|
Wararka Somaliya iyo 21
October maxaa lagu xusuustaa dhegayso hadaladii
Siyad Bare.Oct,21,2008
dhegayso Max'ed Siyaad Barre.
Maanta oo ku beegan 21-kii Oktoobar, iyadoo 18-sano
aan la xusin Kacaankii majaraha u hayay Somali.
(Muqdisho:Saylac.com)-Maanta oo kale dalka
Soomaaliya oo dhan waxaa laga dhigi jiray xuskii
Kacaankii 21-ka Oktoobar, iyadoo shaqooyin iyo
goboobaha Waxbarasho la fasixi jiray, dadkuna ay
ahaayeen kuwo dhigaya dabaaldaga maalintaas iyo kuwa
daawanaya qaabka ay ciidamada Qalabka sida ay u soo
bandhigi Jireen Fantasiyaha Gaado ka cayaarka ah.
Haddaba waxaa is weydiin mudan 21-kii Oktoobar maxay
ahayd? su'aashaas jawaabeetu waa maalintii ay
ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed afgambi ku
qabsadeen dalka Soomaaliya, kaddib dhimashadii
Madaxweynihii Soomaaliua Marxuum C/rashiid Cali
Sharma'arke.
Marxuum Maxamed Siyaada Barre ayaa afgambigaas
kaddib dalka xukunkiiisii majaraha u qabtay, waxaana
Raadiyo Muqdisho laga bilaabay heeso lagu taageerayo
xukunka Milateriga ah oo dalka xukumayay 21-sano.
21-ka Oktoobar, waxaa lagu xusi jiray gaardis,
qalabka ciidamada oo loo soo bandhigo shacabka
Soomaaliyeed, heeso wadani ah iyo weliba iyadoo loo
ekeysiinayo Magaalooyinka dalka oo dhan kuwo aad u
qurux badan oo lagu xirayo nalal kala duwan .
Xukunkii Kacaanka ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad
Baarre waxaa talada ka tuuray Jabhadii kacdoomay ee
ay horkeceeysay ururkii USC, iyadoo wixii xiligaas
ka dambeeyay uu dalka Soomaaliya noqday mid ka bixi
waayay dagaalo sokeeye iyo awood kala bursi taasi oo
markii danbe sababtay in maanta ay ciida ummada
Soomaaliyeed soo caga dhigtaan Cadawga Soo Jireenka
ah.
Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa noqday
maamullo ka fikiray danaha shacabkooda, sameysatayna
deegaano ka nabdoon dagaalada ka dhacaya Soomaaliya
inteeda kale, iyadoo Somaliland ay sheegtay inay ka
go'day Soomaaliya inteeda kale.
Soomaaliya 18-kii sano ee dagaallada sokeeye ay
socdeen lagama xusin dalka maalintan oo kale, iyadoo
dadka Soomaaliyeed ay xiligaan dib u gocanayaan ka
hadalka 21-ka Oktoobar iyo xusaskii loo dhigi jiray.
Dagaallo sababay khasaarooyin dhaawac iyo
dhimasho ayaa maanta ka dhacay degmooyin ka tirsan...
Oct,21,2008
(Muqdisho:Saylac.com)-Dagaallo maanta ka kala dhacay
degmooyinka Dharkeynley iyo Huriwaa ayaa sababay
dhimashada qof rayid ah iyo dhaawaca in ka badan
shan qof oo ay ku jiraan dhinacyadii dagaalamay.

Kooxaha ka horjeeda siyaasada TFG-DA ah ayaa weerar
lama filaan ah ku qaaday saakay saldhigga Degmada
Dharkeynley ee Gobolka Banaadir, iyadoo halkaas ay
ku dhaawacmeen laba askari iyo mid ka mid ah
mucaaradkii weerarka qaaday.
Saldhigga Galbeed ayaa lala wareegay qadar kaddib
iyadoo askartii saldhiggaas ku sugnaa ay ka carareen
halkaas, iyadoo qadar kaddib dib ugu soo laabtay
saldhigga, markii ay halkaas baneeyeen kooxihii
weerarka soo qaaday.
Dagaalka ayaa waxaa ka qaybqaadanayay gadiid dagaal
oo ay wateen xoogaga mucaaradka, iyadoo ay noqonayso
markii ugu horeysay oo ay mucaaradku ku weeraraan
gaadiid dagaal saldhig ka tirsan kuwa Muqdisho.

Sidoo kale dagaal uu qof ku dhintay laba kalena ay
ku dhaawacmeen ayaa isagana maanta ka dhacay degmada
Huriwaa iyadoo la weeraray ciidamo ka tirsan kuwa
TFG-DA ah iyo kuwa Ethiopia oo howlgallo baaritaano
ah ka waday degmadaas.
Dagaaladani ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin weerarada
joogtada ah ee lagaga soo hor jeedo cidamada
Shisheeye ee ku sugan gudaha Dalka
Howlihii Dekeda Muqdisho oo maalintii labaad hakad
ugu jira muran la xiriira Lacago lagu kordhiyay
Gaadiidka ka shaqeeya Dekedda
(Muqdisho:Saylac.com)-Howlihii Dekeda Muqdisho ayaa
maalintii Labaad hakad ku jiray, iyadoona uu wali
muran ka taagan yahay lacago la sheegay in lagu
kordhiyay Gaadiidka ka shaqeeya Dekeda, taasoo
keentay in gaadiidleyda iyo Raga xamaalatada ah ay
shalay ku dhawaaqaan shaqo joojin hakad gelisay dhaq
dhaqaaqii Dekeda.
Maamulka Dekedda Magaalada Muqdisho ayaa waxay iska
fogeeyeen inay wax raad ah ku lahayn ama wax shaqo
ah ku lahayn lacago la sheegay in lagu kordhiyay
gaadiidka ka howlgala gudaha Dekedda kuwaas oo qaada
Xamuulka kala duwan ee Dekedda ka soo dega
Kusimaha Maareeyaha Dekeda Muqdisho ahna Kuxigeenka
Maareeyaha Yaasiin C/llaahi Maxamed ayaa sheegay in
maamulkoodu aysan wax shaqo ah ku laheeyn lacagaha
lagu kordhiyay gaadiidka ka shaqeeya Dekeda taasoo
keentay in howlihii dekada ay hakad galaan.
Maalintii Shalay ayay aheyd markii uu hakad ku yimid
howlhii dekada kadib markii ay shaqo joojin ku
dhawaaqeen gaadiidka xamuulka ee ka shaqeeya Dekada
kuwaasi oo ka cabanaya lacago lagu kordhiyay.
Iyadoo markii horeba lacagaha laga qaado Dekedda
Muqdisho la aaminsanaa inay galeysay Jeeb dad gaar
ah ayaa haddana tani waxay ka mid tahay dhibaato hor
leh oo lagu saa'idiyay Shacabka Soomaaliyed.
Shilal ka dhacay Gobolka Sh/ dhexe oo sababay
inay dhowr qof dhintaan kuwo kalena dhaawacmaan.
(Jowhar:Saylac.com)-Shil baabuur oo ka dhacay meel
ku dhow deegaanka Koogaar ee gobolka Sh/dhexe ayaa
sababay inay dhintaan ku dhawaad shan qof ayna
dhaawacyo kala duwana ay ka soo gaaraan todoba ruux
oo kale.
Shilka Gaariga ayaa yimid kadib markii uu si lama
filaan ah ugu dhacay bohol ka qodnayd meel jidka
dhiciisa ah, waxaaana dadka dhintay dilay fuustooyin
gaariga saarnaa iyadoo qaar kalena uu gaarigu ku
fariistay.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay Shabakadda wararka ee
Saylac.Com in dadkii dhintay lagu wado in lagu aaso
deegaanka uu gaarigu ku rogmaday halka
dhaawacyadiina loo qaaday goobo caafimaad si loo
daweeyo.
Shilkaan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee
dhawaanahan ka dhaca jidka isku xiga Muqdisho iyo Sh/dhexe,
waxaana gaarigan oo N3 ahaa uu ka ambabaxay Muqdisho
isagoo kusii jeeday deegaan ka tirsan Degmada
Cadalle ee gobolka Sh/dhexe.
Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la sheegay inay
dhaawacyadoodu ahaayeen kuwo culus, waxaana gaariga
rogmaday u gurmayda dadweyne ku dhaqnaa deegaanka uu
shilku ka dhacay.
Baabuurka ayaa waday rakaab dadweyne oo aad u fara
badan iyo shixnado ganacsi u badnaa oo uu ku jiray
shidaal, waxaana gaarigan uu ka ambabaxay Muqdisho
maalintii shalay ahayd isagoo ku sii jeeday gobolada
Dhexe ee dalka Soomaaliya.
Max'ed Ibraahin Raage
Saylac.Com Muqdisho Somalia
(Muqdisho:Saylac.com)-
|