| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Hambalyo aan kala go'lahayn oo jaaliyada Somaliland  ee cariga Ingiriisku ay u  dirayaan Madaxweynaha Dalka Jabuuti sida uu somaliland aduunka ugu xidhayo..Oct,15,08

London(Saylac.com) Qurbojooga Somaliland ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska ayaa saylac.com soo gaadhsiiyey hambalyo aan kala go lahayn oo ay ugu bogaadiyanayaan madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geeleh sida geesinimada leh ee uu dhawaanahan u garab siiyey Jamuuriyada Somaliland. waxa kale oo ay qurbojaaga Jamuuriyada Somaliland ay hambalayadooda ku raaciyeen in ay tahay wax lagu faano maanta inay dawlada Jabuuti hiil iyo afka la garab joogto jamuuriyada Somaliland ee ay walaalaha iyo dariskaba yihiin.

Isbaahaysiga cusub ee geeska Afrika Md Ismaciil C. Geleh &Md Dahir R. Kahin
Liiska magacaanta nasoo gaadhsiiyey hambalyada iyo bogaadinta loo dirayo Madaxweyne Ismcaiil Cumar Geele oo aad u dheeraa awgeed ayaanu goosanay inaanu si guud uga hadalo inay Jaaliyada Somaliland oo u badan qurbo jooga Awdal iyo Salal ay halkan bogaadin aan la soo koobi karin uga dirayaan madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele. Waxa kale oo ay Jaaliyadu amaan taa la mida usoo gudbinayaan Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland mudane Dahir Rayale Kahin iyo dawlada uu madaxda ka yahay oo runtii sida ay qoraalkooda ku sheegeen qurbojooga ree Somaliland ee degan wadanka Ingiriisku ah dawlad qaran dhamaystiran ah siyaasad iyo diblomaasigeeda ay kula dhaqanto wadamada dariska iyo kuwa shisheeyaba la odhan karo waa heer caalami oo dimoqraadiyad weyn huwan.


Ugu danbayn waxay qurbojooga Somaliland barwaaqo iyo badhaadhe Ilaahay uga baryeen wadanka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti waxayna labada shacab ku buuriyeen inay madaxtooda garab istaagaan sidii cadawga labada dal dhinac looga wada jeedsan lahaa iskaashi dhaqaale iyo ku dhaqana loo xoojin lahaa . Nuxurka qoraalka ayaa waxay kusoo gabagabeeyeen inay gaar ahaan umada somaliland eegto una kuur gasho danta guud ee dalka oo ah in si buuxda la isku garab istaago madaxweyne Dahir Rayale Kahin isagana waxay Ilaahay uga baryeen cimri dherer iyo caafimaad qab inuu ku waaro Umada somalilandna bashbash iyo aqoonsi iyo waliba barwaaqo ay mudo badan sugayeen Ilaahay usoo dedejiyo Amiin.


Maxamed Xaaji
Saylac.com
London, UK


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com