Farxan Cabdi Xadi oo ah
maxbuuska jidh-dilka loogu gaystey degmada Wajaale
oo ay xaladiisu ka sii dareyso isagoo ilaahada jeel
ku yaala degmada Gabiley ugu xidhan isagoon lagu
helin wax danbi ah ..Dec,13,2008
Dhegayso Suldaan
Aadan Gaas oo ka waramaya xaalada maxbuuska
Maamulka Shabakada Saylac.com
wuxuu si buuxda u cambaareynayaa Taliyaha danbiga
bani aadanimo geystey isala markaana waxa uu
maamulka shabakada saylac.com u gudbiyey dacwadan
oo luqada Ingiriiska loo tarjumay iyo waliba
sawirada jidh dilka Hay'ado dhawra oo xuquuqda bani
aadamka u dooda oo ay ugu horeyso
Amnesty International xafiiskeeda
Magaalada Seattle USA.
Hadii aad danaynaysid xaq
udirirka muwaadinkan bilaa danbiga jidh dilka loo
geystey fadlan si toosa ula xidhiidh Amnest
International xafiiskeeda london oo shabakada
saylac.com u balan qaaday inuu ururin doono baaqa
dadweynaha ka dibna dawlada somaliland kala hadli
doono arintan waana
International Secretariat
Telephone: +44-20-74135500

Fax number: +44-20-79561157
Address:
1 Easton Street
London
WC1X 0DW, UK
Gabiley(Saylac.com) Wararkii ugu danbeeyey ee naga
soo gaadhaya jeelka Gabiley ayaa waxay sheegayaan in
wali ay ku xidhan yihiin dhawr muwaadin oo ka soo
jeeda Gobolka Awdal oo si xaq dara ah booliska
Degmada Wajaale uu xabsiga gabiley gudaha u dhigay
isla markaana meheradahoogii lala wareegay jidh dil
aad u darana loo booliska Degamada Wajaale u
geysteen jidh-dilkaas oo ay ka mid yihiin Sigaar
qoorta lagaga bakhtiiyey iyo cagaha oo dab lagaga
qabtey intaba.
Muwaadiniintan ayaa waxa la sheegay nayna jirin wax
danbi ah oo ay galabsadeen isla markaana deganaa ah
jiilkii 8aad ee u dhashay degmada wajaale ama asal
ahaanba ka soo jeeda degmada wajaale oo ka tirsan
gobolka cusub ee Dahir Rayale dhawaan magacaabay ee
Gabiley.
Danbigan ka baxsan xeerka bani aadamka ee laga galay
muwaadiniintan aan waxba galabsan ayaan ilaa hada
maamulka labada gobol ee Gailey iyo Awdal toona ka
hadal, tanina waxay cadho weyn ku abuurtey dadweyne
aad u balaadhan oo qurbaha kunool oo somaliland ka
soo jeeda.
Farxaan Cabdi Xadi oo ah ninka jidh dilka ugu daran
loo geystey ayaa cafimaadkiisu ka sii darayaa ilaa
hadana ku sugan jeelka gabiley isla markaana isagoo
aan wax maxakamad ah la horgeyn jidh dil loogu
geysanayo jeelka gudihiisa. Taliyaha Booliska
Wajaale ayaa sida uu sheegay maxbuus Farax saacadu
markay ahayd sadexdii habeenimo ee saqda dhexe
isagoo Faarax Cabdi Xadi xaaskiisa la hurda
gurigiisa kala baxay markuu weydiiyey waxa uu
galabsadayne qoriga afkiisa qoorta kaga dhuftey ka
dib markaan dhulka ku dhacay ayuu yidhi ninkan
dulmani ayuu mar kale sigaar uu taliyuhu cabaayey
qoorta igaga bakhtiiyey.!!
Shabakada saylac.com oo isku dayday inay la
xidhiidhi maamulka gabiley ayaa waxa sarkaal sare oo
Booliska ka tirsan oo codsaday inaanan magaciisa
shaacini uu sheegay inuu aad uga xunyahay talaabadan
qalafsan ee uu galay taliyaha booliska Wajaale
lakiin ayuu raaciyey sarkaankani "Dawladu awood uma
laha inay faragalin buuxda ku samayso waayo meesha
qabiil ahaan ayaa loo geeyey Taliyaha waana sababta
uu dadka ugu cago juglaynayo"
Gudoomiyaha gobolka Gabiley ayaa isagu laftiisu aan
ka hadal mashaqadan jidh dilka iyo xabsiga isugu
jirta ee muwaadin u dhashay gobolka uu Taliyaha
Booliska Gabiley u geystey.
Arrimaha nuucan ah ayaan ah kuwii ugu horeeyey ee ka
dhaca degmada wajaale dadka badankiisuna waxay
qaadan laayihiin waxana shabakada saylac.com soo
gaadhaya baaqyo aad u balaadhan oo dibad iyo gudaba
leh oo ay dadku ku cambaareynayaan Taliyaha Booliska
wajaale isla markaana ay maamulka Gobolka Awdal iyo
Gabiley ugu baaqayaan inay talaabo deg-deg ah ka
qaadaan arintan dalka ku cusub .
Maxamuud Cabdilaahi Rooble Seattle USA, Maxamed Xaaji saylac.com UK iyo
Dahir Axmed Jirde Gabiley - Somaliland
magacaaga ku soo dar baaqa lagu cambaareynayo
taliyaha booliska ee geystey jidh dilka
saylacnews@yahoo.com
Fiiro gaar ah muqaalka sawirada jidh dilka oo aad
u aragoodu aad u xun yahay aawadeed ayaanu u soo
dhejin weynay sawrida maxbuuska.
|