
Dr Cumar Cisman Raabe oo
siminaar cilmibaadhis horumarinta reer Baadiyaha u
qabtey aqoonyahano reer Jabuuti ah.
Jun,94,2008
Djibouti(Saylac.com) Siminaarkan ayaa waxa lagaga
hadlayey nolol dhaqameedkii nolosha reer baadiyaha
ee soomaalida iyo Canfarta wadanka Djibouti ee
waayadii hore iyo marxaladihii uu soo mareen reer
guuraaga Jabuuti. Pro. Raabe ayaa si qoto dheer uga
halday tariikhda dheer ee reer guraaga Jabuuti soo
maray iyo dhaqanka isdhexgalka ah ee ka dhexeeyey
Somaalida Jabuuti iyo Canfarta Jabuuti oo uu sheegay
in asaaska dhaqanka labadan shacab ka dhexeeyey uu
salka ku hayey dhaqanka, Diinta iyo wadaninimada
shacabka Jabuuti.

Siminaarkan oo ka dhacay Xarunta Hidaha iyo dhaqanka
ee Jamuuriyada Jabuuti ayaa waxa ka soo qayb galay
aqoonyahano kala duwan oo ka socday wasaarada
horumarinta reer Miyiga iyo waliba wasaarada Xoolaha.
Siminaarkan Cilmi baadhista ay ayaa horey qaybtiisii
hore lagu qabtey Magaalada Jabuuti uuna hogaanimayey
ama uu jeedinayey Dr. Cumar Cisman Raabe oo ah
aqoonyahan u dhashay dalka Jabuuti aadna looga
qadariyo geeska Afrika guud ahaan dhulka soomaalidu
degto .
Aqoonyahanada ka qayb galay siminaarkan ayaa
saylac.com u sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin
inay nasiib u helaan Dr. Cumar Cisman Raabe oo ay
shegeen inuu yahay astaanta aqooneed ee dalka
Jabuuti iyo dalka soomaaliya labadaba.
Aqoonyahankan reer Jabuuti Pro. Cumar Cismaan Raabe
ayaa wadankan Jabuuti mudo badan mastaafuris uga
maqnaa hadana nasiib u helay inuu kusoo noqdo kana
qayb qaato dhismaha aqoonta dalka Jabuuti ka dib
markuu uu Madaxweynaha Jamuuriyada Jabuuti Mudane
Ismaciil Cumar Geele uga yeedhay dalka Canada oo uu
in mudo ahba Pro. uu deganaa si uu uga qayb qaato
dhismaha iyo horumarinta wadankiisa Jabuuti
martiqaadkaas oo uu si rasmi ah u qaabiley Dr, Raabe
hadana dhaliyey inuu durba talaabooyin la taaban
karo ka qaaday xaga siminaarada iyo cilmibaadhista
uu ku hayo dalka Jabuuti.
Osman Hussein
Saylac.com
Djibouti,Djibouti


Osman Hussein Saylac.com/
Djibouti/Djibouti
araahda kusaabsan warkan kusoo dir
saylacnews@yahoo.com
|