kumanaan reer jabuuti ah oo ka
qayb qaatey diwaangalintii ka dhacday tuulada
Geerisa iyo degaano kale oo ka tirsan gobolka Salal
iyo guud ahaan diwaangalinta dhacday oo lagu
qiyaasay
40%.Oct,31,2008
Borama(Saylac.com) Inkastoo aanay diwaangalinta ka
dhacday degaanada xeebeed ee gobolka Salal u dhicin
sidii loogu tala galay cilado farsamo koombuterka
iyo carbiska shaqaalaha diwaangalinta oo aad u
liitey awgeed, hadana wax rabshad ahi kama aysan
dhicin goobaha diwaangalintu ka dhacday.

Dadweyne kor u dhaafay kumanaan oo
saf ugu jira hal goob oo hal koombuter yaalo si ay
isu diwaangaliyaan waa tuulada Geerisa eh.
Gawaadhi boqolaal gaadhaya oo sida dadweyne reer
Jabuuti ah ayaad ku arkaysay tuulooyinka gobolka
Salal badankooda, dadweynahan oo u socday si ay
sharciga Jamuuriyada Somaliland u helaan.
Dadweynahan ayaa guud ahaanba qariyey dadyowgii kale
ee degaanadaa deganaa oo iyagu ku dhex milmay dadka
ka imanaya dalka Jabuuti oo asal ahaan u dhashay ama
ka soo jeeda Jabuuriyada somaliland.
Goobaha ay diwaangalintu ka dhacday iyo
xusuusqorka wariye Dahir Axmed Jirde ayaa sidan u
qornaa:
Geerisa si habsamiya ayay Diiwaan galintu uga
socotay, lakiin ka dib markii tirada dadku dhaaftey
kumanaan ayaa gabi ahaanka koombuters hawsha waday
ay ciladi gashay intaana waxa dheeraa shaqaalaha
diwaangalinta wadey laftooda oo aad moodo inaan si
fiican loogu tababarin inay u babac dhigi karaan dad
cadadkoodu badan yahay.
muqaalka gawaadhida reer
Jabuuti ku yimaadeen Geerisa iyo degaano kale
Dadweynaha reer Jabuuti ayaa shabakada saylac.com
usheegay inay afar casho u hoydeen tuulada xadka ku
taala ee lawyo cado iyo Casha Cado iyagoo raadinaya
meel ay u maraan diwaangalinta ka socotey
tuulooyinka Geerisa iyo degaano kale ee xeebta ku
yaala. Shaqaalaha diwaangalinta waday ayaa dhanaa oo
kaliya laba koxood, tanina waxay keentey in
dadweynaha isku diyaariyey inay diwaangalinta
sameeyaani ay dhib iyo qaxar kala kulmaan siday isku
diwaangalin lahaayeen "Sidaan ku helay labada kaadh
ee codaynta iyo jinsiyada somaliland waxay ahayd
dhibaan la qiyaasi karin" ayey tidhi haweenay
magaceeda la yidhaa Canab Cali oo ka mid ahayd
dadweynihii reer Jabuuti ee diwaangalinta u yimid.

khadar daahir ayaa isna saylac u sheegay dad kan ka
yimid jabuuti inay yihiin dad reer soomaaliland ah
oo doonaya jinsiyada dalkooda inay helaan, kuna si
daray hadalkisa ninkaan wadan kaarka s/land xadka
jabuuti dib uguma noqon karayo waayo, markaan soo
baxaynay waxa lanaga qoray magacayaga oo sadexan
kaliya waxa dib ugu noqon karayay ninka wata Aqoons
iga S/land dad nala socday oo nasiib u helay inay
markiiba low-yacado ka helaan Jinsiyda waxay si
dawaaliya u galeen jabuuti waana la sii daayay,
Aniga ayaa isku dayay inaan jabuuti Dib ugu noqdo
markii fiiladu igu dheeraatay sahaydiina uga
dhamaatay, waa la iidiiday kaliya waxa la i waydiyay
keen sharciga aad dalka ku so galayso, mee Aqoon
sigii S/land intaa ka din waxan Goostay inaan kor u
soo baxo ilaa aan soo helo Aqoonsina aanan jabuuti
dib ugu noqon ilaa Boorama soco ayaan islhaa kol
hadaan geerisa ka helay waa ilaahay mahadii caawana
jabuuti ayaan ku noqnoayaa ayuu khadar ku daray
hadalkisii,
Aminga geerisa iyo Guud ahaan Goobaha xeebaha ayaa
aad u fiicnaa, Garba dadar si fiican ayay diiwaan
galintu uga socotay. labada Xubnood ee ka socda
wasaarada Arimaga gudaha ee ka mid noqonaya Kooxaha
Diiwaan galinta waxa lagu soo diyaarshay ama ay
joogeen garba-dadar oo la sii marayay xaruna u ahayd
hawlgalada Xeebaha.
Degaanka xamarta si fiican ayay uga socotay
Computarka oo Ciladi dhow goor ka gashay ayaa hakad
badan ku keenay Goobaha xamarta dhigta warqa Gar
gaara, Tuulada Xooray, oon soo maray waxay ka mid
ahayd dhulka ugu shaqada badan ama filadu dheerayd
degaanka oo ah Beeralay ayay dadku saf saf dheer ku
jireen wax cilad ahna kuma iman qalabka Diiwaan
galinta, kormeerka Gobaha Xeebah ayaa Gaabis ahaa,
Goobta Lughaya maalintii Kowaad waxa gashay cilad
Maqribkii aya alaga saraya waxayna ka mid ahayd
goobaha ugu mashquulsan.
isku soo wada duuboo diwaangalinta ka dhacay
gobolada Awdal iyo Salal waxay ahayd mid aan sidii
la filayey u dhicin isla markaana 40% kaliya dadkii
goboladaa deganaa la diwaangaliyey waana sababta loo
aanaynayo in Salaadiinta Gobolka Awdal ay gashaanka
ugu dhufteen wax diwaangalin lagu sheego oo ka
dhacday awdal iyo Salal na ayna jirin.
Dawlada Somaliland ayey u taalaa talaabada labaad ee
ay ka qaadan doonto diwaangalinta fashilantey ee ka
dhacday gobolka Awdal iyo Salal.
Diwaangalinta macmalka ah ayaa waxay ku soo
beegantey wakhti wadanku ku jiro murugo kasoo
gaadhay qaraxii dhawaan ay argagixisadu ka sameeyeen
magaalo madaxda Dalka ee Hargeysa.
Dahir Axmed Jirde
Saylac.com
Borama/ Somaliland
|