|
|
 |
|
| |
Magaalada Muqdisho oo
maalintii 2-aad laga Ciidayo Ciidul Fidriga.
Oct,01,2008
(Muqdisho:Saylac.com)-Magaalada Muqdisho ayaa
maalintii 2-aad waxaa ka soconaya u dabaal degida
munaasibada ciidul Fidriga, ka dib markii shalay
dadka qaarkii ay ciideen halka dad kalena ay
soomanaayeeen oo ay maanta ciidayaan.
Masaajidda magaalada Muqdisho qaarkood ayaa saakay
waxaa laga maqlayaa dhawaqa Takbiirta lagu yaqaanno
ciida, waxaana keenay arrintaan kadib markii dadka
qaarkii ay shalayba arkeen bisha Soonfureed halka
dadka maanta ciidayana aysan arkin sida ay ku
andacoonayaan.
Kala aragti Duwanaanshiyaha ku aadan dhalashada
bisha Ramadaan iyo bilaha ciidaha ayaanan aheyn mid
ku cusub guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan
magaalada Muqdisho.
Maalintii labaad ayaa waxaa wadooyinka magaalada
lagu arkayaa caruur aan badneyn oo ku labisan darees
qur qurxoon, isla markaana ku ciyaaraya agabka
caruurta ay ku ciyaaraan bisha ciida.
Ka sokow Magaalada Muqdisho waxaa iyana saakay laga
ciidayaa Magaalooyin kale oo ka mid ah Gobolada
Dalka, kuwaasi oo aan qaarkood shalay laga ciidin,
waxaana Magaalooyinkaas ka mid ah Jowhar, Marka,
deegaano ka mid ah Jubooyinka iyo Gobolka Sh/Dhexe.
Si kastab ha ahaatee dalka Soomaaliya ma laheyn wax
wasaarad ah oo dhaqan galisa amarka ku aadan
dhalashada bisha Shawaal, waxaana xili dadka
Soomaaliyeed ay isku waafaqeen bisha Shawaal
dhalashadeeda ay aheyd xiligii maamulka Gobolada
koonfureed ay gacanta ku hayeen Maxkamadaha Islaamka.
Sidee shalay looga Ciiday
Degmada Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe.
Oct,01,2008
(Jowhar:Saylac.com)-Mas'uuliyiin ka tirsan
Maxkamadaha Islaamka ee gacanta ku haaya Gobolka Sh/Dhexe
iyo Boqolaal dadweyne ayaa shalay si wada jir ah
Salaada Ciidul Fidriga ugu tukaday Garoonka Kubada
Cagta Gobolka ee Magaalada Jowhar, iyadoona markii u
horeysay ay muddo sanado kadib ay dadka Reer Jowhar
Salaada Ciida ugu tukadeen Hal meel.
Boqolaalka dadweyne ee Muslimiinta ah ayaa isugu
jiray Rag iyo Haween, waxayna ahaayeen kuwo si weyn
isugu marxabeynayay Munaasabada Ciidul Fidriga,
kadib markii habeen hore lagu dhawaaqay in ay tahay
Maalin Ciid ah.
Ka sokow boqolaalka dadka ee si wada jir uga tukaday
Garoonka Kubada Cagta Gobolka waxaa iyana jiray dad
aan maanta ciidan, waxaana dadka Magaalada %20 ay
ahaayeen kuwo aan ciideyn, maadaama ay ku
andacoonayaan in aysan Bil arkin.
Inkastoo Bani'adamka uu caan ku yahay dabiic ahaan
in ay is qilaafaan ayaa waxaana dadka qaarkood ee ku
dhaqan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay ku
adkeysanayeen in ay ciid u tahay maalinta Arbacada
ah.
Markaan usoo laabano Salaadii Ciida ee shalay lagu
tukaday Garoonka Kubada Cagta Magaalada Jowhar,
waxay aheyd markii u horeysay ee reer Jowhar mar
kaliya wada tukadaan, waxaana nidaamyadii maamul ee
isaga kala dambeeyay Magaalada ay ahaayeen xilliyada
ciidaha kuwo gaar gaar ah ugu kala tukanayay
Masaajidada Magaaladaasi.
Suuqyada magaalada iyo wadooyinka ayaa shalay u
muuqday kuwa ciriiri ahaa waxaana meel walba tubnaa
dad caruur u badnaa oo raxan raxan u socday kuwaas
oo ay ka muuqdeen wajiyadooda farxad iyo reyn reyn,
waxyaabihi ugu badnaa ee ay caruurta ku ciyaarayeen
ayaa ahaa baastooladaha caaga ka sameysan ee
baaruuda ay ka dhacdo iyo kuwa dhawaqa rasaasta
bixiya inkastoo caruurta qaar ay wateen buufino,
firinbiyo iyo wixii la mid ah, waxaana ciidan ay
Magaaladu u aheyd ciid ka badalan ciidahii horay u
soo maray magaladaasi.
Qudbad uu dadweynaha reer Jowhar salaadii Ciida
kadib u jeediyay Gudoomiyaha Maamulka Maxkamadaha ee
Gobolka Sh/Dhexe Sheekh Daahir Caddow Calasow ayaa
ugu hambaleeyay shacabka Soomaaliyed ciida, waxaana
uu u rajeeyay in ciidan ciideeda kale ay ku gaaraan,
Nabad, Caafimaad, qeyr iyo barwaaqo.
Sheekh Daahir oo Dadka Magaalada Jowhar tujiyay
Salaada Ciida ayaa sidoo kale sheegay inuu ku
faraxsan yahay Munaasabada Ciida in shacabka reer
Jowhar ay hal meel ku wada tukadaan.
Sheekha mar uu ka hadlayay arrimaha Gobolka iyo guud
ahaan Siyaasada Dalka ayaa wuxuu sheegay in Ciidan
ciidii ka horeysay ay Magaalada joogeen waxa uu ugu
yeeray Cadaw, waxaana uu qeexay in ay ALLE ka
rajeynayaa in Ciidan Ciideeda kale ay Dalka oo dhan
ka saaraan Gumeysiga ku soo duulay iyo Gumeysi
kalkaalka ah.
Waxaa uu kaloo sheegay Sheekh Daahir inta badan
Gobolada Dalka ay gacanta ku hayaan Maxkamadaha
Islaamka, waxaana uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyed
inay ka qeyb qaateen Jihaadka socda.
Sheekha ayaa Dowladda TFG-da ku eedeeyay in dalka ku
soo hogaamisay Cadaw soo jireen ah, waxaana uu
sheegay inay waajib tahay in lala dagaalo si meesha
looga saaro.
Ciidamada Ethiopia iyo kuwa
dowlada TFG-DA oo saakay galay Xaafada Tiida ee
degmada Dayniile iyo Xaalada oo kacsan.
Oct,01,2008
(Muqdisho:Saylac.com)-Ciidamada Ethiopia kuwa
Dowlada TFG-DA ayaa saakay isku faafiyay Xaafada
Tiida ee degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir iyadoo
aan la ogeyn ujeeda ay u galeen xaafada Tiida ee
Degmadaasi.
Ciidamadani oo ku hubeysan hubka nuucyadiisa kala
duwan ayaa waxa ay qab qabteen tiro dad ah oo aan la
ogeyn goobta ay la aadeen Ciidamada Dowlada TFG-DA
iyo kuwa Ethiopia,waxaana wararku sheegayaan in
dadkaasi layskugu geeyay meel banaan oo ay su'aalo
ku weydiinayaan.
Xaafada T-da ee degmada Dayniile waxaa degan dadkii
ka barakacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho
kuwaasi oo saakay bilaabay in ay ka cararaan goobaha
ay Ciidamad soo galeen.
Ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowlada TFG-DA oo saakay
galay Xaafada T-da ayaa waxa ay ridayaan rasaas aad
u xoogan islamarkaana ay ka baqayaan in xoogaga ka
soo horjeeda ay Weerar ku qaadan Ciidamada soo galay
xaafadaasi oo ay degan yihiin dadkii ka barakacay.
Xaalada Xaafada T-da ee degmada Dayniile ee gobolka
Banaadir ayaa saakay kacsan iyadoo dadka ku haray
xaafada ay ka cabsi qabaan in ciidamada uu dagaal ku
dhaxmaro xaafadaasi.
Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan xaafada T-da ayaa
sheegay in ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowlada TFG-DA
ay galeen xaafadaasi kuwaasi oo furaya rasaas aad u
xoogan oo aan la ogeyn dadka ku wax yeeloobay
rasaastaasi.
Ciidamada Amaanka ee dalka
Kenya oo saakay xiray Xuduuda ay la wadaagaan
Soomaaliya. ..Oct,01,2008
(Baladxaawo:Saylac.com)-Ciidamada amaanka dalka
kenya ayaa saakay xiray xuduudaha ay wadaagaan
Soomaaliya iyo kenya islamar ahantaana aan loa garan
ujeeda ay u xireen Ciidamada Amaanka ee dalka Kenya.
Wararka laga helayo Xuudaha Soomaaliya iyo Kenya
ayaa sheegaya in Ciidamada Amaanka ee dalka Kenya ay
joojiyeen dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka
isticmaala xuduudaha labada dal,waxaana wararku
sheegayaan in ciidamada ay ku hubeysan yihiin hubka
nuucyadiisa kala duwan.
Wararka naga soo gaarayo Xadka ay wadagaan
Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in Ciidamada
Amaanka dalka Kenya laga soo dhacay gaari oo lala
soo galay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo iyadoo
maamulka degmada uu baadi goob ugu jiro sidii
gaadiidka uu dib ugu celin lahaa Ciidamada ammaanka
ee dalka Kenya oo gaadiidka ay ka soo dhaceen kooxo
hubeysan
Xirnaashiyaha Xuduudaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo
Kenya ayaa Saameen ku yeeshay Dadka Damaashaadaya
ciidul fidriga oo doonaya in ay soo booqdaan
Eheladooda,waxaana Maamulka degmada Baadheere uu ugu
baaqay in ay furaan xuduudaha ay wadaagaan labadaan
dal.
Ma'aha markii ugu horeysay oo Ciidamada Ammaanka
Dalka Kenya ay xiraan Xuduuda ay la wadaagaan labada
dal iyadoo horay ciidamada dalka kenya laga soo
dhacay gaadiid kadibna uu maamulak Gobolka Gedo uu
dib ugu celiyay.
Maxakamadaha islaamka ee Soomaaliya oo Bandow ku soo
Rogay magaalada Baladweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Oct,01,2008
(Baladweyne:Saylac.com)-Saraakiisha Ciidamada
Maxkmadaha islaamka ee ku sugan magaalada B/Weyn ee
xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in
magaalada B/weyn ay bandow ku soo rogeen gobolkaasi.
Bandawgani ayaa waxa uu bilaabanayaa 10-fiidnimo ee
caawa si loo xoojiyo amaanka magaalada B/weyn ee
xarunta gobolka Hiiraan,waxana saraakiisha
maxakamadaha islamka ay sheegeen in badawgani uu
jirayo labada maalin ee ciida ah
Sheikh Xuseen Muxumud Gaagaale oo maanta meel
fargaaro ah kala hadlay shacabka ku dhaqan magaalada
xili salaaciida ay ku dukadeen Fagaaro ku yaala
magaalada,waxaana uu sheegay in hadafka bandowga
loogu soo rogay magaalada ay tahay sidii loo xoojin
lahaa amaanka iyo in laga hortago kooxo burcad oo
dadka dhaca xiliayada habeenkii ah.
Bandowga Maxkamadaha islaamka ay ku soo rogeen
magaalada B/weyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku
soo aadaysa xili magaalada ay isaga baxeen Ciidamada
Ethiopia talaabadaasina ay soo dhaweeyeen shacabka
ku dhaqan magaalada B/weyn ee xarunta gobolka
Hiiraan.
Maamulka Kismaayo oo bur
buriyay Kaniisad ku tiilay magaaladaasi laguna
badalay Masjid.
Oct,01,2008
(Kismaayo:Saylac.com)-Wararka naga soo gaarayo
magalaada Kismaayo ee xarunta Gobolka J/Dhexe ayaa
waxa ay sheegayaan in Maamulka Islaamiga ee ka
dhisan Magalada uu Bur buriyay Kaniisad ku tiilayy
magaaladaasi.
Madaxa warfaafinta ee Maamulka Kismaayo Sheikh Xasan
Yacquub oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Kismaayo
ayaa sheegay in maamulka uu bur buriyay Kaniisad
weyn oo ku tiilay magaaladaasi islamarkaana lagu
badalay Masjid lagu cibaadeysto,waxaana uu sheegay
in ay bur burinayaan goobaha Kaniisada ah sida uu
hadalka u dhigay
Maamulka islaamiga ee ka dhisan magaalada Kismaayo
ayaa waxa uu hoostagaa Xoogaga Al-shabaab ee ka
dagaalama gudaha dalka Soomaaliya,waxaana ay meesha
ka saareen maleeshiyaad beeleedkii Kismaayo ku
sugnaa kuwaasi oo falal burcadnimo ka waday
magaaladaasi.
Ugu dembeynta Madaxa warfaafinta ee Maamulka
islaamiga ayaa shacabka Kismaayo ugu baaqay in ay la
shaqeeyaan xoogaga ka dagaalama gudaha dalka
Soomaaliya si buu yiri looga hortago Ciidamada
shisheeye ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.
Max'ed Ibraahin Raage
Saylac.com Muqdisho Somalia.
|
|
|