Dhegayso Wasiirka
Arimaha gudaha Jamuuriyada Somaliland oo ka waramaya
qaraxii shalay ka dhacay Hargeysa iyo baadhitaanka
ay ciimadu wadaan "Kuwii barigii baarlamaanka
Somaliland argagixisada sameeyey ayaanu tuhunsahay"
Oct,30,2008:
Dhegayso
Hargeysa(Saylac.com)Wasiirka Arimaha
gudaha Jamuuriyada Somaliland oo ka waramaya qaraxii
shalay ka dhacay Hargeysa iyo baadhitaanka ay
ciimadu wadaan "Kuwii barigii baarlamaanka
Somaliland argagixisada sameeyey ayaanu tuhunsahay"

Wararka kale ee ka imanaya Booliska Somaliland ayaa
waxay sheegayaan in Boolisku gacanta ku dhigay
gurigii ay dhawra usbuuc degenaayeen argagixisadu oo
sida la sheegay Boolisku ugu tagey furihii oo
qufulka albaabka hore lagaga tagay sidiisiina ugu
jira . Booliska Somaliland ayaa intaa waxa uu ku
daray in guriga gudihiisa loogu tagay hub iyo
qalabka kiimikada ah ee laga sameeyo bamka iyo
waliba qol kale oo loogu tagay caleenta loo yaqaan
Qaadka oo aad u badan .
Booliska ayaa sheegay in gurigan argagixisadu ayna
si toosa u kiraysan ee uu dilaal dhexaad ahi u
kireeyey sidoo kalena gawaadhida ay wateeni ayna ku
qornayn magacooda ee dhexeeye kale u iibiyey.
Inkastoonan ilaa hada gacanta lagu dhigin ragan
dilaalka ahaa ee guriga iyo gawaadhidaba u
farsameeyey argagixisada, hadana waxa maalmaha inagu
soo fooleh la filayaa in Booliska Jamuuriyada
Somaliland uu shaaca ka qaadi doono cida ay ragan
dilaalka ahi yihiin.
Guud ahaan amaanka dariiqyada isku xidha gobolada
ayaa la xoojiyey ciidanka nabad sugiduna gidaar
walba oo magaalada Hargeysa way tuban yihiin, sidoo
kalena shacabka somaliland ayaa wadashaqayn buuxda
la samaynaya ciidanka nabad sugida wixii soo kordha
kala soco saylac.com.
Ilyas Hassan
Saylac.com
Hargeysa, Somamaliland
Sheekh Maxamed Ismaciil oo loo
haysto qaraxii shalay ka dhacay magaalooyinka
Hargeysa iyo Bosaaso..Oct,30,2008
Garowe(Saylac.com) Muse Geele Yusuf oo ah Badhasaab
ka tirsan ismaamul goboleedka Puntland ayaa
saxaafada u sheegay in ay ciidamada Puntland qabteen
jeelkana u taxaabeen Sheekh Maxamed Ismaciil oo ah
sheekh si weyn looga qadariyo gobolada Bari ee
Soomaaliya . Badhasaabka ayaa waxa uu sheegey oo
kale in sheekha lagu tuhunsan yahay inuu ka
danbeeyey qaraxii shalay gilgilay labada magaalo ee
Hargeysa iyo Boosaaso. Ismaamulka Puntland ayaa
intaa waxa uu ku daray inuu ku daba jiro raadcada
afar nin oo kale oo iyagana looga shikisan yahay
qaraxii shalay.
Dhinaca Dawlada Somaliland ilaa hadda lama hayo cid
loo qabqabtey qarixii shalay booliska Somaliland
ayaa heegan la galiyey taniyo shalay markii qaraxu
dhacay waxaana maalmaha inagu soo dhaw la filayaa
inay raadad ay daba joogaan la sheegi doono.
Madaxweynaha Ismaamulka Puntland Muuse Cade ayaa
tacsi u diray qaraabadii iyo ehelkii dadku kaga
dhinteen Labada magaalo ee Hargeya iyo Boosaaso
wuxuuna intii ku dhimatey Eebe uga rajeeyey inuu
janadii ka waraabiyo .
Jaamac Haruun
Saylac.com
Garoowe, Puntland
Jendayi Frazer oo ku
tilmaantay Qarxyadii Hargeysa iyo Boosaaso kuwo leh
Astaamihii lagu yaqiin Alqaacida..Oct,30,2008
(Nairobi:Saylac.Com)-Haweeneyda Kaaliyaha u ah
Xoghayaha Arrimaha Dibeda ee Mareykanka Jendayi
Frazer ayaa ku tilmaantay qaraxyadii shalay ruxay
Magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso kuwo ay
abaabushay Alqaacida.
Iyadoo ka hadleysay Magaalada Nairobi oo ay kaga
qeyb gashay Shirkii Madaxda IGAD iyo Dowladda
Embighat ayaa tibaaxday in astaamaha qaraxyadaas ay
yihiin kuwii lagu yaqiin Alqaacida sida ay hadalka u
dhigtay.
"Markaan aragnay nuuca qaraxyadaas, waxaa uu yahay
astaamihii Alqaacida, aad baana uga xunahay"ayay
tiri Jendayi Frazer oo muddo haatan laga joogo sanad
booqasho ku tagtay Magaalada Hargeysa.
Mss Frazer ayaa sheegtay inay jiraan Kooxo yar oo
mayal adag isla markaana diidan in Soomaaliya
xasilooni hesho,waxaana ay tiri in iyaga ay raad ku
leeyihiin qaraxyadan ka dhacay Labadaas Magaalo ee
Soomaaliya.
Maalinimadii shalay ayay aheyd markii waqti isku
dhow lala eegtay Magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso
qaraxyo isku mid noocuudu ahaa, kaasoo lala eegtay
xarumo waa weyn ee ay leeyihin Maamulada Somaliland
iyo Puntland, waxaana ku naf waayay dad gaaraya ku
dhawaad 30 ruux.
Ciidamada dowlada
Cabdilahi Yusuf oo Ilaa 10 Neef oo Geella ku laayay
kadib markii uu soo jiiray dhufeyso ay ku lahaayeen
Xaruntii Guulwadayaasha ee magaalada Muqdisho.
Oct,30,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)-Ciidamada Dowladda TFG-DA ee
fariisinka ku leh Xaruntii hore ee Guulwadayaasha
ayaa toogasho ku dilay ilaa 10 Neef oo geella, kadib
markii uu soo jiiray Geela dhufeyso ay ku lahaayeen
xaruntaas, isla markaana ay ka shakiyeen in loogu
soo dhuunto.
Taliyaha Ciidamada Dowladda TFG-DA ee fariisinka ku
leh Xerada Guulwadayaasha oo lagu magacaabo Col. C/qaadir
Codweyn ayaa xaqiijiyay in Ciidamada ay toogasho ku
dileen Geella, waxaana uu sheegay in Geella oo
diiday inuu dib u laabto ay rasaas ku asqeysiiyay,
waxaana uu tilmaamay in Ciidamada sababta ay
rasaasta ula beegsadeen ay tahay, iyagoo ka
baqanayay in Xoogaga wax iska caabinta ay ugu soo
dhuuntaan.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamadiisu ay
qasheen hal Neef oo Geella, waxaana uu sheegay in
inta kale ay soo doonan karaan dadkii lahaa.
Deegaanada Jidka Warshadaha oo ay wehel u noqdeen
dagaalo soo noq noqday ayaa ah meel cidlo ah oo
mararka qaar ay Xooluhu u daaq doontaan, waxaana
dadweynaha reer Muqdisho layaabeen sababaha ay
Ciidamada u toogteen Geelasi
Ma ahan wax ku cusub dadka Muqdisho ku nool in
Ciidamada Dowladda ay dad rayid ah laayaan, hase
ahaatee waxaa dhacdadan ay tahay mid aan horay loo
arag oo xoolo iska socda la laayo
Sheekh Shariif "Waxaa jira talooyin naloo soo
jeediyay ee ah inaan ka mid noqono Dowladda Embighat"
Oct,30,2008
(Nairobi:Saylac.Com)-Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u
Xoreynta Garabka Jabuuti Sheekh Shariif Sheekh Axmed
ayaa ka sheegay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya in
lagula taliyay in Isbaheysigooda uu ku biiro
Dowladda Embighat Soomaaliya.
Sheekh Shariif oo wareysi siinayay Idaacada BBC-da
ayaa tilmaamay in dad ay kula taliyeen inay Dowladda
ku biiraan, hase ahaatee wuxuuse sheegay in aysan
ahayn fikirkaas mid rasmi ah balse ay yihiin
tallooyin dad ay la kumeen soo jeediyeen.
"Waxaa jira dad nagula taliyay inaan ka mid noqono
Dowladda Embighat, balse ma aha soo jeedintaas mid
la isku afgartay, waxay ila tahay dadka fikirkaas
inoo soo jeediyay in ay doonayaan in Soomaaliya
dhibaatada laga saaro"ayuu yiri Sheekh Shariif
Sheekh Axmed oo hadaladiisa ka dabacsanaa sidii hore.
Sheekh Shariif ayaa sidoo kale soo dhoweeyay hadalka
ka soo yeeray Dowladda Ethiopia ee ahaa in
Ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya, waxaana uu
tallaabadaas ku tilmaamay mid ay ku kalsoon yihiin
inay ugu hogaansanto heshiiskii Jabuuti lagu gaaray
Dhinaca kale mar uu Sheekh Shariif ka hadlay
qaraxyadii Maalintii shalay ka dhacay Magaalooyinka
Hargeysa iyo Boosaaso ayuu sheegay in ay ka xun
yihiin Isbaheysigiisa falalka noocaas oo kale ah oo
maalin walba dadka Soomaaliyed lagu qarxiyo.
"Aad baan uga xunahay qaraxyada ka dhacay Hargeysa
iyo Boosaaso, raalina kama nihi"ayuu yiri Sheekh
Shariif Sheekh.
Hadalada ka soo yeeray Sheekh Shariif ayaa ku soo
beegmaya, xilli maalinimadii shalay uu ka qeyb galay
shir ay lahaayeen Madaxda IGAD iyo Dowladda TFG-DA
ah, waxaana Sheekha isaga iyo wafdigiisa lagu
casuumat shirkaas, inkastoo aysan ka hadlin, waxaana
la sheegay inay kulan la qaateen Haweeneyda afrika u
qaabilsan Mareykanka Jendayi Frazer
Max'ed Ibraahin Raage
Saylac.Com Muqdisho Somalia.
|