Wafdigii
Sheekh Shariif oo loo soo galbiyay Dhinaca Hotelka
Lafweyn ee
Waqooyiga Muqdisho..dec,10,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)-Abaaro 3-kii Galabnimo ayaa
Wafdigii uu
hogaaminayay Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta
waxaa ay ka soo
degeen garoonka Diyaardaha ee Aadan Cadde ee
magaalada Muqdisho
waxana aad amaanka u adkeeyanayay ciidamo isugu jira
kuwa dowlada
TFG-da iyo Ciidamada ka socda Midowga Africa ee
AMISOM.
 
Sida ay sheegayaan wararka Sheekh Shariif oo aan
raacin gawaarida
qafilan ee kuwa AMISOM ayaa Garoonka Diyaaradaha
Caalamiga ah ee
Muqdisho lagaga soo galbiyay gawaarida kuwa raaxada
ah, iyadoona
Ciidamada AMISOM ay amaankiisa sugayeen Garoonka
ilaa Wadada Maka
Almukarama, halkaasoo la sheegay in ay ka soo
noqdeen.

Wararka ayaa sheegaya in Shariifka ay amaankiisa ka
qeyb qaadanayaan
Labo gaari oo kuwa Maxkamadaha ah, kuwaasoo ka qeyb
qaatay
galbintiisa, waxaana sidoo kale Garoonka Diyaaradaha
ku soo dhoweeyay
Xubno ka tirsan Golaha wasiirada dowlada Embight iyo
Maamulka Gobolka
Banaadir iyo xubno isaga taageersan.
Socdaalka Sheekh Shariif oo ahaa mid qorsheysnaa
ayaa la filayay inay
ka soo dagaan Garoonka macmalka ee Cisaley Duleedka
waqooyi ee
Magaalada Muqdisho, hase ahaatee dib ayaa loo dhigay
sababo aan la
shaacin,waxana wararka qaar ay sheegayaan in dhanka
amaanka dartiisa
loo weeciyay ka soo degitaanka Garoonkaasi ee
wafdiga shiikh Shariif
Shiikh Axmed.
Ammaanka Hotelka Lafweyn ee Degmada Yaaqshiid oo
kaabiga ku haaya
Isgoyska Fagax ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la
xiray wadada ka
timaada SII SII ilaa tan Fagax ee ka timaada Hotelka
Ramadaan halkasi
oo ay isku gadaameen ciidamo isugu jira Maxkamadaha
iyo Kuwa Dowlada
Ebighti oo isaga ku heyb ah oo markii ugu horeeysay
isku yimid,
halkaas loo diidayay in ay isticmaalaan gaadiidka
iyo dadkaba..
Socdaalka Sheekh Shariif waxa ku wehliya xubno ka
badan 15-ruux oo ay
ku jiraan Xubnaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta iyo
qaar ka mid ah golaha
wasiirada dowlada uu hogaamiyo Cabdullaahi Yuusuf.
Waa markii ugu horeeysay ee shiikh Shariif uu ka soo
dego garoonka
diyaarada ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho tan
iyo Mariii
dagaalada Xoogan ay ciidamada maxkamadaha la galeen
ciidamada is
kaashanaya ee dowlada Embight iyo kuwa Ethiopia.
.
Banaan bax lagu taageerayo imaanshaha Sheekh Shariif
oo ka galabta ka
dhacay Waqooyiga Muqdisho.dec,10,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)-Boqolaal dadweyne ayaa isugu
soo baxay
wadooyinka dhinaca waqooyi dhaca ee Magaalada
Muqdisho, kuwaasoo
taageerayay socdaalka Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u
Xoreynta Sheekh
Shariif uu maanta ku soo gaaray Magaalada Muqdisho.
 
Dadweynaha banaan baxayay oo u badnaa dhalinyaro,
caruur iyo haween
ayaa ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ay ku soo
dhoweynayaan Sheekh
Shariif socdaalkiisa nabada waxana ay u luxayeen
Caleemo Qoyan iyagoo
wadooyinka Waaweeyn ee Muqdisho isugu soo baxay.
Wadooyinka Waqooyiga Muqdisho oo ay xireen
dadweynahan xamaasadeysan
ayaa marba marka ka dambeysay sii kordhayay,
kuwaasoo socod ku maray
Degmooyinka Shibis, Yaaqshiid, Kaaraan, C/casiis iyo
Shangaani oo
dhamaantooda kuwada yaala Woqooyiga magaalada
Muqdisho.
Dadweynaha ayaa hormaray Hotelka Sheekh Shariif iyo
wafdigiisa la
dajiyay, waxaana ay siteen caleemo qoyan iyo boorar
ay ku qornaa hal
ku dhigyo taageero iyo soo dhoweyn isugu jirta.

Banaan baxan ayaa imaanaya saacad kadib markii Wafdi
uu hogaaminayo
Sheekh Shariif uu soo gaaray Magaalada Muqdisho,
iyadoona sida muuqata
banaan baxayaashan ay yihiin kuwo ku beel ah Sheekh
Shariif ee dega
deegaanada Waqooyiga.

Xiisad maalintii labaad
ka taagan Deegaanka Kala Beyrka, Xoogaga
Maxkamadaha iyo Ciidamada Ethiopia oo isku hor
fadhiya.dec,10,2008
(Baladweyne:Saylac.Com)-Xiisad xoogan iyo dhaq
dhaqaaqyo milatery ayaa
maalintii labaad ka taagan Deegaanka Kala Beyr ee
Gobolka Hiiraan,
halkaasoo ay isku hor fadhiyaan Xoogaga Maxkamadaha
iyo Ciidamada
Ethiopia oo shalay ku soo laabtay halkaas.
Wararka ayaa sheegaya in xiisadan oo taagneyd shalay
iyo xalay ay
saameyn ku yeelatay magaalada Baladweyn ee Xarunta
Gobolka Hiiraan,
waxaana aad looga hadal haayo dagaalo dhex mara
dhinacyada isku hor
fadhiya Kala Beyrka oo qiyaastii 20-Km dhinaca
waqooyi kaga beegan
Magaalada Baladweyn.
Labada Ciidan ayaa isku jira wax ka yar 1-KM,
waxaana daqiiqad kasta
ama saacad kasta suura gal ah inuu dagaal ka dhex
qarxo, waxaana
Xoogaga Maxkamadaha ay isku fidiyeen deegaanada
howdka halka
Ethiopiankana ay joogaan Kala Beyr iyo hareeraheeda
halkaasoo ay
difaacyo adag ka sameysteen.
Xiisadaha dagaal ayaa sidoo kale waxaa ay saameyn ku
yeesheen isu
socodkaa gaadiidka ee isaga kala goosha Gobolada
Dhexe, kuwa Waqooyi
iyo kuwa koonfureed oo marin muhiim u ahaa halka ay
dageen Ciidamada
Ethiopianka ee Deegaanka Kala Beyr.
Dadweynaha ku dhaqan magaalada Baladweyn ayaa walaac
aad u xoogan uu
ka soo wajahay mar kale ciidamadan Ethiopian-ka ee
soo gaaray duleedka
magaaladaasi oo horey dhibaatooyin badan ugu geystay
3-bilood ka hor
intii ay ku sugnaayeen gudaha iyo daafaha Baladweyn,
iyadoo dhinaca
kale maamulka Maxkamadaha ee Gobolka Hiiraan uu ku
hanjabay in ay
dagaal la geli doonaan ciidamada Ethiopia ee mar
kale soo galay
deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.
Si kastaba ha ahaatee xiisadaha ka taagan gobolka
Hiiraan ayaa u
muuqta kuwa sahli kara dagaalo xoogan oo halkaasi ku
dhex mara
ciidamada Ethiopia ee dhawaan soo galay gobolka
Hiiraan iyo xoogaga
islaamiga ee horay gobolkaasi ugu sugnaa.
Ciidamada Ethiopia oo ku go'doonsan goobihii shalay
dagaalada xiriirka
ah ku qabsadeen ee Gobolka Shabellaha Hoose.dec,10,2008
(Leego:Saylac.Com)-Inkastoo ay degan tahay Xaalada
wadada isku xirta
Muqdisho iyo Baydhabo oo dagaalo kulul ay ka dhaceen
maalinimadii
shalay, hadana waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo
ku aadan
dagaaladaasi.
Ciidamada Ethiopia ayaa wali ku sugan Deegaanadii
shalay dagaalada
xiriirka ku qabsadeen, waxaana Ciidamada ay yihiin
kuwo ku go'doonsan
halkaas, waxana halkaasi ka taagan cabsi ku aadan in
mar kale dagaal
uu dhex maro.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ku ay sugan
yihiin qeybo ka mid ah
Gobolka Shabellaha Hoose, kadib markii dagaalo ay la
galeen Xoogaga Ka
soo horjeeda oo weeraro is daba joog ah ku soo
qaadayeen intii ay ku
safrayeen wadadaasi.
Xoogaga Kacdoonka oo aad ugu badan wadadaas ayaa ku
sugan meel aan ka
fogeyn, waxaana ay ku dhirirsan yihiin Deegaanada
Howdka ah ee hareer
mara wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.
Waxaa gebi ahaanba xayiran gaadiidkii isticmaali
jiray Muqdisho iyo
Baydhabo kadib markii wadadaasi uu dagaal ka dhacay,
isla markaana ay
ciidamada fariisin ka dhigteen, waxaana gaadiidka oo
ah kuwo isugu
jira rakaab iyo kuwo xamuulba ku adag inay tagaan
Meelaha ay ku
jeedaan oo ah Muqdisho iyo Baydhabo.
Max'ed Ibraahin Raage
Saylac.Com Muqdisho Somalia.
|