Ismacil
Cumar Geleh oo u yeedhay Cabdilahi Yusuf si uu
wadahadal ugu sameeyo isaga iyo Nuur Cade iyo waliba
si uu ugu qanciyo heshiiskii Jabuuti..Dec,19,2008
Djibouti(Saylac.com) Warar lagu kalsoon yahay ayaa
soo gaadhay xafiiska shabakada saylac.com ee Jabuuti.
Warkan oo sheegaya in uu dhawaan Cabdilahi Yusuf
socdaal ku soo gaadhi doono dalka Jabuuti, ayaa
sarkaal sare oo ka tirsan wasaarada arimaha dibada
dalka Jabuuti waxa uu saylac.com u cadeeyey in
socdaalkani uu socdaalkani daba socdo sidii dawlada
Jabuuti ay ugu qancin lahayn Cabdilahi Yusuf inuu
tixgaliyo heshiiskii hada ka hor dhex maray
Maxaakiimta Islaamiga iyo Dawlada Cabdilahi Yusuf ee
ka dhacay Dalka Jabuuti.
 
Ra'iiisul Wasaare Nuur Cade Cabdilahi Yusuf iyo
Gabadh yar oo sababtooda u dhiban
Heshiiskan ayaa waxa uu dhigayey in ciidamada
Itoobiya si dhakhsiyo ah uga baxaan dalka Somaliya,
balse uu qodobkaa isaga ah Cabdilahi Yusuf gashaanka
ku dhuftey khilaaf ba'anina uu soo kala dhex galay
isaga iyo Ra'iisul Wasaare Nuur Cade oo uu markii
danbe jagada Ra'iisul wasaarenimo ka xayuubiyey
Cabdilahi Yusuf.
Madaxweyne Ismaciil Cumar Geleh ayaa la wadaa inuu
fool ka fool isku hor fadhiisiyo Ra'iisul Wasaare
Nuur Cade oo hada k u sugan dalka Jabuuti xalay
fiidkiina soo gaadha dalka Jabuuti.
Baarlamaanka Baydhabo ayaa si buuxda u taageersan
Ra'iisul wasaare Nuur Cade isla markaana si buuxda
uga soo horjeeda Ra'iisul wasaaraha cusub ee uu
dhawaan magacaabay Cabdilahi Yusuf oo magaciisa la
yidhaa Maxamed Maxamuud Guleed (Gacmadheere).
Kulankan lagu wado inuu dhex maro Cabdilahi Yusuf
iyo Nuur Cade ayaa waxa uu yahay kii nuuciisan ah ee
dalka Jabuuti uu faragaliyo taniyo intuu bilawday
khilaafka soo kala dhex galay Nuur Cade iyo
Cabdilahi Yusuf.
Hussein Osman
Saylac.com
Djibouti- Djibouti
Wararka soomaaliya
hoos ka aqri
*********************************************************************************************************
Sheekh
Shariif iyo wafdigii uu hogaaminayay oo maanta ka
ambabaxay Muqdisho
Dec,19,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)-Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u
Xoreynta Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi uu
hogaaminayo ayaa maanta dib uga laabtay Magaalada
Muqdisho kadib muddo labo todobaad oo ay ku
sugnaayeen Caasimada Soomaaliya.
Sheekh Shariif iyo wafdigiisa oo ay Muqdisho ka sii
galbiyeen Mas'uuliyiin ka tirsan Xukuumada KMG iyo
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa u kicitimay Magaalada
Jabuuti oo xarun u ah Isbaheysigiisa.
Ka hor inta uusan Sheekhu ka dhoofin Magaalada
Muqdisho ayuu wariyeyaasha ugu waramay gudaha
Garoonka Aadan Cadde International Air Port,waxaana
uu ugu horeyn wariyeyaasha ugu waramay ujeedooyinkii
ay Muqdisho u yimaadeen.
Sheekh Shariif oo ka codsaday Wariyeyaasha in aysan
wax su'aal ah weydiin ayaa sheegay in qorshihii
Muqdisho ay u yimaadeen ay aheyd inay dar dar
geliyaan Heshiiskii Jabuuti, isla markaana qeybaha
kala duwan bulshada, culumaa'udiinka iyo beelaha
Soomaaliyeed ay kala shireen ahmiyada shirka,
wuxuuna xusay in guud ahaan ay taageereen
Heshiiskaas.
Diyaarada Shariifka ka qaaday Magaalada Muqdisho oo
si toos ah uga timid dalka Jabuuti ayaa waxaa ka soo
degtay Xoghayaha Arrimaha Gudaha Cumar Xaashi Aadan,
waxaana diyaaradaas sii raacay Shariifka, iyadoona
Cumar Xaashi sida la sheegayo ku haray Magaalada
Muqdisho.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in xubno ka
mid ah Gudiga Ammaanka ee Isbaheysiga Dib u Xoreynta
uga qeyb galay Shirkii Jabuuti ay Muqdisho u joogaan
dhameystirka Heshiiskaas, iyadoona ay gudaha dalka
kula kulmi doono dhinaca kale ee Dowladda KMG
gudigiisii Amniga.
Bixitaanka Shariifka ayaa ku soo aadaya xilli
Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo shalay soo gaaray
Muqdisho, isla markaana muddo saacad ku sugnaa
Magaalada uu isna gaaray Jabuuti, iyadoona halkaas
laga yaabo in Madaxda Isbaheysiga iyo Dowladda KMG
ah ay ku kulmaan.
Mid ka mid ah Xoogaga
Islaamiga oo xabad joojin kala dhex dhigay
dhinacyadii ku dagaalamay B/weyn Dec,19,2008
(Baladweyne:Saylac.Com)-Waxaa maanta xasiloon
xaalada magaalada Baladweyn ee xarunta Gobolka
Hiiraan kadib markii halkaasi ay shalay ka dhaceen
dagaalo u dhaxeeyey ciidamo ka wada tirsan
Maxaakiimta Islaamiga ah ee gacanta ku haya
magaalada.
Waxaa saakay dib u furmay isku socodka dadka iyo
gaadiidka ee xaafadaha magaalada Baladweyn, waxaana
lagu arkayaa dadweyne ku dhex lugeynayay goobihii ay
shalay shaqaaqadu ka dhacday ee magaalada Baladweyne.
Xasilnaanta magaalada ayaa waxaa ay ka dambeysay
kadib markii ay soo kala dhex galeen kooxaha
dirirsan, odayaasha dhaqanka iyo mid ka mid ah
kooxaha kacdoonka oo lagu magacaabo Jabhada
Islaamiga ah ee Somalia.
Afhayeen u hadlay Jabhada Islaamiga ah ee Somalia
ayaa waxaa uu u sheegay in ay wadaan dadaal ay ku
kala dhex dhigayaan xabad joojin labada dhinac ee ku
dagaalsan magaalada, isaga oo intaasi ku daray in
haatan ay ku guuleysteen in xabada la joojiyo.
Odayaasha dhaqanka ee magaalada ayaa iyaguna wada
dadaalo aan yareyn oo ay ku doonayaan in ay ku
qoobijiyaan xiisad si loo joojiyo dhiig ku daata
gudaha magaalada.
Magaalada Baladweyn ayaa xaalkeedu qasmay kadib
markii ay ku dagaalameen ciidamo ka wada tirsan
Maxaakiimta Islaamiga shalay iyo maalintii Arbacadi
ee aanu kasoo gudubnay, waxaana xiisadaas aheyd mid
siyaasadeed oo u kala dhaxeysay dhinacyada ay kala
taageeraan ee fadhigooda kala yahay Jabuuti iyo
Asmara.
Max'ed Ibraahin Raage
Saylac.Com Muqdisho Somalia.
|