| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Kulan balaadhan oo laga hadlayo xuquuqda bani-aadamka iyo ilaalinta ajaanibka oo ka dhacay Jaamacada Capetown ee Koonfur Africa .
May,30,2008

Capetown(Saylac.com) Kulankan oo ay ka soo qayb galeen saxaafadaha aduunka badankooda ee saldhigoodu yahay magaaladan Capetown ayaa waxa isku soo duboriday Hormoodka Jaamacada Capetown iyo Ha'yada Amnest ee u hadasha xuquuqda Bani-aadamka.

Shirkan ayaa waxa lagaga hadlay sidii dawlada koonfur Africa loogu qancin lahaa inay wax ka qabato xasuuqa ay shacabkeedu u geysanayaan dadka ajaanibka ah gaar ahaan Hindida, Africaanka iyo Carabta oo dhibaato weyni ka soo gaadhay ugaadhsiga dadka shacabku ay kula kacayaan maaliyadooda iyo naftoodaba.

Shirkan ayaa Hay'adaha wararka sameeya qaarkood ay kusoo bandhigeen sawiro murugo leh oo muujinaya sida dadka loo gubaayo iyadoo Hay'ada ugu weyn xaga wararka ee magaceeda la yidhaa Associated Press ay soo nandhigtey sawiro ka markhaati kacaya dad nolosha lagu gubay iyo xarumo ganacsi oo la boobayo oo aaanay booliska wadankani waxba ka qaban.

Dhegayso Radio South Africa Live>>     


Dhinaca kale Amnest International ayaa iyana soo jeedisay in cadaadis weyn la saaro xukumada koonfurta Africa si ay u ilaaliso xuquuqda dadka Shacabka ee ku nool wadankan koonfur Africa.

Maalmihii inaga tagay ayaa dadka Ajaanibka ah loo diyaariyey xarumo ku meel gaadh ah oo ay soo magan gali karaan hadii ay naftooda u cabsadaan lakiin xarumahani ma kaafiyi karaan dadka ajaanibka ah oo lagu qiyaaso ilaa dhawr milyan oo qof. Dadka ugu badan ee Ajaanibka wadankan ee qaxootinimada usoo galay waxay yihiin kuwa ka soo cararay dalka Simbaabwi oo si gaar ah loo bartimaansanayo iyadoo ay sababtu tahay inay shaqooyinka hoose ee dadka koonfurta Afrika ka shaqaysan jireen ay kala wareegeen iyagoo ku shaqeeya miishaar aad uga hooseeya kuwa dadka dhulkan u dhashay ay ku shaqayn jireen.

Soomaalida ayaa iyaguna dhibta ugu balaadhani ay ka soo gaadhay xarumaha ay ka ganacsadaan Afrikaan nimada ka sokowna loo gumaadayo Diinta Muqadaska ah ee Islamka darteed.

Abdirizak  Mohamoud "Sareeye"
Saylac.com
Capetown , koonfur Africa


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com