
ah oo ka soo baxay ka dib markii la isku mari waayey
qodobada qaar.
Markii dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ay
maqleen guuxa dayuuradahaasi ayaa waxaa soo food
saaray walaac aad u xoogan iyo naxdin iyagoo ka baqo
qabay in sidii caadada aheyd garoonka diyaaradaha
lagu weeraro madaafiic, isla markaana kuwo jawaab ah
lagu soo garaaco qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho,
waxaana la sheegay in Suuqa Bakaaraha laga kala
cararay markii dadkii ku sugnaa ay ka war heleen in
diyaarado ay soo caga dhigteen, iyadoo xaalada
magaalada guud ahaan ay gashay khal khal xoogan
waxaana dadku ay u dhaga taagayeen xiliga ay
bilaaban doonaan madaaficda la iskugu jawaabayo.
Hase ahaatee sidii wax loo filayey uma aysan dhicin
ka dib markii labadii dayuuradood oo in muddo ah
fadhiyey garoonka dayuuradaha Muqdisho ay si
nabadgeyo ah halkaasi uga duuleen iyadoo aysa jirin
wax madaafiic ah oo lagu riday halkaasi, waxaana RW
iyo wafdigiisa ay gaareen xarunta madaxtooyada Villa
Somalia, waxaaana sii gelbinayey ilaaladiisa iyo
xoogaga nabad ilaainta midowga Afrika ee AMISOM ee
jooga garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo dad
badan ay isweydiinayaan sababta keentay arintan iyo
waxa iska bedelay go'aankii ay xoogaga Al-Shabaab ku
shaaciyeen iney ku xireen garoonka diyaaradaha Aadan
cadde.
Labo jeer oo maalmihii ugu dambeeyey ay ka soo
dageen garoonka dayuuradaa Aadan cadde ayaa xoogagga
Al-shabaab waxay la beegsadeen madaafiic hoobiyeyaal
ah, iyadoo kuwo ay ku jawabeen xoogaga AMISOM ay ku
habsadeen degmooyinka, Hodan H/wadaag iyo
Wardgiigley, kuwaasoo ay ku dhinteen dad gaaraya
illaa 30-ruux oo rayid ah halka 100 kale ay ku
dhaawacmeen iyadoo labadii diyaaradood ee la
weerarayna ay ka duuleen garoonka iyagoo bed qaba.
Xoghayaha Xuquuqul Insaanka ee Isbaheysiga dib u
xoreynta (Asmara) oo sheegay in xasuuqa ciidamada
Ugandha ka geysteen Muqdisho aan la isaga hari
doonin.Sept,26,2008
(London:Saylac.Com)- Ibraahim Cumar Mahadalle (Ibraahim
Dheere) oo ah xoghayaha xuquuqul insaanka iyo
baarista demiyada dagaalka ee isbaheysiga dib u
xoreynta Soomaaliya xubnaha ku sugan magaalada
Asmara oo hadda jooga magaalada London ee cariga
wadanka ingiriiska ayaa cambaareeyey duqeyntii aan
kala sooca laheyn ee ciidamada AMISOM ka geysteen
qeybo ka mid ah xaafadaha ay dadku degan yihin ee
magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay oo ay ku
geeriyoodeen, kuna dhaawacmeen dad gaaraya illaa 200
oo ruux, kuwaasoo iskugu jira haween caruur dad
waayeel ah iyo dhalinyaro aan waxba galabsan oo
guryaahooda iska joogay.
"Waa Nasiib daro in ciidamo ku magacaaban nabad
ilaalin ay ku kacaan fal xasuuq ah oo lidi ku ah
magaca ay wataan, horey waxay u ahaayeen kuwo u
daawada oo aan waxa ka qaban xasuuqa ay ciidamada
Tigreega ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, hase
ahaatee hadda iyagii ayaaba ku biiray gacmahoodana
ay ka qoyan yihiin dhiiga xalaasha ah ee shacabka
Soomaaliyeed oo faraha la soo galeen iminka" ayuu
yirin Ibraahin Dheere
Waa masuulkii ugu horeeyay ee si daran uga hadalay
xasuuqii ay ciidamada shisheeye u geeyteen shacabka
Soomaaliyeed ee ka mid ah isbeheysiga dib u xoreynta
Soomaaliya.
Sheekh Xasan Turki oo raali gelin ka bixiyey hadal
uu warbaahinta siiyey taliyihiisa ciidamada ee ka
dagaalamaya Muqdisho oo ahaa…Sept,26,2008
(Kismaayo: Saylac.Com)- Sheekh Xasan C/llaahi Xersi
(Sheekh Xasan Turki) oo ka mid ah hogaamiyeyaasha
maxaakiimta Iskaamka ee gobolada Jubooyinka ayaa
cudurdaar ka bixiyey hadal ka soo yeeray mid ka mid
ah saraakiishiisa ka dagaalamaya magaalada Muqdisho
oo lagu magacaao Sheekh Maxamed Dulyadeyn kaasoo
ahaa in maxaakiimta Islaamka Soomaaliyeed ay
burbureen.
Waxaa uu sheegay Sheekh Xasan Turki in hadalka ka
soo yeeray taliyihiisa ciidamada uu ahaa mid si
qaldan loo fasiray oo raali gelina uu ka bixinayo
arintaasi, wuxuuna xusay in sarkaalkaasi uu hadalka
ula jeeday iney burbureen kooxaha ka leexday
jihaadka looga soo horjeedo ciidamada Dowlada TFG-da
iyo kuwa shisheeye ee dalka jooga, wuxuuna xusay in
midowga maxaakiimta Islaamka ay yihiin Awood Jirta.
Sheekh Xasan C/llaahi Xersi (Xasan Turki) ayaa waxa
uu sheegay in sida hadalka loo dhigay uu ahaa qaab
qaldan isla markaana taliyaha uusan ujeedkiisu aheyn
in Maxkamadihii ay burbureen oo uu ahaa kuwii
kabaxay wadadii la isku raacay oo burburay sida
Sheekha uu Hadalka u dhigay
Isagoo ka hadlayey shir jaraa'id oo uu qadka
teleefanka ugu qabtay warbaahinta magaalada Kismaayo
isagoo aan sheegin halka uu joogo ayaa qiray inuu
jiro khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay
mas'uuliyiinta sare ee maxaakiimta Islaamka oo
keenay inuu kala jabaan magaalooyinka Jabuuti
Asmara, isagoo hase ahaatee tilmaamay inuusan
khilaafkaasi wax saameyn ah ku yeelan doonin
jihaadka looga soo horjeedo cadowga ALLE.
Hadalka Mas'uulkani ayaa kusoo beegmay xilli shalay
taliye ka hadlay magaalada Muqdisho oo hoggaamiya
Ciidamada Sheekh Xasan Turki uu sheegay in iyagu ay
yihiin Mujaahidiin goonidooda u dagaalamaya oo aan
ka tirsaneyn Maxkamadaha Islaamiga isla markaana
Maxkamadihii ay burbureen.
Max'ed Ibraahin Raage
Saylac.Com Muqdisho Somalia.
|
|
|