| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Wararkii ugu dambeeyay is casilaada Madaxweyne Yuusuf oo maalinta sabtida ku dhawaaqaya (Xog Rasmi ah) ..Dec,24,2008
(Baydhabo:Saylac.Com)-Sida ay u xaqiijiyeen Shabakada Saylac.com illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweynaha TFG-da C/llaahi Yuusuf Axmed uu kama dambeys maalinta sabtida ah uu iska casilayo Xafiiska Madaxweynaha.

Warkan ayaa ka soo baxay Safaarada Mareykanka ay ku leeyahay Magaalada Nairobi, kuwaasoo maanta xiriir la soo sameeyay saraakiisha Dowladda,waxana ay ku wargeliyay in Madaxweynaha uu is casilayo Maalinta sabtida ee taariikhdu tahay 27-ka bisha December.

Sidoo kale warkan aanu ka soo xiganay illaha ku dhow dhow Saraakiisha Dowladda ayaa intaa ku daraya in Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyed Gen. Cabdi Qeybdiid lagu soo wargeliyay arrinkaas, isla markaana uu dhowro ammaanka Caasimada marka Madaxweynuhu ku dhawaaqo Maalinta Sabtida is casilaadiisa.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa la filayaa in Baarlamaanka uu hortago marka uu u gudbiyo istaqaaladiisa is casilaad, iyadoona sida sharciga yahayna uu Madaxweynenimada dalkana uu sii heyn doono Afhayeenka Baarlamaanka Aadan Madoobe oo xilka Madaxweyne qabanaya illaa laga soo doorto Madaxweyne Soomaaliyed.

Saraakiisha Safaarada Mareykanka ee Nairobi oo la soo xiriiray Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Cadde iyo Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta Sheekh Shariif ayaa ka codsaday in aan la waxyeeleyn Beesha uu ka soo jeeda Madaxweyne Yuusuf marka uu is casilo, isla markaana aan farta lagu fiiqin Ciidamada ku heybta ah ee ku sugan Caasimada Muqdisho.

Dadka qaar ayaa ka cabsi qaba in dagaalo lagu hoobto ay ka qarxaan Caasimada Muqdisho marka Madaxweynuhu uu is casilo, isla markaana ay dhacaan waxa loogu yeero isir faquuqii hada ka hor dalka ka dhacay ee 91-kii
 


Axmed Diiriye oo ku baaqay in xabada laga joojiyay Ciidamada Ethiopia wadooyinkana loo furo inta ay baxayaan ..Dec,24,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)-Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa u jeediyay Kooxaha Muqaawamada inay xabadda ka joojiyaana isla markaan wadada u furaan Ciidamada Ethiopia inta ka harsan bisha oo uu xusay inay uga baxayaan dalka waqtigii loogu tala galay.

Axmed Diiriye ayaa ku taliyay inaan la lumin fursad dahabi ah oo xilligan ay ku baxayaan Ciidamada Ethiopia, isagoona taa ka shanqariyay.

"Muqaawamadu waxaan u jeedinayaa inay xabada ka joojiyaan wadadana u furaan Ethiopian-ka inta ka harsan bishan"ayuu yiri Axmed Diiriye

Nabadoon Axmed Diiriye ayaa sheegay hadii ay arintani suura gasho ay muhiim u tahay dadka Soomaaliyeed oo uu tilmaamay in ay ka soo daaleen dhibaatooyinka ay ku hayaan ciidamada Ethiopia, waxaana uu intaa ku daray hadii waqtiga ay qabsatay Ethiopia ay kula bixi weyso ciidamadeeda muqaawamada iyo shacabkuba ay u laba jibaaraan weeraradii looga soo horjeeday.

Sidoo kale Axmed Diiriye waxaa ugu baaqay Muqaawamada inaysan ku dhex dagaalamin shacabka dhexdooda, wuxuuna ka codsaday inay ku dadaalaan midnimadooda sida uu hadalka u dhigay.

Xoogaga Muqaawamada ayaa balan ku qaaday inay sii wadayaan xabadda inta askariga ugu dambeeyay ee Ethiopian-ka ka tagayo xuduuda wadankooda, waxaana cabsi iyo wal wal laga muujinayaa cawaaqib xumida ka dhalan karta bixitaanka Ciidamada Ethiopia oo ay dhici karto inay weeraro waajahaan marka ay baxayaan.

Dowladda Ethiopia ayaa dhowaan sheegtay in Ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya, iyadoona go'aankeeda ku sheegtay mid lagama laabtaan ah, waxaana ay ku gacan seyrtay codsi uga yimid Midowga Afrika oo ahaa in Ciidamadeeda ku sii nagaadaan Soomaaliya.


Sheekh Shariif iyo Kuxigeenkiisii hore ee Gudiga Fulinta oo si lama filaan ah goor dhow ku soo gaaray Magaalada Muqdisho. Dec,24,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)-Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhow dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, waxana xiligan socdaalkiisa ku wehliya Gudoomiye Kuxigeenkiisii Gudiga Fulinta xilligii Midowgii Maxkamadaha ka talinayeen qeybo ka mid ah K/Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif iyo Sheekh C/raxmaan Janaqow ay ka soo dageen Diyaarad qaas ah oo abaarihii 2-dii duhurnimo ee maanta soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa Garoonka Diyaaradaha lagaga soo galbiyay Gaari kuwa caadiga ah, inkastoo ilaalo gaar ah ay ka hayeen Ciidamada AMISOM oo ku hubeysan gaadiidka gaashaaman, kuwaasoo markii ay usoo galbiyeen Isgoyska Jubba ee Waqooyiga Muqdisho dib u laabtay.

Ciidamo la sheegay inay ku heyb ahaayeen Sheekh Shariif ayaa ka qeyb qaatay sugida ammaankiisa, kuwaasoo dhar caadi gashnaa, isla markaana xirnaa Camaamada lagu yaqaan Maxkamadaha

Shariifka ayaa mar kale la dajiyay Hotelkii Magaalada Muqdisho uu todobaadkii hore ka deganaa markii uu soo gaaray muddo labo sano kadib, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka Hotelka Lafweyn oo ku yaal Waqooyiga Muqdisho.



Max'ed Ibraahin Raage

Saylac.Com Muqdisho Somalia.




 


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com