Qasaare
nafeed oo ka dhashay qarax lala beegsaday ciidamo
Ethiopian ah oo ku sugnaa buundada Liiqliiqato ee
magaalada B/weyne
Jun,02,2008
(Muqdisho:Saylac.com)-Qarax aad u xoogan ayaa
duhurnimadii maanta ka dhacay buundada Liiqliiqato
ee ku taala bartamaha magaalada B/weyne ee gobolka
Hiiraan kaasoo lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah
oo ilaalo ka hayey halkaasi.
Sida dad goob joogayaal ahi sheegeen qaraxan oo loo
adeegsaday bam gacmeed ayaa laga maqlayey guud ahaan
daafaha magaalada Baladweyne, lamana oga illaa hadda
qasaaaraha ka soo gaaray qaraxaasi ciidamada
Ethiopia hase ahatee isbitaalka magaalada B/weyne
ayaa la gaarsiiyey dhaawaca illaa saddex ruux oo
rayid ah kuwaasoo xiliggi uu qaraxu dhacayey ka
talaabayey buundada Liiqliiqato ee magaalada
Baladweyne.
Ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan kuwa Ethiopia
ayaa lagu soo waramayaa iney soo gaareen goobta uu
qaraxaasi ka dhacay, iyagoo baaritaano kooban
halkaasi ka sameeyey, waxaana qaraxa ka dib
magaalada faarujiyey dadweynaha ku dhaqan magaalada
oo ka baqayey in ay arintaasi saameyn ku yeelato.
Max'ed Ibraahim Raage.
Saylac.com Muqdisho Somalia.
Jun,02,2008
Ra'isul Wasaare Nuur cadde oo kulan xasaasi ah kula
qaatay xafiiskiisa Maxamed Dheere iyo ku-xigeenada
maamulka gobolka Banaadir.
(Muqdisho:Saylac.com)-Sida uu sheegay afhayeenka
xukuumada Somalia Cabdi Xaaji Goobdoon Ra'isul
wasaaraha xukuumada federal Somalia Nuur Xasan
Xuseen (Nuur Cadde) ayaa maanta kulan kula yeeshay
xafiiskiisa magaalada Muqdisho gudoomiyaha maamulka
gobolka Banaadir Maxamed Cumar xabeeb (Maxamed
Dheere) iyo qaar ka mid ah ku-xigeenada maamulkaasi.
Goobdoon ayaa intaa ku daray Ra'isul wasaare Nuur
Cadde uu u sheegay mas'uuliyintaasi qorshaha
xukuumada Somalia ee maaamul u sameynta gobolada
dalka, kaasoo uu xusay in haatan DF ay dooneyso iney
dar dar geliso, wuxuuna ku wargeliyey in dhowaan la
bilaabi doono doorashooyinka golaha deegaanka ee
maamulka u sameynta gobolada dalka, magaalada
Muqdishana ay noqon doonto gobolka ugu horeeya ee
laga dhaqan gelin doono.
Nuur Cadde ayaa sheegay in ay dadweynaha gobolada oo
soo doorta maamuladooda ay tahay arin uu xusay
axdiga ku meel gaarka ah oo ay aheyd in mar hore la
qabto, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in
arintaasi deg degan ah wax looga qabto loogana
howlgalo, waxaana afhayeenka DF uu sheegay in
Maxamed Dheere iyo mas'uuliyiinta kale ee ka hadlay
kulankaasi ay soo dhoweeyeen arintaasi la xiriirta
maamul u sameynta gobolka Banaadir iyo gobolada
dalka intaba iyagoo balan qaaday iney gacan ka
geysan doonaan sida afhayeenka xukuumadu uu sheegay.
Max'ed Ibraahim Raage.
Saylac.com Muqdisho Somalia.
|