Xoogaga Alshabaab oo Maanta la
wareegay gacan ku heynta Degmada Marka.
Nov,12,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)-Xoogaga Dhalinyaro diimeedka
Alshabaab ayaa Maanta la wareegay gacan ku heynta
Degmada Marka ee xarunta Gobolka Sh/Hoose.
Abaaro 11:00 ee Maanta ayaa xoogaga Alshabaab oo
wata gaadiid fara badan oo kuwa dagaalka ah waxaa ay
gudaha u galeen magaalada Marka ee xarunta Gobolka
Sh/Hoose, waxaana ay durbadiiba fariisimo ka
sameeysteen saldhiga iyo xabsiga dhexe ee
magaaladaasi.
Jawiga magaalada Marka ayaa ah mid xasiloon waxaana
dad magaalada ay isugu soo bexeen wadooyinka
magaalada iyagoo si diiran u soo dhaweynaya xoogaga
al shabab ee la wargeey Gacan ku heynta magaalada
Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose.
Ma jirin wax iska hor imaad ah oo ka dhacay gudaha
magaalada waxaana ay xalay goor hore isaga baxeen
magaalada Marka guud ahan ciidamada amaanka iyo
saraakiishii maamulka magaalada kuwaas oo la sheegay
in ay u soo carareen dhinaca magaalada Muqdisho.
Waxaa mar qura is bedelay guud ahaan jawiga
magaalada,waxaa saakay aanan ka jirin magaalada
Canshuurihii ay qaadi jireen maamulka iyo xafiisyadi
maamulka,sidoo kale waxaa laga sii daayey goor hore
oo xalay aheyd saldhiga iyo Xabsiga maxaabiis kuwaas
oo ku yaacay gudaha magaalada.
Xoogaga Al Shabaab ayaa lasoo wareegay shalay gacan
ku heynta magaalada Khoryooleey, Deegaanka
Buulo-Mareer iyo degmada Baraawe,waxaana haatan
muuqata in ay gacanta ku wada dhigeen deegaanada ugu
muhiimsanaa gobolka Sh/Hoose.
Sheekh
Shariif oo magacaabay Taliyaha Ciidamada Maxkamadaha
Gobolka Shabellaha Dhexe
Nov,12,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)- Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u
Xoreynta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa magacaabay
Taliyaha Ciidamada Maxkamadaha Gobolka Shabellaha
Dhexe, iyadoo la filayo inuu dhameystiro dhowaan
dhismaha Maamulka Maxkamadaha ee G/Sh/Dhexe.
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada
Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe, Ninka
loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Maxkamadaha G/Sh/Dhexe
ayaa lagu magacaabaa Maxamed Muuse Janaqow, kaasoo
horay uga mid ahaan jiray saraakiishii hore ee
Maamulkii Muuse Suudi ee Degmada Balcad, hase ahaate
ka mid ahaa Ragii gacanta ku siiyay Maxkamadaha inay
Degmada Balcad ka saareen Maleeshiyaadkii Muuse
Suudi sanadkii 2006-dii.
Taliyahan cusub ee loo magacaabay Gobolka Shabellaha
Dhexe ayaa ka dambeeyay kadib markii Taliyaha
Ciidamada Maxkamadaha ee Gobolka Shabellaha Dhexe
iyo Gobolada Hiiraan, G/gaduud iyo Mudug uu ka soo
horjeestay imaanshaha Sheekh Shariif ee Magaalada
Jowhar.
Shariifka oo ka soo jeeda Gobolka Shabellaha Dhexe
ayaa doonaya in Maamul isaga hoos yimaada u dhiso
Gobolka, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda
inuu raacsiiyo Taliyaha Ammaanka Gobolka iyo Madaxa
Dhaqaalaha, kuwaasoo la sheegay inuu kala tashanayo
dhameystirka Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe oo
yeelanaya Gudoomiye iyo Kuxigeenadiisa.
Macalin Dahir Caddow Calasow oo haatan ah
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ee Maxkamadaha
ayaa waqtigiisa waxaa uga dhiman muddo todobaad
kaliya, waana nin ay isku beel yihiin Sheekh Shariif,
iyadoona loo badinayo in isaga dib loo magacaabo,
kadib markii la xaliyay khilaafaadkii dhanka Maamul
ee Gobolka iyo mid u dhaxeeyay isaga iyo Sheekh
Shariif.
Dagaalo xalay iyo saaka
Degmada Ceeldheer ku dhex maraya Ururka Alshabaab
iyo Dhalinyaro deegaanka ah ..Nov,12,2008
(Ceeldheer:Saylac.Com)- Wararka naga soo gaaraya
degmada Ceeldheer ee Gobolka G/gaduud ayaa sheegaya
in dagaalo ay xalay ilaa iyo saaka halkaasi ay ku
dhex marayaan Ciidamo ka tirsan Alshabaab iyo
Dhaliyaro hubeysan oo deegaanka ah.
Sida ay sheegayan dagaaladan oo gelinkii dambe
shalay ka bilawdeen gudaha degmadaas ayaa waxay
salka ku haayan joojinta qaadka iyo Sigaarka oo
Alshabaab ku soo rogeen degmadaas, waxaana arrintaas
ka soo horjeestay dhalinyaro deegaanka ah kuwaasi oo
intay is aruursadeen weerar ku qaaday fariisin ay
ciidamada Ururka Alshabaab ay ku leeyihiin degmada
Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
In kastoo dagaalkii xalay la isku habeensaday isla
markaana mar dambe uu istaagay dagaalka haddana
saaka Waaberigii ayuu mar kale dib u qarxay dagaalka.
Sheekh Cali Dheere oo ah madaxa 4-ta gobol ee Ururka
Alshabaab ayaa sheegay in dagaalku uu saakay markale
dib u bilowday islamarkaana uu haatan dagaalku socdo.
Sheekha Ayaa waxaa uu intaa ku daray in weerarkii
xalay ay ku soo qaadeen kooxaha hubaysan fariisinka
Ururka Alshabaab ay halkaasi ugu geeriyoodeen 2-ka
titrsan ciidamada Ururka Alshabaab iyo dhaawaca kuwa
kale isagoo xusay in weeraro sedax ah oo ay xaalay
ku soo qaadeen koxahaasi hueaysan ay iska difaaceen
oo sidaa uu waagu ugu baryay.
Lama oga ilaa iyo hadda dhimashada iyo dhaawac uu
dagaalkaas dhaliyay waxaase laga war haaya oo kaliya
in dagaalka oo ah mid la isku adeegsanayo hub kala
duwan uu weli ka socda deegaanka Ceeldheer
Afhayeenka Milateriga "Gacmaha kama laabaneyno is
ballaarinta Alshabaab ee G/Sh/Hoose amar kaliya
ayaan sugeynaa"
Nov,12,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)-Taliska Milateriga Dowladda
Embighti ayaa ka hadlay dhaq dhaqaaqyada Xoogaga
Alshabaab ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Sh/Hoose,waxana
ay ku tilmaameen qabsashada Xoogaga Alshabaab ee
Deegaanada Gobolkaas mid is ballaaran ah.
Afhayeenka Ciidamada Milateriga Dowladda Federaalka
Col. Dahir Maxamuud Xirsi (Dahir Dheere) ayaa
sheegay in 24-saac gudahood ay Ciidamada Xooga Dalka
duulaan ku qaadi doonaan goobaha ay alshabaab
qabsatay, kuwaasoo uu ku tilmaamay kuwo nabdoonaa.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in Mas'uuliyiinta Dowladda
ay amar ka sugayaan kaliya, wuxuuna xusay in
Ciidamada Xooga Dalka aanay gacmaha ka laaban doonin
tallaabada ay Alshabaab ku qabsatay Deegaano ka
tirsan Gobolka Sh/Hoose.
"Isha ayaan ku heynaa waxa socda, mana u dulqaadan
doono is ballaarinta ay wadaan raga argagixisada ah,
Ciidamada Xooga dalka amar bey sugayaan oo
kaliya"ayuu yiri Afhayeenka Milateriga Dahir Dheere
oo intaa ku daray in shacabka Gobolkaas uu ugu
baaqayo inay iska celiyaan kuwa ku soo duulay sida
uu hadalka u dhigay.
Hadalka Afhayeenkan Milateriga Col. Dahir Dheere oo
ku sheegay inay tallaabo ay wax uga qabanayaan
xoogaga alshabaab oo qabsaday deegaano hor leh ayaa
ku soo aadaya xilli Ciidamada Dowladda Federaalka ay
maara u la'yihiin xakameynta xaaladaha ammaan daro
iyo weerarada ay ku soo qaadaan Xoogaga ka soo
horjeeda, magaalooyinka ay gacanta ku hayaan.
Degmooyinka Khoryooley iyo Buulo Mareer oo xalay
Bandow ay ku soo rogeen Alshabaab iyo xaalada saakay
oo degan.Nov,12,2008
.
(Muqdisho:Saylac.Com)-Xoogaga Alshabaab ee shalay la
wareegay gacan ku heynta Degmooyinka Khoryooley iyo
Buulo Mareer ee Gobolka Sh/Hoose ayaa xalay halkaas
ku soo rogay Bandow, ka bilaabanayay 9-ka Fiidnimo,
kaasoo si rasmi ah u dhaqan galay
Sida ay sheegayaan wararka aanu maanta ka heleyno
Degaanadaasi ayaa sheegaya in Xaalada ay tahay mid
degan, inkastoo Ciidamadii Booliska iyo
horjoogayaashooda ay joogaan meel ka baxsan
degmooyinkaas, kadib markii laga awood roonaaday.
Taliyaha Ciidamada Booliska Degmada Khoryooley Nuur
Shaakow Jibriil oo Ciidamadiisa ay iska hor imaad
kooban la galeen Xoogaga Alshabaab ayaa sheegay in
hadii uu helo Gurmad uu ku laaban doono degmada,
isagoo qiray in ciidamadiisa ay u babac dhigi
waayeen Xoogaga Alshabaab ee soo galay degmadaas,
kuwaasoo uu ku qiyaasay inay dhamaayeen ilaa 800-oo
ciidan.
Markii shalay Shabaabku qabsadeen Deegaanadaas ayaa
waxaa muddo hawada ka maqnaa isgaarsiintii, kaasoo
sida la rumeysan yahay ay Xoogagaas ka saareen
hawada sababo aan la cadeyn, walow saacado kadib ay
dib ugu soo laabateen Hawada.
Saraakiil ka tirsan Xoogaga Alshabaab oo meel
fagaare kala hadlay dadweynaha Khoryooley iyo Buulo
Mareer ayaa sheegay in hadafkooda aanu aheyn is
ballaarsi, hase ahaatee ay tahay in ay xaqiijiyaan
amaanka deegaanadaas.
Dadka qaarkii ayaa aaminsan in imaanshaha Alshabaab
ee Deegaanada Gobolka Sh/Hoose ay tahay mid ujeedo
gaar leh, maadaama Yusuf Indha Cadde oo mar soo
xukumi jiray Gobolkaas uu dhowaan sheegay in maamul
islaami ah uu dhisayo deegaanada Gobolka, laakiin
hadalkaas ayaa waqtigiisa waxaa ka soo hormaray
tallaabada muuqata ee alshabaab, kaasoo xaglin karta
ujeedooyinka uu damacsanaa Mr Indha Cadde ee uu ku
doonayo inuu dib usoo nooleeyo goobihii uu sanado ka
arimin jiray.
Max'ed Ibraahin Raage
Saylac.Com Muqdisho Somalia.
|