| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 

Waraysi xiisaleh oo ay shabakada saylac.com la yeelatey Wasiirka Dalxiiska Dawlada Cabdilahi Yusuf Mudane Xuseen Celaabe..Dec,16,2008

Muqdisho(Saylac.com) Waraysi dhinacyo badan leh ayey khadka telefoon kula yeelatey Mudane Xuseen Celaabe. Waraysigan ayaa waxa uu u dhacay sidatan:


Saylac.com: Marka hore saacadatal wasiir kusoo dhawaw shabakada saylac.com . Marka labaad waxaanu waraysigeena ku bilaabaynaa
Dawlada Cabdilahi Yusuf ee aad wasiirka ka tahay sideed u aragtaa inay mashaakilaadka soo foodsaarey ee ay dhaliyeen khilaafka jagada Ra'iisul wasaaruhu inay dawladu u xalin karto?

Wasiirka Dalxiiska dawlada Cabdulahai (Yusuf  Mudane Xuseen Ceelaabe Faahiye

Ceelaabe: Horta intaanan ka jawaabin su'aashan aad i weydiiseen, waxaan jecelahay in dadweynuhu ay gartaan in mashaakilka soomaaliya uu ka yimid soomaalida lafteeeda ee aanu ahayn mid rabaani ah. Aduunku waxa uu soomalida ku xantaa ama yidhaa inay yihiin qawm burburay oo gacmahooda isku burburiyey oo ilaa hada aan hayn wax xal ah oo la taaban karo.

Marka labaad hadii aan su'aashiina usoo laabto dawlada Cabdilahi yusuf waxay ahayd dawlad si wada jira loo doortey oo lagu doortey dalka Kenya , waa dawlada aduunka intiisa badani jecelyahay inay dawlad buuxda oo wadanka nidaamkii dawliga ahaa kusoo celiso mashaakilo badan ayaa soo food saarey oo ka waaweyn kan hada aad i weydiinaysaan waxaanan rajaynayaa inay ka bixi doonto oo ay xalin doonto.


Saylac.com: Adigu ka wasiir ahaan sideed u aragtaa khilaafkan dhex yaala dawladiina iyo Baarlamaanka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay magaalada Baydhabo oo laba Ra'iisul wasaare kala tageersan?


Ceelaabe: Cahdi qarameedka la saxeexay markaan eegno labada dhinacba way qaldan yihiin , waayo marka Baarlamaanku uu samaynayo mooshin ansaxin la ansixinayo qodob waa inuu wargaliyaa madaxweynaha gudigii soo bandhigay mooshinkaasina uu waxyaabo cadaali ah la horyimaadaa baarlamaanka isagoo labada dhinac ay ku qanaci doonaan wixii Baarlamaanku soo gooyana uu baarlamaanku codbixin qaadaa. Lakiin tani ma dhicin oo ficiltan ayaa meesha ku jira waana wax iska cad in marka nidaamkii dawliga ahaa la garab maro uu khilaaf yimaado meesha. Anigu waxaan tageersanay in nidaamka dawliga la dhawro waa hadii danta guud la eegaayo hadii kalese qas iyo wareer soo kordhay ayuunbaan u arkaa.


Saylac.com: Dhinaca Ismaamulka Puntland ayaa maanta si buuxda u taageeray go'aanka Madaxweyne Cabdilahi Yusuf isla markaana aad u dhaleeceeyey wakiilka QM u qaabilksan soomaaliya oo ay sheegeen inuu u xaglinayo dhanka qabiilka Hawiyaha arinkaa sideed u aragtaa?

Celaabe: Marka hore wakiilka Qaramada Midoobay maaha nin soomaali ah, waayo dadka soomaalida qabiil ayaa loogu dawgalay ninkani waa nin ay qaramada midoobay usoo xolsaartey inuu wakiil ugu noqdo dalka Soomaaliya, Arin kasta oo uu ku talaabsanayo maahan mid uu isagu iska gaadhayo ee waa mid uu xafiiska sare ee QM u bandhigayo ka dibna marka darasaad buuxda lagu sameeyo hadii uu wax u cuntamaya soomaaliya yahay la ansixinayo hawl galkeedana uu isagu qabanayo. Markaa qofka aaminsan inuu wakiilka QM uu qayb soomaalida ka tirsan u xaglinayo waxaan odhan lahaa waxaasi waa hadal qaldan oo aan raad iyo sal toona lahayn. Mida kale dadka Afrikaanku marka khalad ay galeen la sheego ayey marmarsiiyo ka dhigtaan waa nalaga eexanayaa waana wax guud ahaan Afrikaanka u caado ah tusaale waxa kaaga filan dawlda Sambaabwe sida ay dadkeeda u cabudhinayso ee ay rayi kasta oo ka yimaada caalamka ay gashaanka ugu dhufanayso danka dadkeedana u laalayso.


Saylac.com: Dhinaca Somaliland hadii aan u baydhno , sideed u aragtaa gooni isku taaga somaliland?

Ceelaabe: Somaliland waxaan u arkaa sida ay aduunkuba u arkaan oo ah dad samaystay nidaam dawli ah oo buuxa, kala danbayn iyo waliba xasilooni dadkoodu uu ku caano maalo, waana tusaale fiican ayaan odhan lahaa.

Saylac.com: Ma ku talo jirtaa inaad u socdaasho Somaliland mustaqbalka dhaw ama fogba?


Ceelaabe: qosal yar ka dib--- Wax iga horjooga inaanu jirin ayaan filayaa lakiin hada qorshaha iiguma jirto mustaqbalka danbe Eebe ayuunbaa sheegi kara waase dhulkaygii aadna waan u jecelahay adeer waxa weyn ee ay qabsadeena in lagu amaano wey istaahilaan


Saylac.com : Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay sacaadatal wasiir


Waraysigan oo ahaa mid aad u xiiso badan ayuu wasiirku waxa kale oo uu si faahfaahsan uga waramay dhaqaalaha geeska afrika iyo caalamku sida uu somaaliya ka damacsan yahay waxa kale oo uu wasiirku si buuxda uga xoog waramay xaalada soomaaliya gaar ahaan heshiiskii dawlada Cabdilahi Yusuf iyo Maxaakiimta dhex maray ..

Kala soco waraysiga intiisa kale saylac.com

rayigaaga ku saabsan waraysigan kusoo hagaaji saylacnews@yahoo.com

Hussein Osman   Saylac.com Djibouti - Djibouti


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com