| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Culumaa'udiinka Waday dadaalada la isugu keenayo Maxkamadaha iyo Hogaanka Gudaha ee Maxkamadaha Islaamka oo kulmay. .Nov,10,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)-Hogaanka Gudaha ee Maxkamadaha islaamka iyo Majmaca Culumaa'udiinka Soomaaliyed ee waday dadaalada ay ku dhex dhexaadinayaan garabyada Maxkamadaha u kala qeybsamay ayaa shalay kulan xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow oo Saxaafada ugu warbixiyay kulanka ay la qaateen Culumaa'udiinka u istaagay isu keenida Hogaanka Maxkamadaha ee garabyada u kala jabay ayaa sheegay in ay isku af garteen dhamaan waxyaabihii ay ka wada hadleen oo ay ugu muhiimsanaayeen qodobka la xiriira dhamaynta khilaafaadka u dhexeeya Hogaanka Gudaha ee Maxkamadaha Islaamiga.

Waxaa uu sheegay C/raxiim Ciise Caddow in ay dhankooda soo dhoweynayaan dadaalada dib u heshiisiinta ee laga dhex wado Maxkamadaha islaamka, isagoona sheegay in dhinacooda ay ka qaateen fikradihii ay usoo bandhigeen Culimada.

"Culimadu waxay noo soo bandhigeen qaabka ay u doonayaan in lagu dhameeyo khilaafaadka Hogaanka maxkamadaha iyo kulan guud oo loo ballansan yahay in gudaha dalka Soomaaliya loogu qabto dhammaan Hogaanka Midowga Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed"ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow oo ka mid ah garabka raacsan Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Dhowaan ayay ahayd markii culimaa'udiinka ugu caansan dalka Soomaaliya bayaan ay soo saareen ku sheegeen inay isku keenayaan dhamaan Hogaanka sare ee Maxkamadaha Islaamiga oo haatan aad ugu kala fogaaday dhinaca fikirka, iyagoo sheegay inay qabanayaan kulan guud oo ay isugu keenayaan, hase ahaatee dadaalada culimada waxaa ka soo horjeestay qaar ka mid ah Hogaanka Maxkamadaha sida Sheekh Yuusuf Indha Cadde.


Alshabaab oo xoog ku soo furtay Gudoomiyihii Waxbarashada G/Hiiraan oo shalay la afduubtay. Nov,10,2008
(Baladweyne:Saylac.Com)-Xoogaga Dhalinyar diimeedka Alshabaab ayaa xoog ku soo furtay Gudoomiyihii Waxbarashada Gobolka Hiiraan, kaasoo shalay gelinkii dambe ay kooxo Hubeysan afduubteen.

Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga Alshabaab ay si nabadgelyo ah ku soo furtay, iyadoona aanay dhicin wax iska hor imaad ah oo dhex maray Kooxihii Afduubtay iyo Alshabaab.

Maxamed Macalin Cusmaan ayaa shalay lagu afduubtay meel u dhow Tuulo lagu magacaabo Raangaabo oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, waxaana xilligaas gaari kala dagay kooxo aan heybtooda la aqoon.

Saraakiil ka tirsan Alshabaab ayaa sheegay inay soo qabteen Kooxihii afduubka geystay, waxaana la sheegay in kooxahaas oo afduubtay mas'uulkan ay sidoo kale isku dayi rabeen inay dhacaan Gaari, balse ay ka bad baadiyeen Xoogaga Alshabaab.

Xilliga ay Ciidamadu furanayeen Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in ay hurdayeen Kooxihii afduubtay, kuwaasoo ay hareereeyeen, dabadeedna ay gacanta ku dhigeen Ragii afduubka maleegay oo gaarayay 11-ruux oo markii hore damacsanaa inay afduubtaan gaari siday Buugaag waxbarasho oo ay laheyd Hey'ad ka howl gasha Magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Baydhabo oo saakay kacsan, kadib dilkii xalay loogu geystay Gudoomiye Kuxigeenkii 2-aad ee Gobolka Bay.Nov,10,2008
(Baydhabo:Saylac.Com)-Xaalada magaalada Baydhabo ayaa kacsan, kadib markii Ciidamada Dowladda TFG-da ay isku ballaariyeen qeybo ka mid ah Xaafadaha Magaalada, taasoo ka dambeysay dil xalay loo geystay Gudoomiye Kuxigeenkii 2-aad ee Gobolka Bay.

Sida ay sheegayaan wararka aanu s halkaas ka heleyno dhaq dhaqaaqii Magaalada ayaa gebi ahaanba hakad galay, waxaana xiran goobaha ganacsiga ee ku yaal Hareeraha Wadada laamiga.

Ciidamada Booliska iyo kuwa milateriga oo feejignaan sare ku jira ayaa taagan wadooyinka hareeraheeda, mana muuqato howl gal ay ka sameynayaan Magaalada.

Kooxo Hubeysan ayaa xalay fiidkii Magaalada Baydhabo ku dilay Gudoomiye Kuxigeenkii Labaad ee Gobolka Bay Xuseen Nuurow Sheekh, kaasoo sida la sheegay hoygiisa lagu weeraray.

Ammaanka Magaalada Baydhabo oo maalmihii u dambeeyay sii xumaanayay ayaa u muuqda mid faraha ka sii baxaya, Waxaana dilalka qorsheysan ay ku soo kordhayaan Magaalada.

Dilkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee loo geysto Mas'uul sare oo ka tirsan Maamulka Gobolka Bay, oo maalmihii u dambeeyay xakameyn waayay weerarada ka dhacaya Magaalada Baydhabo

Qaar ka mid ah xoogaga ka dagaalama gudaha dalka oo yeeshay Dalad ay ku mideeysan yihiin.Nov,10,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)- Sedax ka mid ah dhinacyada Kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxa ay maanta sheegeen in ay midoobayaan islamarkaana ay samaysanaaan hal Urur oo wata hal magac.

Maxamed Aadan Koofi oo afhayeen u ah Maxkamadaha ka madax bannaan Isbaheysiga Sh Shariif Madaxda uu u yahay ayaa waxaa uu sheegay in laga bilaabo maanta ay midoobayaan.

Maxkamadaha ee ka madax Banaan isbahaysiga,Ururka Al Shabaab iyo Mucaskarka Raasgaanbooni oo dhamaantood ka mid ah xoogaga ka dagaalama Soomaaliya kana soo horjeeda jiritaanka Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Shisheeye Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in ay u midoobeen la dagaalnka dowlada KMG Soomaaliya iyo Ciidamada Shisheeye.
Kooxahan sidoo kale waxay diidan yihiin oo aysanba ogoleyn inay taageeran heshiiskii xabad joojinta ahaa ee dhex maray Isbaheysiga Dib u xoreynta Sh Shariif Madaxda ka yahay iyo Xukuumadda Nuur Cadde.

Dowladda Embighati oo sheegtay inay qabatay mid ka mid ah Ilaalada Suuqa Bakaaraha oo ka bar bar dagaalamayay Kooxaha Hubeysan..Nov,10,2008

(Muqdisho:Saylac.Com)-Dowladda Federaalka Soomaaliy ayaa Sheegtay in ay gacanta ku dhigeen askari ka tirsan ciidamada ilaalada Suuqa Bakaaraha oo ka bar bar dagaalamayay kooxaha hubeysan ee ka horjeeda ee badnaa lagu eedeeyo inay gabaad ka dhigtaan nawaaxiga Suuqa in kasto warkaas dhawr jeer la beeniyay.

Dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Nawaaxiga Isgoyska Florence una dhaxeeyay ciidamada Dowladda oo gacan ka heleyeen Ciidamada Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa Afhayeenka Militariga Daahir Maxamed Xirsi waxaa uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen Askari ka tirsan ciidamada Ilaalada Suuqa Bakaraha oo uu ku eedeeyay in uu k mid ahaa kooxihii la dagalamayay.

Gudoomiyaha ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) ayaa isna beeniyay hadalkaasi ka soo yeeray Afhayeenka ciidamada dowlada waxaana uu sheegay in ciidamada ilaalad Suuqa Bakaraha ay yihiin kuwa tiro kooban islamarkana lambaro gaar aha wata oo aysan ka qeyb qaadan dagaalada isgoo ku eedeeyay dowlad in ay markii 19-aad jabiyeen heshiiskii ay kala saxiixdeen ganacsatada Suuqa Bakaaraha iyo masuuliyiinta dowlada goor hore.

Max'ed Ibraahin Raage

Saylac.Com Muqdisho Somalia.




 


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com