| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Wararka Soomaaliya Isniin + Sawiro Oct,20,2008
Wabiga Juba oo cagta Mariyay dhulbeereed ka badan 4-kun oo hegtar.
Oct,20,2008

(Jamaame:Saylac.Com)-Fatahaad Balaaran oo uu sameeyay wabiga Juba ayaa waxaa uu ku baabi'iyay dhulbeereed ka badan 4-kun oo hegtar oo ku yaala gobolka J/hoose.

Deegaano farabadan oo hoos taga degmdada Jamaame ee gobolka J/hoose ayaa waxaa ku baabay dhulbeereed gaaraya illaa 4-kun oo hegtar kadib markii dhulbeereed halkaasi ku yaalay uu cagta mariyay fatahaad uu wabiga Juba ka geystay halkaasi.

Fatahaada wabiga Juba ayaa sidoo kale waxaa ay sababtay in uu cagta mariyo dagal u soo go'i rabay dadka ku dhaqan gobolka J/hoose xili dadkasi ay ka soo kabanayeen abaaro dabadheeraaday oo wada saameeyay dadka iyo duunyada halkaasi ku nool.
Dad badan ayaa isaga barakacay dhulka uu wabiga ku burqaday kadib markii uu cagta mariyay tuulooyin ay dadkasi ku noolaayeen

Mid ka mid ah waxgaradha degmada Jamaame oo lagu magacaabo Suldaan Cali Mustaf Max'ed isla markana ka mid ah dadkii uu wabiga Juba ka baabi'iyay Dalagii Beeraha ayaa waxaa uu sheegay in wabiga oo si daran xiligan ugu sii fidayo dhul beereedka ku yaala halkasi isla markana uu ka baabi'iyay dalag uu sheegay in xiliga uu sugayay in uu u soo go'ay.

Suldaanka ayaa intaasi ku daray in dad badan oo ka mid ahaa Beeraleeyda gobolka J/hoose gaar ahaan kuwa ku dhow dhow wabiga Juba ay isaga barakacayaan deeganadooda kadib markii uu soo batay burqashada Wabiga Juba uu ka geysanayo halkaasi.

Gudaha Degmada Jamaan ayaa waxaa ay noqotay mid haawaneeysa kadib markii roobab xoogan iyo Fatahaad ka dhashay wabiga Juba uu buux dhaafiyay degmadaasi waxana inta badan degmadasi ku xirmay goobihii ganacsi eek u yaalay iyadoo dadku ay yihiin kuwa intooda badan ku go'doonsan xaafadahooda halka inta kale ay horay uga sii barakeceen.
Xiligan oo kale marka ay roobabka ka ay da'aan gobolada Dalka Gaar ahaan deegaanada ay maraan labada Wabi ee Juba iyo Shabelle ayaa waxaa ay inta badan keenaan Dhibaatooyin ka dhashay fatahaado ay sameeyaan taasina ay keento in ay dhibaato dhanka nolosha ah.

Xaalada Degmada Balcad oo saakay degan iyo Saraakiil ka kala tirsan Maxkamadaha iyo Shabaabka oo ku qul qulaya.

(Balacad:Saylac.Com)-Kadib Iska hor imaad shalay xoogaga Al shabaab iyo Maleeshiyo Gacan Saar la leh Maxkamadaha Islaamiga dhex maray aya Xaalada Degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe waxaa ay tahay mid degan.

Jawiga Magaalada ayaa guud ahaan caadi ah, waxaana furan goobaha ganacsiga iyo dhaq dhaqaaqa gaadiidka, waxaana ardayda iskuulada ay saakay u dareereen goobahooda waxbarasho.

Inkastoo Magaalada ay saameyn ku yeelatay iska hor imaadkii shalay dhex maray Xoogaga Alshabaab iyo dhalinyaro deegaanka ah oo gacan saar la leh Maxkamadaha ayaa hadana waxaa dhinac ka soconaya dadaalo lagu qaboojinayo xiisadaas.

Wararka aanu ka heleyno Magaalada Balcad ayaa sheegaya in Saraakiil ka kala tirsan Maxkamadaha iyo Shabaab ay ku qul qulayaan Magaalada, kuwaasoo sida la sheegay gacan ka geysanaya xalinta xiisada ka jirta Balcad.

Sidoo kale Odayaasha Deegaanka ayaa dhankooda wada dadaalo ay ku qaboojinayaan xiisadaas, waxaana la ogeyn waxa ay ku dambeyn doonto xiisada, iyadoona ay degmada ku wada sugan yihiin Labadii dhinac ee shalay iska hor yimid.

Dhalinyarada ayaa ah kuwo Deegaanka oo is uruursaday oo gacan saar la leh Midowga Maxkamadaha, waxaana ay doonayaan inay qeyb ku lahaadaan hanaanka maamul ee degmada, waxayna taageersan yihiin in Shareecada Islaamka lagu dhaqo.

Iska hor imaadkii shalay ayaa waxaa ku dhintay ilaa labo ruux iyo dhaawac saddex kale, waxaana mid ka mid ah dadka dhintay ka mid ahaa Nin safar ahaa oo ay haleeshay Rasaas xalay fiidkii lagu furay Gaari ay la socdeen Xoogaga Alshabaab oo marayay Bartamaha Degmada Balcad.

Kooxo hubeysan oo xalay dad ku laayey tuulada Dhabad ee gobolka G/gaduud iyo xiisad arintaasi ka dhalatay oo halkaasi ka taagay

(Dhabad:Saylac.Com)-Kooxo hubeysan ayaa Xalay fiidkii waxay si gaadmo ah ugu laayeen tuulada Dhabad oo ku taala inta u dhexeysa degmooyinka Caabudwaaq iyo Gelinsoor ee gobolka Galgaduud illaa shan ruux oo ka tirsanaa dadkii tuuladaasi ku dhaqnaa, iyago sidoo kale halkaasi ku dhaawacay saddex ruux oo kale.

Warka ayaa intaa ku daraya in dadka la dilay iyo kuwa la dhaawacay ay ka mid ahaayeen koox dad ah oo hurdayey goob laga shido matoor dabka dhaliya oo ku taala tuuladaasi, xiligaasi oo ay si gaadmo ah ku soo weerareen dabley hubeysan oo aan la garaneynin, iyago ka dibna rasaas ooda kaga qaaday dadkaasi oo hurda, kana baxsaday goobta.

Lama oga sababta ka dambeeysa arintaan iyo in ay tahay arin siyaasadeed balse waxaa la saadaalinyaa in arintaan salka ay ku heeyso aano qabiil,waxaan kooxaha falkaasi fuliyay ay gaarayeen ilaa 6-ruux kuwaasi oo markii dilka ay geeysteen halkaasi ka baxsaday .

Nabadon Cali Wali oo ka mid ah waxgaradka Deegaanka uu falka ka dhacay ayaa sheegay in ciidamada maamulka gobolka Galgaduud ay ku raadjiraan kooxaha Falkaasi Geystay.

Saddexda ruux ee ku dhaawacmay dhacdadaasi ayaa la sheegay in dhaawacooda loo qaaday isbitaalka degmada Caabudwaaq oo iminka lagu daweynayo.

Dadkii xalay Falkaasi ku geeriyooday ayaa saakay lagu aasay gudaha tuulada Dhabad ee gobolka Galgaduud,si rasmi ahna looma oga illaa hadda cida ka dambeysay weerarka dadkaasi lagu laayey iyo sababta loo loo dilay, hase ahaatee xiisad ayaa ka taagan deegaankaasi Dhabad, taasoo dadka ku dhaqani ay kaga shakisan yihin beelo ay ood wadaag yihin oo aanooyin qabiil ay dhexmartay hadda ka hor.

Sarkaal u shaqeynayey hay'ada UNCEF oo xalay lagu dilay Degmada Xudur.
(Xudur:Saylac.Com)-Kooxo hubeysan ayaa xalay degmada Xudur ee Gobolka Bakool waxa ay ku dileen sarkaal u shaqeynayay hay'ada UNCEF oo ka howlgasha degmadaasi.

Lama garanayo ujeeda loo dilay sarkaalkaasi lagu magacaabi jiray Mukhtaar Maxamed,waxaana dilay rag ku hubeysab Bistoolad tiradooda lagu sheegay laba nin sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dilka loo gaystay Sarkaalkaan u shaqeynyay hay'ada UNCEF ayaa waxaa ka xumaaday wax garadka iyo aqoonyahanada ku dhaqan degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Goobta uu dilku ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray Ciidamo taabacsan xoogaga Al-shabaab kuwaasi oo baadi goob ugu jira kooxihii dilka u gaystay sarkaalkaasi.

Dhawaan ayaa magaalada Marka rag hubeysan waxa ay ku dileen sarkaal u shaqeynyay hay'ada Cunada Aduunka ee WFP,taasoo ay ka xumaadeen shacabka ku dhaqan gudaha dalka Soomaaliya.

Gudaha dalka Soomaaliya waxaa ku soo badanaya ugaarsiga lagu haayo shaqaalaha u shaqeeya hay'adaha Samafalka,waxaana dilka loo gaysanayo shaqaalaha u shaqeeya hay'adaha gar gaarka Cambaareeyay Golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye iyo dhamaan wax garadka Soomaaliyeed.

Falka lagu beegsanayo shaqaalaha hay'adaha Samafalka ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili ay sii badanayaan dadka ka barakacaya dagaalada Dheeraaday ee ka taagan magaalada Muqdisho oo dhibaato xoogan ay ku heyso Deegaanada ay u barakeceen ee duleedada magaalada Muqdisho.



Max'ed Ibraahin Raage



Saylac.com Muqdisho Somalia.
 


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com