| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Ilaalo hor leh oo lagu kordhiyay amaanka Hoyga Ra'iisul Wasaaraha dawlada Cabdilahi Yusuf oo  ka degan yahay Magaalada Muqdisho.Nov,19,2008

(Muqdisho:Saylac.Com)-Iyadoo uu heerkii ugu xumaa marayo khilaafka baaxada weyn leh ee u dhaxeeya Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa muuqaneysa saan saan khilaafkaas uu saameyn ugu yeelan karo Guryaha aan kala fogeyn ee Labada Mas'uul ay wada degan yihiin.

Labada Mas'uul ayay wararku sheegayaan in khilaafka u dhaxeeya ay dhici karto in saameyn ballaaran ay ku yeeshaan taageerayaashooda, iyadoona Madaxweynaha la ogsoon yahay in Ilaalo gaar ah oo horay Puntland uga keensaday ay aad u waardiyeyaan Hoygiisa.

Ilaalo hor leh ayaa la sheegayaa in la geeyay Guriga Ra'iisul Wasaaraha oo goob isku dhow ay degan yihiin Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

Wararka ayaa sheegaya in ilaalada lagu soo kordhiyay halkaasi xalay, iyada oo ilaalada ay aad uga taxadirayaan amaaanka guriga, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow dhow Saraakiisha Guriga Ra'iisul Wasaaraha.

Lama sheegin sababta keentay in Ilaalo lagu soo kordhiyo kuwii halkaasi horay u joogay, iyadoo Ciidamada kordhinta ah ay isugu jiraan Qaar ka mid ah Ciidamada Dowladda ee dhowaan lagu soo tababaray Dalka Ethiopia oo ku beel ah Ra'iisul Wasaaraha, inkastoo Labada Guri ay ku sugan yihiin Ciidamada Ethiopia iyo kuwa AMISOM oo qeyb ka ah ammaanka Hareeraha Madaxtooyada.


Cabdilahi Yusuf "Ethiopia xor ayay u tahay in Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, laakiin...." Nov,19,2008

(Tripoli:Saylac.Com)-Madaxweynaha Dowladda TFG-da C/llaahi Yuusuf Axmed oo ku sugan Magaalada Tripoli ee Dalka Libiya ayaa sheegay in Dowladda Ethiopia ay xor u tahay in Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.

Madaxweynaha oo wareysi siinayay Idaacada VOA ayaa wuxuu sheegay in awoodda xilka qaadista Ra'iisul Wasaaraha ay tahay mid u taal Baarlamaanka Soomaaliya, isaguna kaliya uu leeyahay awoodda magacaabidda.

Waxaa uu ku adkeystay Madaxweynaha hadal uu sabtidii ka jeediyay Magaalada Nairobi, kaasi oo ahaa in Xukuumada ay dhacday, isagoona intaa ku daray in ay xukuumadda dhacayso haddii ayan heysan aqlabiyadda lagama maarmanaka ah jiritaankeeda.

Madaxweyne Yusuf ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka isaga iyo Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde, isagoona tilmaamay in shaqsiyaad shisheeye ay ku lug leeyihiin khilaafka, Waxaana uu sheegay inay shaqsiyaadka shisheeye ay kala dhantaalayaan midnimada Dowladda TFG-da sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu ka hadlay go'aankii IGAD iyo hadalka ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Dibeda Ethiopia oo aheyd in Ciidamadeeda marna u dulqaadan doonin in naftooda ku waayaan Dowlad ay hogaankeeda is heysteen, ayuu yiri "Dowladda Ethiopia ee aan saaxibada nahay, xor bey u tahay in Ciidamadeeda ay kala baxdo, markii hore heshiis baanu galnay oo in Dowladda taageero siiyaan, taasna way ka noqon karaan"ayuu yiri Madaxweynaha oo carabka ku adkeeyay in isaga iyo Ethiopia ay xiriir fiican leeyihiin.

Laakiin Madaxweyne Yusuf ayaa ka gaabsaday mar wax laga weydiiyay gacmaha shisheeye ee ku lug lugta leh Khilaafka isaga iyo Ra'iisul Wasaarihiisa inay Ethiopia ku jirto iyo in kale, wuxuuna cadeeyay in xilligan uusan diyaar u aheyd inuu farta ku fiiqo, balse buu yiri ay soo bixi doonaan jihooyinkaas.

Hadalka Madaxweyne Yusuf ayaa ku soo beegmaya xilli Urur Goboleedka IGAD ay shalay si gaar ah farta ugu fiiqeen Madaxweynaha, kaasoo ahaa in hal dhinac ay wax ka socon la'yihiin oo lagala jeeday inuu isaga yahay, waxaana ay soo saareen in cidii ka hortimaada nabadeynta Soomaaliya in cunaqabateyn la saarayo.

Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo kula taliyay Madaxweyne C/llaahi Yusuf inuu is casilo Nov,19,2008

(Nairobi:Saylac.Com)-Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa kula taliyay Madaxweynaha Dowladda TFG-da C/llaahi Yuusuf Axmed inuu is casilo maadama uu caqabad ku yahay Nabad ka dhacda Soomaaliya.

Isagoo wareysi gaar ah siiyay wargeyska The Los Angels Times ayaa waxaa uu ku eedeeyay Madaxweynaha Dowladda KMG ah Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed in uu caqabad ku yahay nabada Soomaaliya xilli looga bahaanaa buu yiri in uu dalka Soomaaliya u horseedo nabada taasi badalkeedana uu ka doortay hurinta colaado iyo fowdo dalka Soomaaliya uu ka dagi la' yahay.

"Dalka ma laha Hey'ad Garsoor oo shaqeysa, inay sidaas ahaato dalka waxaa u sabab ah C/llaahi Yuusuf"ayuu yiri Nuur Cadde oo dhinaca kalena sheegay inaan uusan jirin tirakoob la sameeyay xilli doorasho xor ah ay ku soo food leedahay sanadka soo socda Shacabka Soomaaliyed.

Wasiirka koowaad ee Dowladda TFG-da ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in madaxweyne Yuusuf uu sheego in wax Dowlad ah aysan ka jirin dalka iyadoo ay shaqeynayaan baarlamaankii hayadihii kale ee xukuumada.

"Hay'adahaas shaqeynaya hadafkoodana wuxuu yahay sidii ay u dhaqan galin lahaayeen qodobadii lagu kala saxiixday dalka Jabuuti ee dhex maray iyaga iyo Isbeheysiga Dib u xoreynta Dalka Garabka Jabuuti"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde.

Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo tan iyo markii uu qabtay jagadan Xukuumaddiisa ku fashilantay maamulida Gobolo badan oo dalka ka mid ah isagoo taasna mar wax laga weydiiyay diiday inuu ka hadlo, waxana aan wax micno ah ku tilmaamin is ballaarinta Islaamiyiinta oo qabsaday Deegaano istiraatiiji ah.

Waxaa uu sheegay in dalka Soomaaliya lagu dhaqi doono shareecada islaamka maadama ummada Soomaaliyeed ay tahay ummad Islaam ah 100% taasina ay tahay mida kaliya ee looga bixi karo dhibaatada taagan, waxana uu soo dhoweeyay go'aankii Urur Goboleedka IGAD ay cunaqabateynta ku saarayaan cida ka soo horjeesata nabadeynta Soomaaliya oo ay ku jiraan Hogaanka Dowladda

Ururka Alshabaab oo u digay Kooxaha dilalka abaabulan ka dambeeya Nov,19,2008

(Marka:Saylac.Com)-Iyadoo ay sii badanayaan falalka ugaarsiga shaqsiyaadka Soomaalida iyo kuwa Shaqaalaha Samafalka ee jooga dalka ayaa Ururka Alshabaab oo ka taliya degaano badan oo koonfurta Soomaaliya waxaa uu soo saaray digniino culus u jeediyay kooxaha fuliya Dilalka qorsheysan iyo kuwa Jidgooyooyinka dhigta.

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur Afhayeenka Alshabaab ayaa isagoo ka hadlayay deegaanka Shalanbood ee gobolka Sh/hoose ayaa waxa uu ka sheegay in ay ku daba jiraan oo ay baaritaan xoogan ku hayaan dadka iyagu ka dambeeya dilalka qorshaysan ee ka dhacaya deegaaano ka mid ah gobolka Sh/hoose.

"Tallaabo cad ayaan ka qaadi doonaa cid kasta oo lagu helo inay raad ku leedahay falalka ama dilalka qorsheysan ee dalka ka socda"ayuu yiri Afhayeenka Ururka Alshabaab.

Al Shabaab oo ah koox Diimeed u badan rag dhalinyaro ah waxayna doonayaan in dalka Soomaaliya lagu Maamulo Kitaabka Alle taas oo ah wadada kaliya ee Ilaaha ogol yahay.

Dhanka Kale ciidamada Ururka Alshabaab ayaa waxaa ay howlgal ay ka sameeyeen gudaha magaalada Marka ay ku soo qab qabteen ilaa 15-qof oo lagu eedaynayo in ay isticmaaleen waxyaabaha maanka dooriya.

Wararkii ugu dambeeyay dagaalo saaka ka dhacay nawaaxiga Xarunta Madaxtooyada  dawlada cabdilahi Yusuf ee  muqdisho Nov,19,2008

(Muqdisho:Saylac.Com)-Dagaalo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saaka waaberigii waxaa ay ka dhaceen fariisimo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia ku lahaayeen agagaarada Xarunta Madaxtooyada ee Degmada Wardhiigley.

Dagaalkan oo waqtigii salaada kadib ka bilowday fariisimo ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Floranse, Zayidka iyo xarunta Madaxtooyada ayaa u dhaxeeyay Xoogaga Islaamiyiinta ee ka soo horjeeda siyaasada Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ethiopianka.

Inta la ogyahay labo qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen rasaas Wiifto ah oo ku haleeshay wadooyinka soo gala Suuqa Bakaaraha in kastoo ay jiraan khasaare kale oo intaa ka badan oo laga yaabo inay dagaalada ka soo gaareen dad rayid ah oo xaafada dagaalada ka dhaceen degan.

Sidoo kale lama oga khasaaraha dagaalkaas ka soo gaaray kooxihii weerarka qaaday ee ka tirsanaa Maxkamadaha Islaamiga, iyadoona warar la helayo ay sheegayaan in afar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo dhaawac ah la gaarsiiyay Cusbitaalka Madiina sida ay soo sheegeen saraakiisha Cusbitaalkaas.

Laakiin Afhayeen u hadlay Ciidamada Milatariga dowlada oo lagu magacaabo Dahir Maxamed Xirsi ayaa sheegay in dhinacooda labo askari ay ka dhaawacmeen 5-ka mid ah kooxihii soo weerarayna ay dileen sida uu hadalka u dhigay

Maxkamadaha islaamiga oo iyagu sheegtay masuuliyada dagaalkan ayaa diiday n ay faah faahin dheeri ah ka bixiyaan marka laga reebo in ay qaadeen dagaalka oo kaliya.

Dagaaladan ayaa waxay dhacayaan xilli ay Labo Maalmood oo kaliya ka harsan tahay waqtigii lagu ballamay in Ciidamada Ethiopia ka baxaan gudaha Xaafadaha Magaalooyinka dalka oo Muqdisho ay ka mid tahay sida uu dhigayay heshiiskii Jabuuti ee dhex maray Dowladda iyo Isbaheysiga Dib u Xoreynta garabka Sheekh Shariif Madaxda u yahay.


Shirkii Wasiirada Arrimaha Dibeda IGAD oo ay ka soo bexeen go'aano lagu cunaqabateynayo Madaxda Dowladda Nov,19,2008


(Muqdisho:Saylac.Com)-Iyadoo la soo gabagabeeyay kulankii Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD ee maanta ka dhacay Magaalada Addis ababa ayaa go'aano shirkaas ka soo baxay lagu canaantay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf

Kulan hal maalin ah oo Magaalada Addis ababa ku yeesheen Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD loogana hadlayay jalaafooyinka Siyaasadeed ee ka dhaxeeya Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa laga soo saaray go'aano adag.

Wasiirada Arrimaha dibadda Urur goboleedka IGAD ayaa waxaa ay gaba gabadii kulankooda ka soo saareen go'aano adag oo ku aadan Khilaafka ka dhex taagan madaxda Dowladda Soomaaliya iyo dadka loo arko in ay caqabad ku yihiin xasiloonada dalka Soomaaliya sida ay ku sheegeen qoraalkooda wasiirada ururka IGAD.

Wasiiradu waxay isku raaceen in talaabooyin dhanka safarka iyo dhaqaalaha lagu soo rago cidii loo arkaa in ay ku lug leeyihiin cuuryaaminta wadahadaladii dalka Jabuuti iyo sidii Dowladda TFG-da ay ugu shaqeyn laheeyd hanaan nabadeed.

Afhayeen u hadlay Urur goboleedka IGAD ayaa sheegay in qodobada la soo saaray ay yihiin kuwa u muuqa in si gaar ah ay ugu qotomaan madaxweynaha Dowladda Soomaaliya C/lkaahi Yuusuf Axmed oo Urur goboleedka IGAD ay si cad u sheegeen in uu ka hor yimid heshiiskii magaalada Nairobi kaasoo lagu soo dhisiyay xukuumad midnimo qaran markii uu Kilaafka soo kala dhex galay madaxda dowladda Soomaaliya.

Seyoum Mesfen Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia oo shirkii shalay ka dhacay Adis ababa shir Guddoon ka ahaa ayaa sheegay intii uu socday kulankaasi in hogaamiyaasha Soomaalida ay bur buriyeen heshiskii Jabuuti islamarkaana ay ku haboontahay in laga qaato talaabooyin cad oo lagu ciqaabayo.

Sida muuqata IGAD go'aanka ay ka soo saartay khilaafka Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa loo arkaa mid aan waxba ku soo kordhinaynin muranka taagan ama ku qasbi kara madaxda Dowladda inay isu tanaasulaan,iyadoo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf mowqif adag ka istaagay Wasiirada hadda soo magacabay Nuur Cadde ayaa la ogeyn sida u aqbali doono Wasiiradaas oo isaga lagala tashan magacabistooda loona baahan yahay ka hor inta aan la geynin Baarlamaanka in isaga ogolaansho laga helo.

Sidoo kale Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde iyo kuxigeenkiisa Axmed C/salaan Aadan ayaa qeyb ka ah khilaafka ba'an ee ka dhex taagan Madaxda Dowladda Soomaaliya.



Max'ed Ibraahin Raage

Saylac.Com Muqdisho Somalia.

 


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com