| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Golaha midnimada Beelaha Samaroon oo lagu dhawaaqay Maanta.. Oct,22,2008

Djibouti(Saylac.com)- Shir telefoon oo ay shalay yesheen in ka badan 42 qof oo isugu jira; Saladiin, Aqoonyahano, Tijaar, Arday iyo xubno ka tirsan ururada haweenka ee Jaaliyadaha Awdal ayaa waxa si weyn looga hadlay inay soo gaadhay wakhtigii umada la badbaadin lahaa isla markaana loo samayn lahaa gole loo dhan yahay oo lagu magacaabo (Golaha midnimada Beelaha Samaroon) .

Golahan ayaa waxa uu dhaqarka u dhigan doonaa sidii danta guud ee Beesha loo ilaalin lahaa isla markaana si wadda jira looga hortagi lahaa tafaraaruq dhaqan iyo mid siyaasadeedba.

Inkastoonan shalay la magacaabin waxa gudi ah madaama aanay dadku u wada dhanayn kulankii shalay waxa lagu balamay in la lafa guro si wada jirana loo dhiso golo sadex gesood ah oo loo dhan yahay kuna hanaqaada danta guud ee Beelaha Samaroon.

Qodobadii shalay laga wada hadlay waxa ka mid ahaa:


1- In la sameeyo gudi salbalaadh ah oo u hawlgasha danaha guud ee Beesha.

2- In la sameeyo qodobo dastuuri ah oo aan cidina ka talaabsan karin oo biri ma gayda ah si loo gaadho hadafka guud ee Beelaha Samaroon.

3- In Gudi- hoseed hoose loo sameeyo hay'adaha samafalka ka hawlgala gobolka Awdal gudigaas oo hawshiisu noqon doonto inay si buuxda ula shaqeeyaan ururada samafalka wadaniga ah isla markaana awood u leh inay xaliyaan khilaaf kasta oo soo wajaha wada shaqaynta ururada ka hawl gala gobolka Awdal.

4- In la dardar galiyo soo celinta Ugaaska Samaroon iyo doorka uu ku yeelan karo go'aamada bulshada uu matalo si xooglehna loo garab istaago lagana soo saaro qodobo dastuuri isagoo la raacayo tariikhdii hore ee sadex dhadhaar iyo dhariga.


5- Dhinaca siyaasada oo shalay aad looga hadlay ayaa waxa la isku raacay in beelwalba oo ka tirsan Beelaha Awdal ay xaq u leedahay dano- hooseedyada iyada u gaarka ah sida; xisbiyada somaliland iyo la hawlgalidooda. waxase laga wada hadli doonaa sidii siyaasad dhexdhexaad ah oo danaha gobolada Salal iyo Awdal xeer qoran looga soo saari lahaa xeerkaas oo uu ku gudiga midaynta Beelaha Samaroon u hawl gali doono.


6- In Gorgortan xoogleh lala galo Beelaha dhexe ee Somaliland waxna laga bedelo dastuurka iyo habqaybsiga kuraasida Baarlamaanka Somaliland hawshan oo uu Golaha Midaynta Beelaha Samaroon uu u hawl gali doono.


7- In Beelaha Samaroon Meelkasta oo ay degan yihiin lala socodsiiyo xeerka ama dastuurka kama danbaysta ah ee lagu heshiiyo si ay u dhaqan galiyaan xeer hoosyeedadoodana ay ugu daraan xeerka Samaroon ee guud.

8- Ugu danbayntii in dawlada somaliland ama dawladaha kale ee Jamuuriyada Soomaaliland yeelan doonto lagu qanciyo inay golahan Beelaha Samaroon kala xaajooto arimaha xeer dhaqaneed ee ku wajahan danaha Beelaha Samaroon, isla markaana ay tixgalin Beel qaraneed ay siiso golaha Midaynta Beelaha Samaroon ee la samayn doono.


9- Golaha Midaynta Beelaha Samaroon ayaa waxa uu ka koobnaan doonaa ; Ugaaska Beelaha samaroon , Gudi isku dhafa oo iskugu jira sadexda Belood ee ugu waaweyn Beelaha Samaroon: Habarcafaan, Makaahiil iyo Maxadcase. Xulashada gudiga golahan midaynta Beelaha Samaroon ayaa waxa lagu qiimayn doonaa waxqabadka iyo kartida iyo waliba aqoonta ay u leeyihiin midaynta Beelaha Samaroon.



Kulankan oo curad ahaa ama bilawday shalay ayaa maalinta sabtida inagu soo fooleh waxa uu mar labaad looga wada hadli doonaa sidii qodobada aanu kor ku xusnay loogu gogol xaadhi lahaa gudi isku dhaf ahna loo magacaabi lahaa.


Hadii aad xiisaynaysid inaad ka qayb qaadatid fadlan la xidhiidh saylacnews@yahoo.com

Xubnaha muhiimka ah ee shalay ka qayb galay shirka Dr. Liban Ahmed & Qareen Nuur Muxumed & Ganacsade  Siciid Aw  Maxamed & Abwaan Maxamuud Cabdilahi Rooble & Fanaan Cabdinuur Alaale & Ganacsade Hassan Kaamil

Hussein, Osman
Saylac.com
Djibouti, Djibouti



 


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com