Dhegayso Tariikhda
soojireen ee Jabhada wadaniga ah ee Horyaal oo hada
did uga oo aasantey goobo dhawra oo ka tirsan
Kilinka shanaad iyo Dooxada Harawo
..Dec,18,2008
Borama(Saylac.com)Sarkaal sare oo ka tirsan
todobadii nin ee asaastey Horyaal oo magaciisa la
yidhaa Cabdiraxman Xuseen ayaa shabakada saylac.com
uga waramay tariikh kooban oo ku saabsan dagaaladii
geesinimada ahaa ee ay soo galeen Jabhada Horyaal oo
ahayd jabhadii ugu horeysay ee somaliyeed ee si
rasmi uga hortagtey xukumadihii Itoobiya sanadadii
70 tanaadkii .
Dhegayso :abdiraxman Xuseen
sarkaal ka tirsan Horyaal

Jabhada horyaal ayaa waxa lagu xusuustaa inay
ahayeen jabhad wadani ah oo isku abaabushay inay
xoriyad taam ah gaadhsiiso dadyowga soomaaliyeed ee
gacanta ugu jiray xukumadihii Itoobiya ee
fashiishtiga ahaa ee ay ka mid ahaayeen Mingiste
Xayle Mayan iyo kuwii kaleba.
Dabayaaqadii sanadki inaga tagay ee 2007 ayaa gudi
aad u balaadhan oo isugu jira maalqabeeno, waxgarad
iyo saraakiil waaweyn oo ka tirsanaan jiray jabhada
horyaal waxay shir balaadhan ku qabteen degaan ku
yaala dooxada Harawo, ujeedada kulankaa ayaa wuxuu
ahaa sidii dib loogu soo noolayn lahaa jabhada
Horyaal dhidibadana loogu taagi lahaa afar saldhig
oo lagu tababar xoogagii ka hadhay jabhada oo ku
kala baahsan Itoobiya, Jabuuti iyo Somaliland.
Hadaba waxa shabakada saylac.com
ay fursad weyn u heshay inay waraysi xiiso badan oo
ku saabsan tariikhdii Jabhada Horyaal ay la yeelatey
Sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray 7 nin ee aasaasay
Jabhada Horyaal sanadkii 1972. Sarkaalkan oo
magaciisa la yidhaa Cabdiraxman Xuseen ayaa
waraysigan siisay Wariye jirde oo jooga magaalada
Wajaale.
Dhinaca kale wariyaha saylac.com uga soo warama
kililka shanaad wariye Cabdi Wali oo dhawaan socdaal
gaaban ku tagay degaano ay ka mid yihiin degaanka
Jano Gaaban, Gunburta, iyo Huluul ayaa sheegay inuu
waraysi dhawra la sameeyey qaar ka tirsan jabhada
horyaal oo u sheegay in ujeedada ugu weyn ee jabhada
dib loogu abaabulayi ay tahay mid ka turjumaysa
danaha guud ee umada ay matalaan iyo ka hortaga
falalka argagixiso ee guud ahaan degaanka iyo waliba
foojignaan ku lugleh ka hortag hadii dhibaatooyin
xasilooni daro keeni kara ay soo wajahaan degaanada
umada ay matalaani degto.
fikirkaaga ku aadan waraysigan ku soo hagaaji
saylacnews@yahoo.com
Dahir Axmed JIrde &
Wariye Cabdiwali oo kala jooga Borama iyo
JIgjiga |