|
|
 |
|
| |
Wadahadaladii nabadeed ee
somalida ayaa si habsami ah uga socda
JabuutiMay,14,2008

Djibouti(Saylac.com) Xaflad balaadhan ayaa oo
lagu furayo wadahadalada nabadeed ee lagu
heshiisiinayo kooxaha isku dagaalaya koonfurta
soomaaliya ayaa maanta lagu qabtey magaalada Jabuuti.
Xafladan oo hordhac u ahayd wadahadalo nabad raadis
ah oo socon doona ilaa maalinta khamiista soo socota,
ayaa waxa hogaankeeda lahaa wakiilka jaamacada
qoromaha ka dhaxaysa u qaabilksan arimaha somaliya
oo horkacaya wufuud ka kala timid wadamada; Yurub,
Maraykanka, Jaamacada Carabta, Qaramada Bidoobay iyo
koonfurta soomaaliya.
Mr
Ahmed O. Abdalla ayaa si gaar gaara ula kulmay
wufuudan isagoo rajo weyn ka qaba inay natiijo
buuxda ay ka soo bixi doonta kulankan maanta." Waxa
xusuus mudan inay xafladii furitaanka shalay ka qayb
qaateen ururada Jaamacada Carabta, iyo Ururka
Midowga yurub" ayuu hadalkiisa ku daray mudane Ahmed
O. Abdalla .
Isaga oo ka hadlaya sida kulankani uu kaga duwan
yahay kulamadii hore ee ay soomaalidu yeelan jirtey
oo aan haba yaraatee wax natiijo ahi ayna ka soo
bixin; ayuu waxa uu sheegay inuu kani aad uga duwan
yahay marka loo eego tirada dadka kasoo qayb galaya
oo aad u yar iyo ujeedada kulankan oo ah in laba
garab lagu heshiisiiyo ee aan dawlad lagu dhisayn,
waa sida uu hadalka u dhigee.
"Ujeedada ugu weyn ee aanu wadnaa i waa sidii
soomaalida dalkooda loogu celin lahaa dhibaatada
dhexdoodana ay iyagu xalin lahaayeen" ayuu yidhi
wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha
soomaaliya Mudane Ahmed O. Abdala oo hada qaban
qaabinaya kulankan lagu dhex dhexaadinayo kooxaha
isku haya soomaaliya.
Kulankan nabad raadiska ah ayaa waxa uu ku soo
beegmay wakhti ay rabshado sii kordhayaa ay ka
jiraan koonfurta soomaaliya rabshadahaas oo sababa
dhimasho rayid aan waxba galabsan oo maalinwalba ay
ciidamada Itoobiya ku xasuuqaan gudaha dalka
soomaaliya.
Osman Hussein / Saylac.com/ Djibouti
|
|
|