| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Dalkeena Dihan, Dadkiisa Dulman iyo Dowladiisa ka Dara' Daa'imow Duul Quman!!!!!
Dec,02,2008  Faalo

Dalka Soomaaliya oo aan laheyn wax dowlad ah tan iyo 1991-kii ayaa waxaa uu u muuqdaa mid uu xalkiisu sii fogaanayo maalinba maalinta ka danbeysa (IllAAH lagama quustee) tiiyoo ay jirto in la qabtay ilaa 20-meeyo shirar dib u heshiineed oo aanu midkoodna taaba gelin iyadoo kii u danbeeyey uu ah midka Jabuuti oo horumarba ha joogtee u muuqda mid keenaya in kooxihii la isku oran jirey Maxaakiimtii Islaamku ku kala qeybsamaan isla markaana la soo baxaan khilaaf u baxaali eg kii hagaamiyayaashii dagaalka ee fashilmay.

Marka aad eegto dhanka Dowlada TFG-da ee Soomaaliya oo la dhidbay sanadii 2004-tii waxay u muuqataa mid kaga sii dartay xaaladii dalka oo u baahneyd dhiig joojin deg deg ah balse taa badaalkeeda sameeysay dhiig miirasho deg deg ah taasoo meesha ka saartay raja kasta oo ay qabi lahaayeen shacabka habqanka ah ee dagaalka micna darada ah kasoo daalay, waxaa intaa dheer in 26-kii bishii oktoobar ee ina dhaaftay kulan lagu tilmaamay dib u heshiisiin dowlada dhexdeeda ah balse lagu tibaaxi karo ihaano qaran lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxa la yaabka lihi waxay ahaayeen in inta lasoo raro dowladii oo idil sida Madaxweynihii, Ra'iisul wasaarihii, Gudoomihii baarlamanka iyo Baarlamaankiisii misna maalin gelinkeed la yiri deg deg ugu noqda dalkiinii tiiyoo aanay jirin wax turxaan bixin ah oo haba yaraatee lagu sameeyey khilaaf-ilmeedka mar kasta laga soo sheego madaxda sare ee dowlada Embight dhexdooda.

Waxaa intaa dheer in xildhibaanadii Soomaaliyeed oo sheegta inay ka wakiil yihiin qaranka Soomaaliyeed inta meel lagu horay saf loo geliyey wax lagu sheegay diiwaan gelin iyadoo budad lagu horayo qaarkoodna lagu qashqashaado jidadka amaba xitaa xabsi la dhigo sida dhacday dhowr mar oo hore iyo hadaba taasoo aan waafaqsaneyn borotokoolka caalamiga ah.

Marka aad hadaba dhan kasta ka eegto waxaa kuusoo baxeysa in dadka Soomaalida ihi aanay dantoodii garan sidii mudneyd taas oo keentay in waxa lagu sheego beesha caalamkuna ay ku tacadiyaan dalkan beylahda ah ee aanay jirin cid u doodaa maadaama dadkii sheeganayay madaxda dalku ay muujiyeen in dalka Soomaaliya aanay jirin cid laga xigaa.

Tusaale ahaan marbaa waxaa dhacday in dayuurado Mareykanku leeyahay ay duqeyn waxashnimo ah u geystaan meelo ka tirsan gobolka Jubada hoose xiligii uu socday dagaalkii Maxaakiimta iyo Ethiopia deeto C/laahi Yuusuf ayaa la weydiiyey waxa uu ka qabo duqeynta dhacday wuxuuna ku jawaabay "dowlada Mareykanku waxay xaq u leedahay inay ka hortagto halis kasta oo soo wajahda amaanka qarankooda" nasiib xumo madaxweynuhu wuu xusuustay waxa dadka kale xaq u leeyihiin balse wuxuu ka il duufay waxa uu dalkiisu xaq u leeyahay hadiiba aanu ula jeedin in Soomaalidu xaq u leedahay in la iska laayo.

Hadii dadaba ay Itoobiyana xaq u leedahay inay inta fariisato xaafadihii caasimadii dalka Soomaaliya ay madaafiic aan loo aaba yeelin ku garaacdo maxastii Soomaaliyeed iyadoo ilaalineysa sida ay uga marqaati kacaan kuwa sheeganaya mansabka Soomaaliyeed amaankeeda qaran waxaa isla egtaas kasoo xasileysa in madaxdii dalku leeyihiin "waa sax oo shacabka Soomaalidu waxay xaq u yeesheen in cidii doontaa ay xasuuqdo" iyagoo cadow dalkii ku casuumay. Waa runtii arin xanuun badan iyo nasiib daro oo aan dhihi karo qof kasta oo Soomaaliya mansab ka doonayaa wuxuu adeegsadaa istaraatijiyad ah dadka baabi'i si aad u xukunto.

Yaabka ugu badanina wuxuu kasoo dhex muuqdaa Maxaakiimtii islaamka oo iminka kala qeybsamay hadii ay ka xishoon waayaan iska hor imaad dhiigle ah oo kaga sii dara shacabka is duleeyey ee misna la duleystey ee Soomaaliyeed waxaan ALLAH ka baryeynaa inaysan taasi dhicin waayo qof kasta wuxuu ogyahay in aanay jirin qof kale oo u naxeysa Soomaalida hadii aanay isu nixin iyagu mana jirto madax toosan oo wadaninimo haba yaraatee ay ku jirto.

Xitaa markii aad eegto maamulada kale ee la dhihi karo waa maqaar saar ee ka jira dunida sida Ciraaq iyo Afghanistaan mararka qaar waxay muujiyaan wadaniyad iyagoo kasoo hor jeesta in dadkooda loo geysto waxyeello iyadoo heshiiska iminka lagu muransanyahay ee uu Mareykanku ku doonayo in waqtigiisa Ciraaq loogu kordhiyo ay asaas u yihiin waxyaabo ay ka mid yihiin in gudaha Ciraaq lagu maxkamadeyn karo askarta Mareykanka hadii ay meel ka dhacyo u geystaan shacabka Ciraaq balse anagu waxaan heynaa dad afhayeen u ah ciidamada dalka qabsaday oo halkii ay u doodi lahaayeen eedeeya shacabkii la xasuuqay waxaana tusaale kuugu filan dhacdadii bahalnimada aheyd ee ka dhacday agagaarka carbiska.

Marka aad eegto beesha caalamka waxaa ka muuqata inay dalka Soomaaliya ku wajahaan istaraatijiyad munaafaqnimo ah iyagoo xiligii ay nabadu ka hanaqaaday qeybihii ugu dhibka badnaa dalka gaar ahaan koofurta saadiyay khatar soo fool leh iyagoo haatana aan la gaban hadalka digashada ah ee ah in Soomaaliya ay kasoo reysay wixii ka danbeeyey 2006-dii tiiyoo aanay jirin taageero la taaban karo oo ay xitaa siiyeen Dowlada ay sheegaan inay aqoonsanyihiin waa naasiib xumo.

Marka aad eegto sida isla markiiba looga jawaabay dagaalada kooban ee kasoo cusboonaaday bariga dalka Congo oo ay mar qura magaala goboleedka Goma isku wareysteen wasiirada arimaha dibada ee dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska Bernard Kouchner iyo David Miliband , kaaliyaha xoghayaha arimaha dibada ee Mareykanka ugu qeybsan Afrika Jendayi Frazier iyo madaxa xaalada bini'aadanimo ee Midowga Yurub Luis Michel tiiyoo ay dheertahay in dalkaas oo 5-sano oo qura dagaal sokeeye ka socday ay Qaramada Midoobay ka oogtey howlgalka ugu kharashka badan ee ay ciidamo nabad ilaalineed ku joogaan dal ka mid ah dunidan aynu saaranahay.

Gebagebadii waxaan oran lahaa Soomaaliyey waxaad tihiin dad cadowgoodu badanyahay misna iyadii is colaadisay fadlan garta dantiina waxaan leeyahay kuwa mansab jaceylka ku mirqaamay "shacab ma xumaadee waxaa xumaada hogaan" ee ALLE intaad ka baqdaan u naxa dadkiina walaan cid kale waxba idinku faleynine inta aydaan marka danbe si xil leh ugu dhex dhiman xabsiyada dadka aad u kala adeegtaan fadlan dantiina garta insha ALLAAH.

Wariye Maxamed Ibraahim Raage


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com