|
|
 |
|
| |
Awdal Charity cid kala dhex
gasha ma laga waayey Awdal..Oct,17,2008
Kuwait(Saylac.com)-Laba urur ama kooxood markay
is qabtaan maxaa loo waayey dad gudi odayo ah oo
kala dhex gala mise dadku wali ma bislaan waxaan
maqalay in Awdal charity ay dhexdooda is khilaafeen
lakiin ilaa hada lama hayo dad gudi dhexdhexaad ah
oo kala dhex galay .. waa ceeb inteeda leeg in
qawmiyad dhani ay isku eegaan laba ama afar qof oo
danaha gobolka ka shaqaynayey tuhun aan sidaa u
weynayna dhex maray tuhunkaas oo lagaba yaabo in si
dhakhsiyo ah loo xalin karo.
Kala dhex gali la'aantu waxay keentaa in tuhunku sii
bato dadka qaarkiina ay ka dhex faa 'iidaystaan
iyagoo sii buunbuuninaya halkaana lagu kala tago
dantii guudna ay halkaa ka baxdo .. Waxaan odhan
karnaa waa dhibaatada ugu weyn ee ree awdal guud
ahaan dhextaala in ayna u garqaadin dadka iska
horyimaada ee dhexdooda ah waxana tusaale u ah "
1- Khilaafkii Cabdiraxman Awcali iyo Saylaci oo ayna
haba yaraatee duqayda awdal ka hadlin ama kala dhex
galin halka Gaariya uu guntiga u xidhay inuu xaliyo
isagoo aan gobolka Awdal ka soo jeedin.
2- Awdal Charity khilaafka curdanka ah ee soo kala
dhex galay oo ilaa hada aan la hayn cid isku
magacawda inay diyaar u yihiin inay xaliyaan iyadoo
aanu wada ogsoonahay inay labada dhinacba raali ka
noqon lahaayeen xalinta khilaafka aan sidaa u
weynayn ee danta guud ee 1500 arday u xidhan.
labadan ayaa ugu danbeeyey wixii dhacay oo aan lasoo
koobi karayn. Hadaba waxaan la yaableh sababta loo
waayey afar qof oo bulshada magac ku dhex leh oo
iyagu shaaciya inay gudi dhisaan dhexdhexaadin ah oo
khilaafaadka nuucan ah ka hortaga una garnaqa cid
kasta oo isku fahmi wayda . urur, Hay'ad, iyo maamul
kaleba.
Bani aadamku wuu kala boodi karaa lakiin waxa jira
oo xaliya dad dhexdhexaad ah oo degaanka u dhashay
lakiin dadka nuucaas ah anigu kuma arkin Awdal iyo
Salal toona.
Intaa waxa dheer in qadhaano badan la ururiyey
dadkuna ay jecel yihiin in dadkoooda wax loo qabto
lakiin hogaanka ku sugan wadankii gudihiisa ay
dhiniciisa ka jiifto arintu waxaanan odhan karnaa
wadaninimadii laga rabay kamay soo bixin gaar ahaan
Meyarka Magaalada Boorama iyo Gudoomiyaha Gobolka
Awdal iyo waliba Salaadiinta Gobolka oo aabad moodo
dad dalxiis ah oo ku kulmay markab dhexdiis kalana
tagi doona muda yar kadib.
Sidaa waxaan u leehay wali lama hayo arin ay intuba
isku raceen iyagoo ugu danaynaya umada ay matalaan
iskana fogeynaya khilaafka aan macno weyn ugu filayn
umada gobolka degan. Hadaladii xoghaya xisbiga udub
ee dhawaan is casilay waxa ka mid ahaa " wax
xidhiidh ah ma aanu lihin Gudoomiyaha Gobolka ! waxa
kale oo aanu horey u maqalay waraysi kale oo uu
saylac.com siiyey Duqa magaalada Boorama isagoo
isaguna sheegay ninka ka danbeeyey warbixin lagu
qori jiray wargeyska ogaal oo sheegaysay in Meyarka
magaalada Boorama soo dhaweeyey Cabdiraxman Saylaci
imaatinkiisii Borama uu ahaa Gudoomiyaha Gobolka
Awdal.!!
Oo maxaa ku jaban hadii uu Meyerku soo dhaweeyo
inaadeerkii ama musharaxa jagada madaxweyne nimo ee
xisbiga kulmiye Eng Cabdiraxman Saylaci ? waxba ayay
aniga ila tahay lakiin waxa kale ee jira cidina ma
fahmi karto ilaa hada
Intaa waxa waliba dheer in Salaadiintu goor walba
shir jaraaid soo saaraan oo ay kaga hadlayeen inay
qaadaceen diwaangalinta in lagu bilaabo Awdal balse
cidina ay na dheg udhigin waa talaabo kale oo aanu
odhan karno isgaadhsiinta shacabka iyo Salaadiinta
ayaa aad u liidata ama ma wada socdaan .
Arimahan oo dhan markaad isku soo duubto ayaa waxa
kuu soo baxaya in degmooyin ka tirsan gobolka Salal
oo ay ugu horeyso degmada qadiimka ah ee saylac ay
si tartiib tartiib ah uga soo siibanayso gacanta
qaymiyada Samaroon gacantana u galayso beelaha degan
Jabuuti ee Ciise.
Sidoo kale ardaydii wax ka baran jirtey dugsiyada
Al-aqsa iyo kuwa kaleba oo lagu qiyaasay 1500 oo
arday ayaa iyaguna burbur waxbarasho soo food saaray
lagana yaabo inay tahriib dhabarka u dhigaan mar
hadii masuuliyiintii ururka Awdal Charity oo awal
caawin jiray dhexdiisa is haysto
Horey waxaanu u ogayn in ururka Gurmad uu labag
18,000 kun ku dhaw uu u ururiyey uguna talo galay
inuu garoonka kubada cagta ee borama ku dhiso lakiin
si cad looga horjoogsaday xukumaduna gashaanka ku
dhufatey lacagtii oo ilaa hada cegaagta sanduuqa
ururka gurmad ee Dahabshil Borama. Suldaan ama
masuul ka hadlay oo xukumada ula af baxay
dhalinyarta u daaya inay dhulkooda dhistaana ilaa
hada lama hayo kaliya hadal iyo balanqaadyo aan
natiijadooda la hayn oo uu Meyerka degmada Boorama
Jaaliyada dibadaha ugu balan qaaday inuu bilaabayo
garoonka marka laga reebo hadaladaasina waxay
noqdeen hal bacaad lagu lisay oo aan marna.
Isusoo wada duuboo waxa cadaatey inay meesha ma
madhan tahay isku xidhnaan iyo isgaadhsiin dhinac
walba leh oo ka dhex taagan gudaha gobolka Awdal
tanuna waxay galaafatay waxtarkasta oo ay qurbojooga
reer awdal u yeelan lahaayeen umadooda gudaha dalka
ku sugan. waxa looga fadhiyaa Salaadinta Gobolka,
Aqoonyahanada, waxgaradka iyo Siyaasiintuba inay si
cad uga jawaab bixiyaan waxa keenay inay sidan dadka
u kala daadiyaan qayba meel ugu odaan intii khilaaf
dhex yimaadana ay isha qoodheeda uga fiirdanaa
iyagoo iska indha tiraya cawaaqibka ay keeni karto
ururo kala daata iyo khilaaf siyaasadeed oo umada
soo kala dhex gala khilaafkaas oo aan guud ahaan ka
hor imanaya danta guud ee bulshada Awdal iyo Salal.
Ugu danbayn waa in la helaa rag ama dumar
dhiiranaani ku jirto oo khilaafyada nuucan ah
guntiga u xidha kalana dhex gala cid walba oo muran
khilaaf dhex yimaado.
Ismahan Nuur
Saylac.com
Kuwait, Kuwait
|
|
|