|
Dhegayso
Oday Saylam maasheeye oo si
kulul uga hadlay arimo ku saabsan khiyaamadii
diwaangalinta ee loo geystey gobolka Awdal..Dec,23,2008
Maqal Oday Sulayman
Maasheeye
Borama(Saylac.com) Oday Saylam maasheeye oo si kulul
uga hadlay arimo ku saabsan khiyaamadii
diwaangalinta ee loo geystey gobolka Awdal

Oday Sulaymaan
Maasheeye
waxa uu ka
hadlayaa horumar la,aanta Gobolada Awdal iyo Salal
Diiwaan galintu sidii ay u dhacday iyo Cida Eeda
iska leh iyo mawqifka adag ee dadweynaha Gobolada
Awdal iyo Salal ka taagan yihiin doorasho ka dhacda
Somaliland oo uu sheegay inayna ka dhici doonin
Awdal haba yaraatee. Waxa kale oo uu sheegay Oday
Sulayman in dadka ku dhaqan Awdal iyo Salal si cad
khiyaamo aan geedna loogu soo gaban lagula kacay ka
dib markii diwaangalin aan sharci ku fadhiyin hoosta
laga soo gashay .
Oday Sulaymaan oo ay saylac.com
waraysigan kaga qaaday magaalada Boorama ayaa waxa
uu intaa ku daray in dadweynaaha Awdal ay aad u
cadhaysan yihiin ayna ka horjeedaan talaabooyinka
qalafsan ee sharci darada ku salaysan ee goor walba
lagula kaco umada gobolkan .
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu
Oday Sulaymaan sheegay in diwaangalinta ka dhacday
somaliland ay tahay mid gabi ahaanba laga qaadacay
gobolada Awdal iyo Salal waayo ayuu yidhi " haba
yaraatee wax cadaalad ah raad kumay lahayn"
Diwaangalinta ka dhacday gobolada
Todhgeer iyo Hargeysa ayaa waxa diwaangalnita ka
qayb qaate caruur dadooda lagu qiyaasay 10 jir
iyo dadka dadoodu ka sarayso halka ay Awdal
diwaanglinta la diiday inay iska diwaan galiyaan
dhalinyarta dadoodu tahay 18 jir .
Intaa waxa dheer in diwaangalinta
gobolka Awdal ay qabsoontey oo kaliya 25%
waayo waqtiga gobolka loo cayimay ayaa ahaa mid aad
u gaaban halka gobolada kale ee Togdheer iyo
Hargeysa waqtiga loo ogolaaday ama diwaan galintu ka
socotey uu shan jeer ugu laabmayey gobolka Awdal.
Gabagabadii waraysigan ayuu Oday
Sulayman sheegay inaanu shaqsi ahaan ka qayb gali
doonin doorasho ka dhacda somaliland dadweynaha ku
dhaqan Awdalna ay sidaa la qabaa,
Dahir Axmed Jirde Saylac.com
Borama |