Dhacdooyinki ka hor intayna
bilaabmin diiwaan galinta Boorama ..Oct,26,2008
degdeg talada loo gooyo een dabada loo faydin
da'yartiyo duqaydiyo hadaan dumarka loo yeedhin
markay dubato haylaaman iyo dacartu miirmayso
Alahayoow maxaa daal u yaal diifatiyo ciilba.
London-Iyada oo ay dhacdooyin badani ka danbeeyeen
mudadii aan kasoobaxay boorama oo sadex cisho imika
laga joogo ayaan hadana rabaa in aan qayb qayb usoo
gudbiyo waxyaalihii aan ku arkay boorama iyo waliba
dalka intiisa kale waxanan ku bilaabayaa
diwaangalinta iyo waxyaalihii ku saabsanaa
doorashooyinka soo socda.
Iyadoo ay ahayd markii labaad ee
aan sanadkan tago Boorama ayaan waxan joogay boorama
mudo sadex iyo labaatan cisho ah waxanan kasoo baxay
bishan obtober sadex iyo labaatankeedii oo ku
beegnayd maalintii ay dawaangalintu ku sheegu ka
bilaabantay gobolka Awdal aniga oo wakhtigaa ku
mashquulsanaa dano shaqsiyadeed una waayay waqti aan
warbixin iyo waxaan ku arkay dalka soo diro.
Hadaba waxa intaan joogay
Magaalada aad looga dareemayay sawaxanka iyo
makarafoonada codka dheereeya oo saarnaa babuur ku
wareegayay xafadaha dhexdooda baabuurtaasi waxay
dadka u sheegayeen in ay tegaan meelaha laga soo
qaato waraaqaha loogu talagalay in lagu footeeyo iyo
in loo diyaar garoobo diwaan galinta . waxana
erayadooda ka mid ahaa ha ladoonto waraaqa iyo waa
mihiim in aad is diwaan galiso. Waxa kaloo
gawaadhida ka baxayay heeso aad loo dalacay. Markaan
dadka xaafadaha dagan waydiiyay waxa ay tahay waxan
loogu yeedhayi qofwalba si ayuu u macneeyay. Qaar
waxay yidhaahdeen waa diwaangalin oo dadkaa la tira
koobayaa qaarna waxayba yidhaahdeen waa la
footaynayaa. kuwa kalena waxay yidhaahdeen
waaraaqaha codka lagu bixin doono ayaa loogu
yeedhayaa dadka.
Sikastaba ha ahaatee waxay umuuqataa dadka boorama
ku dhaqani in aanay haysan wacyi galin kufilan. Waxa
taa kasii daran iyada oo meelaha waraaqaha laga
qaadanayay nidaamkoodu aad u liitay. Tusaale ahaan
aniga iyo sadex wiil ayaa waxan tagnay shan iyo
toban kii October meel kamida meelaha waraaqaha lagu
bixinayay oo loo yaqaan kaalmada kuna taal xaafada
aan daganaa oo u dhaw jeelka waana intii aanay
diwaangalintu bilabbing ayse socotay wax lagu
tilmaamay qaadashada waraaqaha foodka loogu tala
galay, waxanan halkaa ugu tagnay laba wiil oo aad u
da,yaryar. Kuwaasi oo u muuqday kuwo aan haysan cid
hagta. Waxyaalaha wiilashan yaryar ee wax qorqorayay
ay samaynayeen waxa ka mid ahaa iyaga oo mid ka mid
ahi uu magacda dadka qorayay isagoo waliba sicad u
diidayay in uu qofka u yimaada uqoro wax ka badan
labo qof oo qoskiisa kamida.
Halka kakale ee garafadhiyayna uu
formamka bixbixinayay. Dadka shicibka ee
muwaadiniinta ah ee meeshaa imanayay oo tiradood
marka horaba aad uyarad ayaa iyagu ahaa kuwo aan
kuba siiraagayn markay arkaan nidaam xumada iyo sida
daciifka ah ee ay hawshu usocoto. Hadaba mar aan wax
kawaydiiyay wiil kamida wiilasha wax qorqorayay oo
fadhiyay meeshaa looyaqaan kaalmad magaciisana
iigusheegay Axmad ayaa isaga oo karahsan su
aalahayaga iyo kuwa dadka kale waydiinayaanba waxa
uu noogu jawaabay anagu intii karaankayaga ahayd
waan wadnaa, ee hadaad idinku wax qabanaysaan kalaya
oo fadhiista.
Midkale oo kamida ahina wuxu
raacshay walaahiney faruhu ini daalayaan. Waxan ugu
jawaabay saaxiibayaal hadii aydaan qaban karayn
hawsha miyaad usheegtaan dadka idin soo diray. Axmad
oo ahaa kii wax qorqorayay ayaa eraygii ka xanaaqay
wuxuna iigu jawaabay hadal baad haysaa. dadkii
meesha joogay oo dhan ayaa markaliya uwada jawaabay
yarkii waxayna yidhaahdeen waar waa rune aaway
masuuliyiintiinii. Hadaba nidaam xumada kajirta
meelahan waraaqa lagu bixinayo oo dhaawac wayn iyo
xaqiraad iyo dadyari usoo jiidi doonta gobolkan ayaa
u eg mid loogu talagalay in aanay dad sidaa
ubadaniba ka soo bixin gobolkan. Iyada oo waraaqahan
waqtigaa lagu tilmaamay in ay ahaayeen oo kaliya
kuwa doorashooyinka ayna danbaysay tii tira koobka
oo hada bilaabantay waxa hubaala marka laga taamilo
qaato taa hore sida ay usocotay in ay tan danbana
usocon doonto si kasii liidataba hadaan wax laga
qaban. Mida kale dad badan ayaanan kalaba
fahamsanayn waqtigaa waxa waraaqaha ay qadanayeeni
ahaayeen.
Waxana taa dheer daka oo ku
mashquulsanaa danahooda gaarka ah awgeed siiba
haweenka iyo dadka waaweyn ayaa u ekaa kuwo lagu
adkeeyay siyaabah la isku diwaangalin karo sobobtoo
ah hooyada caruurta haysata ma awoodo in fayl
aroorta ugasho diwaangalin taasna wax u sahlilahaa
iyada oo xaafadaha iyo guryaha ay daganyihiin loogu
tago lagana soo qorqoro magacdooda halkaana lagu
diwaangaliyo. Dadka waaweyna sidoo kale. Hadaba
nidaam iyo dhiiri galin maaha gawaadhi badrool laga
buuxsado oo suuqa siigo kiciayaa ee waa in dadka loo
dhibyareeyaa nidaamka wax loo qor qorayo, shaqaale
badana goobaha loogu tala galay waa in loo
dhigaa.Lasoco faalooyinka danbe iyo waxaan ku soo
arkay Boorama iyo dariiqii aan maray oon eexasho
lahayn. Cabdale Farah Sigad
|