| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

Roobab Mahiigaan ah oo in ka badan 24-saac ka da'ayey Muqdisho iyo hareeraheeda oo saameyn xooggan ku yeeshay kumanaan qoys oo ku barakacay duleedka caasimada
May,31,2008  
+Sawiro naxadin leh


(Muqdisho:Saylac.com)- Roobab aan kala go' laheyn oo in ka badan muddo 48 saac ah ka da'yey magaalada Muqdisho iyo nawaxigeeda ayaa saameyn aad u xooggan ku yeeshay inta badan dadweynaha ku dhaqan magaalada iyo kumanaanka qooys ee ku barakacay duleedyadeeda kuwaasoo markii horeba xaalada adag oo dhinaca ah nolosha ah ay halkaasi ku heysatay.

Roobabkan oo bilowday saqdii dhexe ee habeen hore ayaa si xiriir ah oo aan kala joogsi laheyn u da'ayey shalay illaa xalay oo dhan, waxaana roobabkaasi uu hakaday saaka waaberigii, iyadoo daruuraha ay weli yihiin kuwo dul hoganayaa magaalada oo ay dhici karto in roobabka ay halkooda ka sii socdaan.

Dadweynaha kumanaanka gaaraya ee ku barakacay duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho ayaa saameynta ugu xooggan ay roobabkaasi ku yeesheen waxaana soo foodsaaray hoy la'aan ka dib markii aqaladii ay degenayeen oo ka sameysnaa baco iyo cooshado aan adkeysi badan laheyn ay ku burbureen roobabkii da'ayey, xilli dadka halkaasi ku sugan intooda badan ay horey u heysteen xaalado nololeed oo ay ka mid yihiin Gaajo, iyo cuduro fara badan, waxaana aqaladii ku yiilay deegaankaasi oo dhan ay noqdeen kuwo ay baab'iyeen roobabka, waxaana intii ay roobabkaasi da'ayeen halkaasi ku dhinatay illaa labo caruur ah.


Dhinaca kale, roobabkan ayaa sidoo kale saameyn aad u xooggan ku yeeshay wadooyinka iyo xaafadaha magaalada Muqdisho, kuwaasoo qaarkood ay ka qodmeen boholo aad u waaweyn oo ay fariisteen biyo faraha badan oo roobkaasi ka dhashay, waxaa sare u kacay qiimaha lagu raaco gaadiidka isaga goosha magaalada oo markii horeba ahaa mid qaali ah, waxaana, halkii saddexda kun lagu raaci jiray uu imika noqday illaa shan kun Shso, waxaana arintaasi ugu wacan wadooyinka oo roobab waxyeelo ba'an u geysteen xilli muddo 17 sano ah aysan jirin wax dayactir ah oo lagu sameeyey.


Max'ed Ibraahim Raage


Saylac.com Muqdisho Somalia.


Home
Copyright © 2003 Saylac.com