|
|
 |
|
| |
Diyaar garowgii u dambeeyay ee Hubka looga dhigayo
Max'ed Dheere oo ka socda Safaarada Ethiopia ee
Magaalada Muqdisho. ..Nov,27,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)- Sida ay sheegayaan illo
wareedyo ku dhow dhow Xafiiska Safaarada Ethiopia ku
leedahay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Guriga
Madaxtooyada dowlada TFG-da ayaa sheegaya inuu
soconayo qorshayaal Hub ka dhigis ah oo la doonayo
in lagu sameeyo Maxamed Dheere Gudoomiyihii hore ee
Gobolka Banaadir.
Qorshayaashan oo ay wadaan Xubno ka tirsan wasiirada
taabacsan Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde iyo qaar ka
mid ah saraakiisha Ciidamada Milateriga ee aad ku
dhow Ra'iisul Wasaaraha.
Wararka ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta uu
kulan qarsoodi dhex maray Saraakiil Ethiopian ah iyo
qaar ka mid ah Saraakiil caan ah oo ka tirsan
Taliska Milateriga Dowladda, kuwaasoo isla soo
qaaday suurta gelnimada sidii Maxamed Dheere hubka
looga dhigi lahaa.
Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ayaa horaantii
todobaadkan ku wargeliyay Maxamed Dheere inuu soo
wareejiyo Hubkiisa, waxana Maxamed Dheere uu ka
dhaga adeegay arrintaas, waxaana la sheegay in Hoyga
Maxamed Dheere la gaarsiiyay warqad qoraal ah oo ka
socotay Sarkaalka heysta Ciidamada Ethiopia ee jooga
Muqdisho Yohannes.
Maxamed Dheere oo ka mid ahaa Hogaamiye Kooxeedyadii
dalka ayaa haatan ah Siyaasi Hubeysan oo aan wax xil
ah u heyn Dowladda Federaalka, waxaana la sheegayaa
in ay dhici karto in Hubka laga wareejiyo maadaama
aysan isku wanaagsaneyn isaga iyo Saraakiisha
Ciidamada Ethiopia.
Warar ayaa sheegaya in Maxamed Dheere uu yahay ninka
ugu badan ee heysta Hub ee ka soo jeeda Beesha
Mudullood, waxaana hubkiisa lagu qiyaasay ilaa 20
Gawaari dagaal oo noocyada kala duwan ah, kuwaasoo
qaarkood la sheegay inuu geeyay Xarunta Madaxtooyada
oo uu ku xoojiyay Ilaalada Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf.
Maxamed Dheere ayaa dhowaan ka hor yimid Maamulka
Gobolka Banaadir, isagoona sheegay in Ra'iisul
Wasaare Nuur Cadde uu si gaar ah Maamulkaas u
magacaabay, isla markaana waxaa uu sheegay in aanu
aqoonsan doono Maamul gacan ku rimis ah oo uu Nuur
Cadde qolkiisa ku magacaabay.
Isbaheysiga dib u xoreeynta garabka Asmara oo ku
hanjabay inay ka hortagi doonaan wax kasta oo ka soo
naasa cadaada heshiiskii Jabuuti ..Nov,27,2008
(Jabuuti:Saylac.Com)- Isbaheysiga Dib u Xoreynta
garabka uu hogaamiyo Sheekh Xasan Daahir Aweeys oo
fadhigiisu uu yahay Magaalada Asmara ee xarunta
wadanka Eritrea ayaa ku goodiyay inay ka hortagi
doonaan wax walba oo ka soo baxa Heshiiskii Jabuuti
oo haatan meel gabo gabo maraya.
Afhayeen u hadlay Koox ka socota Isbaheysiga Dib u
xoreynta garabka Asmara oo ku sugan Magaalada
Muqdisho ayaa sheegay in Heshiiska awood qeybsiga ee
lagu kala saxiixday Jabuuti uu yahay mid lagu
xoojinayo Dowladda TFG-da oo ay sheegeen in
waqtigeeda uu idlaaday.
Sheekh Ismaaciil Caddow oo ah Afhayeenka Kooxdan
ayaa ku tilmaamay howlaha ay wadaan Garabka Jabuuti
mid ay kula mataanoobayaan waxa uu ugu yeeray Dowlad
ku sheega.
"Anaga hadafkayagu horay ayaan u cadeynay oo
Heshiiska lagu marin habaabinayo ummada Soomaaliyed
inaan diidan nahay, hadana waxaa soo socota inay
waraaqo ay wada xariiqeen inay ku midoobaan, waana
ka hortagi doonaa"ayuu yiri Mas'uulkaas taabacsan
garabka Xasan Dahir.
Lama oga sida ay arrimahan ay isula jaan qaadi karaa
iyo marxalada cusub ee ay sii gali karaan dalka
soomaaliya oo xiligaan dhibaato la ciir ciiraya,
iyadoona hadii Labada dhinac ee isbaheysiga garabka
uu hogaamiyo Sheekh Shariif iyo Dowladda KMG ay
midoobaan ay suura gal noqon karto in wajahaan
mucaarado xoogan oo hor leh.
Dhaq dhaqaaqa hubeysan ee Alshabaab ayaa horey u
sheegay inaysan u hogaasami doonin wax walba oo ka
soo baxa shirka Jabuuti, laakin dad badan ayaa
aaminsan in kooxaha ka soo horjeeda heshiiskan ay
xasaasiyad ka qabaan joogitaanka ciidamada Ethiopia
oo hadii ay baxaan ay sahlan tahay in arrimaha dalka
soomaaliya xal waara laga gaaro
Maxkamadaha Islaamka oo ku baxay colaado mar kale ka
soo cusboonaaday xadka Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
.Nov,27,2008
(Jowhar:Saylac.Com)- Maamulada Maxkamadaha Islaamka
ee Gobolada Sh/Dhexe iyo Hiiraan ayaa ku baxay
colaado mar kale ka soo cusboonaaday deegaano ka
tirsan xadka kala qeybiya Labada Gobol.
Colaadahan oo u dhaxeeyo beelo reer miyi ah oo
halkaas ku dhaqan ayaa ah mid mar kale soo laba
kacleeyay, kadib markii kal hore loo xaliyay,
iyadoona ay dib u bilaabatay dilalkii ku saleysnaa
aanooyinka qabiil.
Ilaa iyo 5 ruux ayaa la xaqiijiyey in siyaabo kala
duwan loogu dilay xalay deegaanka Garas Magan oo ku
yaala duleedka deegaanka Moqakori ee Gobolka Hiiraan,
iyadoona la sheegay dadkaasi dhamaantood in ay
dileen kooxo dabley ah oo loo maleynayo inay u
dileen arrimo ku saleysan aanooyinka qabiilka.
Xaalada Deegaanada Xadka Labada Gobol ayaa ah mid
aad u kacsan, iyadoona ay jirto cabsi ku aadan inay
iska hor imaad uu dhex maro beelaha uu ka dhaxeeyo
aargoosiga qabiil.
Mas'uul u hadlay Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegay
in ay ku dadaalayaan sidii ay u dhex geli lahaayeen
Beelahaas ku dagaalamay xadka labada gobol, iyadoona
haatan ay socdaan wada tashiyo u dhaxeeyay Maamulada
Islaamiyiinta Labada Gobol, kaas oo ku aadan sidii
loo soo afjari lahaa colaada soo cusboonaatay.
Tan iyo sanadkan waxaa soo jiitamayay dagaalo goos
goos ah oo u dhaxeeyay Labo beelood oo kala dega
Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, iyadoona ku
dhowaan 200-oo ruux ay u dhinteen dilal gaadmo ah oo
ku saleysnaa aanooyinka qabiilka, waxaana Dagaalada
labada dhinac oo ah kuwo soo jireen ahaa muddo
badana soo jiitimayay, waxaana dagaalkooda uu salka
ku hayaa dhul daaqsin ah iyo ceel biyoodyo.
UN-ka oo si diiran usoo dhaweyay Heshiiskii Awood
qeybsiga ay kala saxiixdeen Dowlada TGF iyo
Isbeheysiga Dib u xoreeynta..Nov,27,2008
(New York :Saylac.Com)- Qaramada Midoobey ayaa si
diiran usoo dhoweysay Heshiis taariikhi ah oo
Kooxaha Soomaalida ku gaareen Magaalada Jabuuti,
kadib wada hadalo saddex cisho halkaas uga soconayay,
kaasoo ay ku gaareen heshiis awood qeybsi Dowlad
midnimo qaran.
Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada
Midoobey Ahmedou Ould Abdallah ayaa ku tilmaamay
heshiiskaas tallaabo geesinimo ah oo horay ay u
qaadeen dhinacyada Soomaalida.
Mr Ould Abdallah ayaa sheegay in soomaalida guul
weyn usoo hoyatay, oo uu xusay inay tahay mid lagaga
baxayo dhibaatooyinka ragaadiyay dalka oo ay ugu
weyn tahay colaadaha aan dhamaadka laheyd.
"Ahmiyad weyn ayay na siineysaa in la gaaro is faham
buuxa oo labada dhinac isu keeni kara, kuna
midoobaan Dowlad loo dhan yahay"ayuu yiri Ahmed Ould
Abdallah oo intaa ku daray in Qaramada Midoobey ay
sii wadeyso tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo geedi
socodka nabada.
Waxaa uu sheegay inay fududeyn doonaan dhaqan
gelinta heshiiska labada dhinac kala saxiixdeen ee
ku aadanaa dhisida Baarlamaan ballaaran oo ka kooban
550 oo Mucaaradka ay ku leeyihiin 275 mudane.
Isbaheysiga Dib u Xoreynta garabka uu hogaamiyo
Sheekh Shariif ayaa ku biiraya Dowladda KMG, kaasi
oo yeelanaya Baarlamaan ballaaran oo doorta
Madaxweyne cusub sanadka soo socda.
Max'ed Ibraahin Raage
Saylac.Com Muqdisho Somalia
|
|
|