|
|
 |
|
| |
Dadweynaha Reer Jabuuti iyo
aragtidooda Diwaanglinta Awdal laga been abuuray..Dec,28,2008
Djibouti(Saylac.com) Xog raadin ku saabsan bal sida
ay dadweynaha reer Jabuuti u arkaan diwaangalin
dhawaan laga been abuuray gobolada Awdal iyo Salal
ayay saylac.com ku hawlanayd sadexdii casho ee ina
soo dhaafay.
Ugu horeyntii waxaanu socdaal gaaban ku tagnay
suuqyada dadku wax ku kala iibsadaan oo usbuucan aad
u mashquul ah munaasibada sanadka cusub ee fooda
inagu soo haya awgeed. Waxaanu kala kulanay dadweyne
iskugu jira bulshada nuucyadeeda kala duwan oo ay
ugu horeeyaan: Tijaar ganacsato ah, Taksiilayaal,
Haween, Dhalinaro iyo waliba waxgarad kale oo
goobahaa ku sugnaa.
In ka badan 60 ayaanu mid-mid u weydiinay bal siday
u arkaan diwaangalinta laga sameeyey Jamuuriyada
Somaliland? 56 ka mid ah dadkaas ayaa waxay isku
raaceen in ay diwaanglintaasi ahayd midaan u dhicin
sidii rayi caalamku filayey.

Raga sida aadka ah uga hadlay waxa ka mid ahaa
Ganacsade Ibraahim Aw Muuse oo ah ganacsade aanu
kula kulanay goobtaas waxaanu hadalkiisa ku bilaabay:
" Horta marka hore waxa wanaagsan in waxqabad badan
oo ka qabsoomay Jamuuriyada Somaliland lagu amaano
dadweynaha ku dhaqan dalka Jamuuriyada Somaliland
iyo dawladoodaba. Marka labaad hadaan usoo noqdo
arinkan diwaangalinta ah ee aad i weydiiseen, Aniga
iyo rag badan oo aanu ganacsiga kuwada jirno waxaanu
sii saadaalinay iyadoo aan wali la bilaabin
diwaangalinta sadaalintaasina waxay ahayd in
diwaangalinta la mijo xaabin doono sida loogu tala
galayna ayna u dhici doonin. Tusaale ahaan ayuu
yidhi: waxaan joognay magaalada Gaarisa ee gobolka
Awdal markii ay yimaadeen raga diwaangalintu
dadweyne aad ubadan ayaa iskugu soo ururay degmada
gaarisa si ay iskaga diwaangaliyaan, Jawaabta ugu
horeysay ee aanu kala kulanay waxay ahayd reer
Jabuuti ayaad tihiin xaqna uma lihidiin inaad is
qortaan.
Runtii taa waanu ka dagaalanay laba ilaa sadex casho
ayey nagu qaadatey in naloo ogolaado diwaangalinta
waayo dad naga mid ah ayaa goostey inay dagaalamaan
hadii laga horjoogsado inay dhulkooda iska
diwaangaliyaan markaas ayaa naloo fasaxay.
Maalintaii sadexaad goobaha la iska diwaangalinayaa
waxay ahaayeen kuwo kooban safka aanu ku jiray waxa
uu isdaba daadsanaa ilaa nus mayl ama mayl badhkii.
Intaa waxa waliba noo dheeraa shaqaalaha
diwaangalinta oo kolba mashkilo aan jirin dadka u
sheegayey mashaakilkaa oo ay ka mid ahaayeen:
Kombuterkii ayaa fadhiistey ee bari soo noqda,
shaqaalaha ayaan soo toosin wali ee laba saacad ka
dib soo nocda, Birintirka wax daabaca ayaa cadilan
oo waraaqo loogu maqan yahay ee bari soo noqda iyo
waxyaabo kale oo aad u badan.
Dadkii maalintii sadexaad markay wareereen goobihii
diwaangalinta way iskaga tageen hawlahoodii ayeyna
ku tooseen, qaar Jabuuti u socdaala , kuwa
Baadiyihii xoolohoodii ku noqda iyo kuwo kaleba.
Waxaad arkaysay maalintii sadexaad galinkeedii danbe
dhulkii oo faaruq ah, Markaa ayaan tagey goobtii
diwaangalinta waxaanan weydiiyey ma sidan ayaad
dadka la doonayseen inay caajisaan ka dibna idiinka
cararaan meesha? Nin ka mida shaqaalaha diwaangalnta
ayaa iigu jawaabay " Dee Dhagaxaanta soo ururi aan
diwaangalinee" .... Intaan nacdalay ayaan Jabuuti
iskaga noqday.
Saylac.com oo wali ku jirta waraysiga dadweynaha ku
dhaqan Jabuuti sida ay u arkaan diwaangalin laga
been abuuray Gobolada Awdal iyo Salal ayaa waxa kale
oo ay wax ka weydiisay diwaangalinta dadweyne aad u
badan oo uu ka mid yahay Muumin Jaamac oo sid uu noo
sheegay ah tageere xisbiga Kulmiye waxaanu
hadalkiisa ku bilaabay" Anigu walaal waxaan arin
walba ka hormariyaa sidii Dahir Rayale meesha looga
tuuri lahaa.. Diwaangalinta aad ka sheekaynaysaan
wax macno ah iiguma fadhido waayo waxaan waliba
jeclaan lahaa in tirada inta Awdal aad ku
sheegaysaan loogu daro Burco si Daahir meesha uga
tago doorashada inagu soo fooleh. Muwaadinkan ayaanu
waxaanu weydiinay sababta ka keentey sidan waxaanu
ku jawaabay: " Marka hore soomaalidu waxay tidhaa
geedbaa yidhi gudunyahay ima goyseen hadaan daabkay
kugu jirin, waxaan uga jeedaa Dahir isagaa xumaan
kasta oo Awdal usoo hoyata u keenay marka labaad
ninkan isaguna ka yimi Sweden ee Komishanka Qaranka
wakiilka u ah ee la yidhi waa Reer Xaamud( Haber
Cafaan ) talaabadii ama casharkii Daahir ayuu aad u
akhristay labaduba waa mujrimiin dalka iibsaday.
Hadaba anigoo eegaya ragaas dhibtooda ayaan
doorbiday inaan sidan ku jawaabo tiro kasta oo Awdal
lagu sheegayna wax dhib ah uma arko waayo wax igaga
daran ayaan arkayaa oo ah Dahir Rayale.
Dadka aanu waraysanay oo aad ubadnaa ayaanu idiinku
soo gabagabaynaynaa Xaaji Hasan Dahir oo ah Oday
dhaqameed isna degan magaalada Jabuuti oo isaguna ku
jawaabay" Diwaangalin maaha adeer waxani waxaan ku
tilmaami lahaa riwaayad uu Jabuuti ka dhigi jiray
ninka la odhan jiray Awmaacalaysh oo gabigeedaba la
odhan jiray Maxaa ka micno ah markii danbana magacu
ugu isaga laftiisa ugu baxay Awmaacalaysh dadkuna
halhays ka dhigteen marka arin la iska indho tiro
ama aan siduu yahay loo rabin inay dadka reer
Jabuuti yidhaahdeen maxaa ku jaban ama Maacalaysh
ama Maxaa ka micno ah.
Markaa hadii dawlada Somaliland danaynayso danaha
guud ee dadkeeda iyo dadkeeda oo ay waliba ictiraaf
rajaynayso waa inay wixii lagu ictiraafi lahaa la
timaadaa-- tan diiwaangalinta ayaa ugu horeysay
waxyaabaha lagu ictiraafi lahaa lakiin macal asaf
wey seegtey aduunkuna waxay la shir yimaadeen wuu ku
qoslay adeer .. mida kale dalkan Jabuuti tiro
sheekada lagu hayo waxaaba ka mida malaha somaliland
ba dan kama laha dadkan reer Hargeysa iyo Burco degi
ee tiro badni ay la tagaan koonfur ayay ku hawlan
yihiin .. reer Awdal iyaga jahadii ayaa ka luntey
waxaan iyagana kula talin lahaa inay gudaha dalka ka
muujiyaan diidmo cad oo aduunku arko hadii kale
aamus waxba uma soo wado.
Isagoo Xaajigu hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: "
Horta sida roon Ilaahay uunbaa og waxa muuqdase
dadka way wada arkayaan aragna wax qiima ah ma laha
hadaan ficil jirin dadka Boorama waxaad moodaa inay
seexdeen 20 sano ka hor waayo intayada dibada
mooyaane wali mudaharaad iyo diidmo midna lagama
hayo .. waa ceeb adeer sidana isku dhaama ayaan
odhan lahaa.
Shabakada saylac.com ayaa gabagabadii waraysiyadan
kusoo gunaanaday ururada Haweenka dalka Jabuuti
siday u arkaan diwaangalinta waxayna si cad u
sheegeen inayna haba yaraatee aqoonsanayn wax
diwaangalin ah oo ka dhacday Somaliland.
Dhinaca Fanaantiinta dalka Jabuuti ayaa iyaguna
sheegay inuu dhaqankii soomaaliyeed uu ku lumay
qabiil iyo qolo qolo sidaa awgeedna diwaangalin iska
dhaafe dawladi siday kaga dhalato soomaaliya ay
aduunku dhakafaar ka qaadeen.
Hussein Osman
Saylac.com
Djibouti- Djibouti |
|
|