Warqad furan oo ku
socota Madaxda iyo
Shacabka Somaliland
May,02,2008
Ka
dib markii
akhristayaal badani
naga oo codsadeen in
warqadan oo Afka
Ingiriisida ku soo
baxday aan
Af-Soomaali u
turjuno, waxan
garanay in aan
rabitaanka bulshada
awgeed warqadan
Af-Soomaali ku
nashrino –
Webmasters.
-
Madaxweyne Daahir
Rayaale Kaahin,
Madawxeynaha
Somaliland
-
Guddoomiye Axmad
Maxamad Silanyo,
Guddoomiyaha Xisbiga
Kulmiye
-
Guddoomiye Faysal
Cali Waraabe,
Guddoomiyaha Xisbiga
UCID.
-
Guddomiyeyaasha
Golayaasha
-
Gudida
Doorashooyinka
Qaranka
-
Shacabka Somaliland
Haddaan nahay
Somaliland hoygeenu
waa nabada.
Dadkeenuna arrintan
waxay garteen 18
sano ka hor markii
ay madaxbanaanidooda
kula soo noqdeen
shirkii Burco.
Iyagoo ka soo baxay
dagaal lagu ba’ay oo
lagu barubray,
raggii waayeelka
ahaa ee ku kulmay
Burco waxay
go’aansadeen in sida
keliya ee ay dal ku
dhisi karaan ay
tahay iyaga oo is
gacan qaada, is
cafjiya oo illooba
wixii tegay iyaga oo
kaashanaya
dhaqankeena iyo
dhaqaalaheena.
Sidaas ayeyna ku
dhiseen dal noqday
mid ay dalal badan
oo Afrikaan ahai ay
kantaan, dal ku caan
baxay in uu yahay
“Sirta Sida Adag Loo
Ilaasho ee Afrika”.
Dadkeenu waxay
bartilmaameed ka
dhigteen nabad kow,
nabad laba, nabad
saddex. Waxay
garteen in qofku
calool madhnaan ku
seexan karo meesha u
hoyga ah, laakiin
aanu hoy ka dhigan
karin meel aanu
nabad ku seexan
karin. Waxay ahayd
nabad ay dadku
sameeyeen ee aanay
siyaasiintu samayn.
Immikana waa dadka
kuwa ilaalin doona
ee maaha siyaasiinta.
Bal haddaba
digtoonaada,
Dadku way idiin
fiirsanayaan.
Dulqaad bay u
leeyihiin is
xagxagashadiina, is
qabqabsigiina, is
tuurtuurkiina hoose
iyo is
aflagaadayntiina.
Waxay ogyihiin inaad
weli socod barad ku
tihiin jidka
dimoqraadiyada oo
way idiin xadhig
dheeraynayaan oo
idiin oggol yihiin
inaad qaladaad
samayn kartaan.
Bal haddaba
digtoonaada,
Waa inaydaan ku
xadgudbin dulqaadka
dadka. Ku dadaala in
aanay
jacjacoornimadiina
carruurreed ka
gudbin soohidinta
dulqaadka.
Aflagaadada ugu weyn
ee qof siyaasi ahi
uu dadka kula kici
karaa waa isaga oo
xaqira garaadkooda.
Idinku is caaya
haddaad rabtaan, ha
isku tudhina, oo
midba midka kale
sharaftiisa dhulka
ha soo dhigo hadday
idinla noqoto,
laakiin waxan
idiinka digaynaa in
aad dadkayaga lugta
ku jiidataan oo aad
dhexgelisaan
ololihiina caytanka.
Bal haddaba
digtoonaada,
Madaxweyne Daahir
Rayaale Kaahin:
Taariikh inaad
samaysay muran kama
taagna. Waxaa tahay
madaxweynihii ugu
horreeyey ee
Somaliland ee la
doorto; waxad
qabatay oo aad
maamushay dhawr
doorasho oo nabad ku
qabsoomay
dimoqraadiyad lala
yaabaana ka muuqatay.
Waxaad muujisay
xikmad aad nabad ku
hoggaamisay dal
sabool ah oo aan la
aqoonsanayn kuna
yaala mandiqad
holcaysa. Marar
badan nabad ayaad ka
dooratay dagaal,
adiga oo aad
naftaadana ku waayi
gaadhay. Qofna
illoobi maayo sidii
aad Somaliland uga
badbaadisay dagaal
dhici lahaa 2002
dhacdadii Las
Caanood. Dadku waxay
arkeen odaynimadaada
markii aad duco ka
dooratay dagaal.
Eraydaadii ahaa
“Dagaal ducaan ka
doortay” waxay
ku suntan yihiin
taariikhda dadkeena.
Taariikhdu waxa kale
oo ay xusuusan
doontaa sidaad
diyaarka ugu ahayd
inaad banayso
kursiga madaxtooyada
bishii Abriil 2003
markii xisbiga
Kulmiye ku dhawaaqay
in ay doorashada ku
guulaysteen inta aan
natiijadii rasmiga
ahyd lagu dhawaaqin
11 May 2003. Dadkii
ku dhadhawaa waxay
qirayaan in lagugu
gacan maroojay inaad
sugto inta tirada
lagu celinayo.
Mudane Madaxweyne,
marka aad
madaxtooyada ka
tegto dadka
Somaliland waxay
waayo badan kuugu
mahadin doonaan
siyaasada dulqaadka
leh iyo
diblomaasiyada
debacdasan ee aad
arrimaha ku xalliso.
Guulahaaga aan la
illoobin karin waxa
ka mid ah sida aad u
hantiday xuduudaha
Somaliland markii
ugu horeysay ee aad
u kasbatay
kalsoonida dadka
reer Sool si ay ugu
soo noqdaan dalkooda
hooyo. Dadka
Somaliland illoobi
maayaan sidaad ugu
guntatay in aad
aqoonsi u keento
Somaliland. Waxay
markhaati ka yihiin
sida aad maalinba
gidaar u dumisay ee
aad maalin walba ugu
dhididay si aad
saaxiibo ugu hesho
Somaliland.
Dhacdooyinkaa iyo
qaar kale oo badan
ayaa ahaan doona
qaar sumad u noqda
cahdigaaga. Laakiin
Mudanane Madaxweyne
hawlahaa wanaagsan
oo dhami waxay raaci
doonaan dabaysha
haddii aad marka ugu
dambaysa wax
walaaqdo. Ogsoonow
waxa laga yaabaa in
rikoodhkaaga ay ku
jiraan dhawr
dhibcood oo madaw oo
keliya laakiin had
iyo jeer buqcada
madaw ayuun baa ka
soo mudh baxda go’a
cad. Haddaba hadii
aad rabto inaad
mahadho fiican ka
tagto sheekadaada u
samee biyo dhig
wanaagsan. Ogsoonow
waxa had iyo jeer
taariikhda ku hadhaa
waa biyo dhigga ugu
dambeeya. Ogsoonow
Mudane Madaxweyne,
kolba inta aad
xukunka ku sii
dhegto ayuun bay
leekaanaysaa
dhiilada
dhicitaankaagu.
Adigaa doorashada
leh.
Bal haddaba
digtoonow,
Mudane Axmad Maxamad
Silaanyo:
Muran kuma jiro
inaad u qalanto
Madaxweyne. Dadku
waxay kuu yaqaanaan
in aad tahay halgame
fiican iyo
hoggaamiye karti
badan oo dimoqraadi
ah. Taariikhda ayaa
ka marag ah sidii
aad uga dhaqaaqday
hoggaaminta SNM
markii ururku ugu
fac weynaa. Haddaba
taasi waxay ahayd
mid aan badanaaba ka
dhicin Afrika iyo
ururada kale ee
dhaqdhaqaaqa
gobanimodoonka ah.
In yar baa la arkay
nin hoggaamiye iyo
abaanduule
jabhadeeda oo
awoodda si
dimoqraadiya isga
dhiiba. Laakiin
adigu waad samaysay
Mudane Guddoomiye,
waana arrin dhagax
ku xardhan.
Dadka Somaliland
waxay kale oo ay
xusuustaan naf
hurnimadii aad
samaysay 16 May 2003
markii lagu
dhawaaqay tiradii
lagu celiyey ee
doorashadii
madaxweynaha.
Doorashadaa in aad
heshay iyo inaad
weyday waxay ahaan
doontaa mid lagu
wareersanaan doono
inta ay jirto
taariikhda dalkeenu,
laakiin waxa keliya
ee sida qorraxda u
widhwidhi doonaa waa
sida geesinimada leh
ee aad u aqbashay
go’aankii gudiga
doorashooyinka iyo
Guurtidu ay ka
gaadheen. Isaga oo
go’aankaasi ahaa mid
aan adiga iyo
kumaankun dadka
Somaliland ahi aanay
ku qancin in uu xaq
ahaa. Waxa caddaan
ah in ay arrintani
ka mid tahay
arrimaha lagu garto
hoggaamiyaha dhabta
ah. Mar labaad ayaad
tusaale fiican u
dhigtay sida la rabo
inuu qofka
hoggaamiyaha ahi u
dhaqmo. Taariikh
waarta ayaad ka door
biday wax ku
horyaala, geesinimo
ayaad ka door biday
hunguri oo nabad
ayaad ka door biday
dagaal.
Dhacdooyinkaa ayey
noqon doonaan
astaamaha lagu
xusuusto
hoggaamintaada
laakiin waa haddii
aad ku adkaysato
sidaas ilaa
gundhigga.
Mudane Guddoomiye,
waxa dhici karta in
aad mar labaad
jawharad kale ku
darto taashka ku
saaran haddii aad
mar labaad
taariikhda isha ku
hayso oo aanad
kursiga uun eegin.
Haddii aad sidaa
yeesho Mudane
Guddoomiye waxan
hubaa in dadka
Somaliland kuu abaal
celin doonaan,
abaalgudkooduna uu
noqon doono mid kuu
qalma; arrintaasi
aniga iga qor.
Laakin Mudane
Guddoomiye, iska jir
inaad sheegto balo
aan jirin oo aad
dadka uga digto yey
ku soo aaddan meel
aan yeyba lagu aqoon.
Arrintaasi ma aha
tab siyaasadeed oo
wanaagsan, dhab
ahaantii waa mid
adiga ku dilaysa.
Maxaa yeelay markay
dadku raadshaan
yeyga aad sheegtay
ee ay waayaan waxa
laga yaabaa in
arkaan in yeyga aad
sheegaysayba adiga
uun yahay. Waan
hubaa inaanad rabin
in sheekadaada
geesinimo ay ku
dhamaato dhiilo la
mid ah dhiilooyinkii
gabayaagii Ingiriis
ee Shakespeare
riwaayadiihiisii ku
jirtay. Waxa kale oo
lagaaga fadhiyaa in
aad wax ka qabato
hadalada gubaaga ah
ee ka soo yeedhaya
kalkaaliyeyaashaada.
Qaarkood baa waxa la
moodaa in ay weli ku
jiraan dhufayskii
dagaalka oo ay cay
la dhacayaan cadawga
ka soo horjeeda. Waa
inay bartaan in
hadalada gubaaga ahi
ay keeni karaan in
ay toosiyaan bahalka
ku hoos gabanaya
degnaanshaheena iyo
walaalnimada
dadkeena. Bahalkaas
oo ah qabiil.
Bal haddaba
digtoonow,
Mudane Faysal Cali
Waraabe:
Magac waxad ku
yeelatay in aad
noqotay nin oggol in
uu wax ka tanaasulo.
Waxan aragnay sida
aad xadhiga u
debciso marka kuwa
kale jiidaan.
Go’aankaagi
geesinimada lahaa ee
aad ku aqbashay
natiijadii mahadhada
reebtay ee
doorashooyinkii
madaxweynaha ee
sannadkii 2003 ayuu
ahaa kii keenay in
la xalliyo is
maandhaafkii halkaa
ka dhashay. Dhab
ahaantii wax dadka
qaarkood u arkaan
jiljilayc ku jira
mawqifyadaada ayaa
lagaba yaabaa inuu
ku jiro xooggaaga
ugu weyn. Waxad
bartay dadka
Somaliland in
mucaaridnimada
micnaheedu aanay
ahayn in col lala
noqdo dawlada dhisan.
Waxad dadka
jacaylkiisa ku
kasbatay inaad
qaadato go’aan dawo
leh marka arrintu ay
dhudhub gasho. Waxan
hubaa in taarikhdu
kugu xusuusan doonto
inaad ahayd
siyaasigii la
miciinsanayey kolka
meel kale oo loo
lee’do la waayo.
Inaad tahay ninka
boqorka sameeya ee
cid walba
taageeradiisa u soo
godlato. Anigana
waxay ila tahay in
qofka boqorka
sameeyaa uu yahay ka
furaha haysta.
Laakiin arrinta laga
yaabo in ay lugta ku
goysaa waa tabta aad
isticmaasho ee ah
inaad ku biirto kuwa
xumo sheega ah ee
jecel inay goor
walba abuuraan bahal
laga baqo. Bahalka
ayaad la raashimisaa
oo aad la korisaa,
adiga oo isku
hallaynaya inaad
qoorta ka jari
doonta marka ugu
dambaysa inta aanu
cid haleelin.
Laakiin waxa haboon
in aad xuxuusato
maahmaada
Soomaaliyeed ee
tidhaahda: “Libaax
nin korsaday ayuu
dilaa.” Waxa kale oo
laga yaabaa in marar
badan laguu sheegay
inaad hadalkaaga
miisaanto. Waxa laga
yaabaa inaad u
qaadatay xasad ay
wadaan cadawgaagu
laakiin run ahaantii
waxad ogaataa in
aanu jirin hub ka
xun meel ka dhaca oo
ridi kara qofka
siyaasiga ah.
Bal haddaba
digtoonow,
Mudane Suleymaan
Maxamuud Adam iyo
Golaha Guurtida:
Mudane Guddoomiye,
adigoo ah odayga
odayaasha,
masuuliyad weyn baa
dhabarkaaga saaran.
Haddaba iyada oo dad
badani rumaysan
yihiin in ay
Guurtidu had iyo
jeer shaabad u tahay
madaxweynayaasha
Somaliland soo maray,
anigu ammaan waxan
ahayn uma hayo
odayaasha sida
xikmada iyo
waayeelnimadu ku
jirto u xalliya
amuuraha soo food
saara dalka. Iyada
oo duruufaha adagi
ay mararka qaarkood
u baahan yihiin
go’aamo adag, la
yaab ma aha in
canaani inta badan
idiinka timaado
mucaaridka. Idinkoo
ah umulisadii
nabadda iyo
degnaanshaha
Somaliland waxad
tihiin kaydiyeyaasha
siraha ummadda,
markaa sida umuliso
wanaagsani samayso
waxa keliya ee
idinku weyni waa
inaad shaqadiina
qabsataan oo aad
sirihiina ilaalisaan
haddii adduunka oo
dhani idinku
qaylinayo. Waxad ku
nasiib badan tihiin
inaan ilaa hadda
ilmo idinkaga
shafeecin. Haddaba
marka la eego
duruufta aad ku hawl
gashaan, waxa la
odhan karaa hawl
wanaagsan ayaad
qabateen. Waxad
anaga iyo dunida oo
dhanba u muujiseen
in xikmada hiddaha
iyo dhaqanku ay
aasaas u noqon karto
dimoqraadiyada.
Mudanayaal, waan la
dhacay hawshiina.
Laakiin mida aadka
werwerka ii gelisay
waxa weeyi maxaa
haween looga waayey
dhexdiina. Mudo
intee leeg baan
sugaa inta aan
idiinku yeedho doono
“Marwo iyo
Mudanayaalba”
Midda kale ee la
rabo inaad
xusuusataan waxa
weeyi in aad
ogaataan in
Somaliland qaadatay
nidaam dimoqraadiya
oo ku salaysan
axsaab tiro badan
iyo baarlamaan.
Markaa waxa la
idiinka fadhiyaa waa
in aydaan arrinta
gelin ilaa dhoomaha
kale oo dhani ay ka
quus gaadhayaan. Waa
inaad ogaataan in
hawsha umulisada
waayo aragga ah loo
baahdo keliya xilli
go’an. Sidaa awgeed,
waxa haboon inaydaan
doorkiina buunbuunin
ku darin. Mar haddii
ay odayaal qiima leh
oo Cabdi Waraabe oo
kale ahi idinku
jiraan, dadku waxay
idin saareen meel
sare, markaa ha
khasaarinina
ixtiraamka iyo
kalsoonida dadku
idiin hayo. Da’du
waxay leedahay in
wax badan la idiinku
dul qaato laakiin la
idiinkama fadhiyo in
aad dulqaadka u
barataan oo aad
gaadhaan xilli la
idinku qoslo.
Bal haddaba
digtoonaada,
Mudane Cabdiraxmaan
Maxamad Cabdilaahi
iyo Golaha
Wakiilada:
Mudane Guddoomiye,
siyaasadda waxad soo
gashay adigoo lagu
moodo geesi faras
cad ku taagan. Adiga
iyo saaxiibadaa waxa
la idiin arkayey
kooxdii la filayey
in ay Somaliland u
horkici lahaayeen
dawladnimo hufan iyo
dimoqraadiyad run
ah. Hase yeeshee
kulankiinii ugu
horreeyey ee dhacay
29th November 2005
wuxu ku bilaabmay
gacan-ka-hadal, in
ka badan laba sano
iyo badh dabadeedna
weli waad jaho
wareersantihiin.
Mudane Guddoomiye,
waa nasiib darro in
aad adiga iyo
saaxiibadaada ku
jira baarlamaanka
qurba-jooga ahi aad
waqti badan ku
qaadataan dhoof,
idinka oo
macaansanaya marti
gashiinta dadkeena
qurajooga ah oo
sharafta aad hesheen
adeegsanaya ilaa
kaalinta ugu
dambaysa. Golahaagu
wuxu dadka u
cadeeyey in aan
shahaadooyin dugsiyo
la qaataa marnaba u
dhigmi karin
waaya-aragnimada iyo
xikmada aan dhaqanka
u lahayn. Xubnaha
Golaha Wakiiladu
waxay noqdeen
cillino ku hoos
lumay camaaliqada
Golaha Guurtida.
Iyagoo in badan oo
ka mid ahi
Somaliland yimid
iyagoo sita oliyo ka
dib markii ay sanado
badan ku noolaayeen
wadamada Galbeedka
iyaga oo aan waxba
ahayn, ayey sugi
kari waayeen in
dalalkii ay martida
ku ahaayeen ku
noqdaan si ay ugu
faanan saaxiibadii
ay ka yimaadeen
sharafta iyo
darajooyinka
siyaasadeed ee ay
heleen. Waxa is
weydiin leh in
qaylada dheer ee ay
ka sameeyaan golaha
dhexdiisa iyo
hadalada muran
abuurka leh ee ay
siiyaan saxaafada ay
uga jeedaan dhoola
tus ay ula dan
leeyihiin inay
arkaan dadkii ay
kaga yimaadeen
waddamadii ay ka soo
kicitimeen.
Aniga waxay ila
tahay in
daacadnimada,
waddaninimada iyo
xilkasnimada xubnaha
Golaha intooda badan
ay su’aali ka taagan
tahay. Dhab ahaan
way jiraan rag iyo
haween daacad ah oo
laakiin codkooda ay
qarinayaan kuwa
buuqaya. Waxase
mudan in la
xusuusiyo xubnaha
Golaha in
waqtigoodii soo
gaabtay oo dhawaan
ay hortegi doonaan
dadka. Dadkuna way
ka ilbaxeen
ruwaayadaynta
kooxdaada iyo
kaadhka qabyaaladda
ee ay
isticmaalayaan.
Waxay ogaadeen in
waxa Somaliland
iibgeynayaa aanay
ahayn
baasaboorradiina
ajnabiga ah ee ay
tahay xilkasnimada,
daacadnimada iyo
hawsha dadka.
Bal haddaba
digtoonaada,
Komishanka Qaranka
ee Doorashooyinka:
Hawshiinu waa in aad
sugtaan in doorasho
xalaal ah, xor ah oo
cadaalad ah ay
Somaliland ka
dhacdo, oo sidaas ku
dadaashaan inta
kartidiina ah,
idinka oo raacaya
awoodda uu idin
siiyey xeerka
doorashooyinku. Wuxu
garaadku ku jiraa
inaad ilaalisaan
madaxbanaanidiina
wax kasta oo ay
idinku qaadataba.
Uma joogtaan in aad
dawladda amarkeeda
fulisaan ama aad
mucaaridka
cagajuglayntiisa u
beernugayshaan. Waa
doqoniimo haddii aad
u malaysaan in aad
meesha u joogtaan
danaha axsaabta
lagdamaya. Markii la
idin doortay ayey
idinka dhammaatay u
hoggaansanidii aad u
hayseen axsaabtu.
Immika waxa keliya
ee aad u
hoggaansanaataan waa
in ay noqotaa xeerka
doorashooyinka iyo
wixii arrin ah ee ay
meel wada dhigtaan
axsaabta iyo
golayaasha dalku.
Xisbina macruuf
idinkuma laha,
halkana uma joogtaan
inaad xisbina
macruuf u samaysaan.
Idinku murashaxiinta
ma doorataan, waxa
keliya ee aad
qabataan waa inaad
doorashada
maamushaan, codadka
tirisaan oo aad
natiijada soo
saartaan. Sida
siidhiwalaha Kubadda
Cagta, hawshiinu waa
inaad sugtaan keliya
ciyaar nadiif ah oo
aan madmadow ku
jirin. Wax dana oo
idiinku jirtaa ma
jirto guusha,
laakiin waxay dani
idiinku jirtaa sida
hawshu u dhacdo. Waa
inaan si kasta oo la
idiin gacan maroojo
aan la idinka leexin
karin sidii aad
hawshiina ugu gudan
lahaydeen cadaalad
iyo madaxbanaani.
Maamulka
doorashooyinku waa
sida miina
baadhista, haddii
aad taxadir iyo
farsamo wanaag ku
maamusho waxad oolin
kartaa burbur,
laakiin hadii uu kaa
qaldamo adiga ayaa
horta ku dhimanaya
intaan cid kale ku
guban.
Bal haddaba
digtoonaada,
Dadka
Somaliland:
Dadkaygow, waa inaad
ogaataa inaad adigu
taariikhda qorto,
taariikhduna ay
adiga tahay. Adigaa
weeyi ka xukunka
ridayaa, kiiskana
qaadayaa. Adigaa
ayaahaaga gacanta ku
haysta. Adigaa leh
awoodda. Siyaasiintu
waa kuwa aad dirato
ee kuu shaqeeya.
Haddaba adigaa leh
doorashada qofka ugu
fiican ee aad
diranayso kuuna
shaqayn kara. Arrin
fudud maaha dhab
ahaantii, gaar ahaan
kolka aan axsaabta
midna ku hor keenin
istraatiijiyad ay ka
muuqato waxay adiga
iyo dalkaba u qaban
lahaayeen.
Siyaasiintu waa sida
dacawada, sidaad
ogtahayna dacawadu
way gado badan
tahay, laakiin
dadkaygow waa inaad
adigu noqotaa sida
qarandida oo aad
taqaana geda ugu
weyn. Siyaasiintu
waxay yaqaanaan
sidii ay u sheegaan
beeno badan si ay u
kasbadaan kursiga,
laakiin runta weyn
ee aad adigu ogtahay
waa in nabadda iyo
degnaanshuhu ay
yihiin hoygaaga, in
siyaasiintu ay tegi
karaan immana karaan
iyaga oo aan wax
saamayn ah oo badan
ku yeelan nolol
maalmeedkaaga,
laakiin waxad
ogtahay haddii ay
nabaddu tagto in
noloshaadu aanay
marnaba sidii hore
noqon doonin. Sidaa
awgeed waa inaad had
iyo jeer calanka
nabada hor lushaa
siyaasiinta. Weligaa
hoggaamiye ha ka
dhigan nin aan ku
dhaaran mixraabka
nabadda.
Dadkaygow, waxad
ogtahay inaan Koofi
Anaan, Koondaliisa
Rays iyo madax
Goboleed
badbaadadaada u iman
doonaa aanay jirin
haddii aad nabadda
iska qasto. Dhab
ahaantii waxa jira
cadaw faro badan oo
sugaya
dhicitaankaaga.
Sidaa awgeed waa
inaanad isku halayn
in bulsha weynta
adduunku kuu soo
gurman doonto haddii
aad ciirto. Haddii
aan ciirno waxad
ogaataa inaan noqon
doono sheekooyinka
murugada leh ee
Afrika mid ka mid ah
oo la inoo arki
doono dhedo roob loo
maleeyey. Ogsoonaada
dadkaygow waa
keligeen. Waa inaga
iyo waxaan haysano
iyo garaadkeena
inaan ku xaslano
nabadeena iyo
degnaanshaheena oo
aan ku dhisno
dimoqraadiyadeena
kuna habayno
mustaqbalkeena. Waa
sidan sidii aan
horeba ugu hawl
galnay. Ma aynaan
sugin go’aamo ka soo
baxa Qaramada
Midoobay, ma aynaan
tuugin in adduunku
shirar waaweyn inoo
qabto, iskuma aynaan
hallaynin in
malaa’iigi cirka ka
soo degto oo
arrimaheena inoo
xalliso. Guntiga
ayaan dhiisha isaga
dhignay si aan
ammuuraheena u
xallino inagoo
taakulaysanayna
farsamadii aan
weligeenba wax ku
xallin jirnay ee aan
hiddaha u lahayn,
odayadeena,
xeerkeena dhaqanka
inoo ahaa iyo
Ilaaheena. Haddaba
immikana sidaas oo
kale ayuun baynu wax
ku qabsan doonaa.
Sidaa awgeed ha
rumaysanina
siyaasiinta ku
riyoonaya in cirka
la inooga soo degi
doono. Hana
rumaysanina dagaal
oogistooda. Ma jiro
mid keliya oo u
qalma in loo dhinto.
Maxaa yeelay haddii
dagaal qarxo, iyaga
weeyi kuwa ugu
horreeya ee baxsan
doona. Gebigood
waxay haystaan
baasaboorro ajnabi;
waxay ku boodi
doonaan diyaaradda
ugu horreysa
waxaanay ku noqon
doonaan miisaskii
gaaladu wax ku
siinaysay. Waxay ku
raaxaysan doonaan
diirrimaadka
xaasaskooda oo aan
wax dhibi ahi soo
gaadhi doonin; waxay
idinkaga tegi
doonaan in aad ku
gubataan dabka ay
shideen idinka iyo
haweenkiina,
carruurtiina iyo
cirroolihiinaba.
Dadkaygow, waxa jira
arrin kale oo loo
baahan yahay in aad
ogaato. Nabadu waa
wax qurux badan,
laakiin nabad aanay
madaxbanaani ku
ladhnayni waa
qalfoof madhan.
Nabad ma jirto meel
uu yaalo addoonsi,
meel ay taalo
diktaatooriyadi,
meel ay taallo keli
tashinimo. Sidaa
awgeed waxa loo
baahan yahay inaad
barataan inaydaan
oggolaanin in
madaxdiinu ay idin
guud saarnaadaan in
ka badan intaad u
dulqaadan kartaan.
Isbedelku waa ruuxa
nolosha. Xataa
geedaha ayaa
caleenta daadsha
xilliga dayrta si ay
caleen cusub u
baxshaan xilliga
guga.
Hoggaamiyeyaashuna
sidaa kama duwana,
wakhtigoodu wuu
dhacaa oo way
faa’iido beelaan,
markaa sida keliya
ee lagu sii noolaan
karo ee ummadda
firfircoonideeda
lagu soo celin karaa
waa in la bedelo.
Doorashooyinku
haddaba waa sida
keliya ee sharciga
ah ee lagu xusuusin
karo
hoggaamiyeyaasha
cidda xukunka leh,
dhalanteedba ha
ahaatee. Haddaba cod
bixintiinu waa sida
keliya ee aad
doorkiina go’aan
qaadasho ee aad xaqa
u leedihiin ugu
wareejisaan kartaan
kuwa aad doorateen.
Sidaa awgeed barta
dadkaygow in marka
uu dhamaado waqtigii
xilhaynta loo
qoondeeyey in go’aan
qaadashadu indinku
soo noqoto si aad
ama u jadiidisaan
ama dib ugula
noqotaan. Waa inaad
bartaan
hogaamiyeyaasha in
xil kala noqoshadu
ay dantooda tahay oo
ay ka ilaalinayso in
ay xumaan u geystaan
maamuustooda iyo
maamuusta kursiga ay
ku fadhiyaan. Maxaa
yeelay marka ay
madaxdu kursiga ku
raagaan
faa’iidadooda ayaa
naaqusta, dabadeed
waxay noqdaan suyuc
oo way uraan.
Haddaba dadkaygow ha
oggolaanina in
madaxdiinu heer
kastaba ha joogaane
aad daawataan ilaa
ay faa’iido
beelayaan.
Xusuusnaada markii
Somalidu ku tidhi
boqoradoodii
kelideed taliyaha
ahayd “Arraweelooy
urna loo dhimay ufna
lama odhan”, sidaa
awgeed waa inaad
barataan sida loo
yidhaahdo Uf hadday
aydaan rabin inaad
lumisaan dareenkiina
urta.
Bal haddaba
digtoonaada.
Bashiir Sh. Cumar
Good
bsogoth@yahoo.com
|