| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 

Qarax dhaliyay dhimasho iyo dhaaca uu ka soo gaaray ciidamo Tigeerga oo saakay lagula eegtay degmada Afgaooye ee gobolka Sh/hoose.Dec,27,2008

(Afgooye:Saylac.Com)- Qarax dhaliyay dhimasho iyo dhaaca uu ka soo gaaray ciidamo Tigeerga ayaa saakay lagula eegtay degmada Afgaooye ee gobolka Sh/hoose.

Qaraxani oo ahaa miinada meelaha fog fog laga hago ayaa waxaa lala eegtay ciidamo Tigeergan ah oo lugeeynayay kuna sii jeeday xarunta ay ka degan yihiin degamada Afgooye xili ay marayeen suuqa Xoolaha ee degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose waxana ku geeriyooday sida ay sheegayaan dadka deegaanka 3-askari oo ka tirsan ciidamada Tigeerga waxan dhawacyo kala duwan ay ka soo gaareen tiro ciidamadaasi ka mid ahaa.

Qaraxa kadib ayaa ciidamada Tigeerga waxaa ay isku gadaameen halka uu qaraxa ka dhacay oo aheeyd Suuqa xoolaha gaar ahaan inta u dhexeeysa Haanta Weyn ee degmada Afgooye iyo Shimeemada gaalka ee degmdaasi.

Ciidamada Tigeerga ayaa waxaa ay hakad galiyeen isku socodka dadka iyo gaadiidka waxana suuqa Xoolaha uu noday mid haawanaya oo ay ka kala carareen dadkii halkaasi ku ganacsanayay.

Dhawaanahani ciidamada Tigeerga waxaa ay degmada Afgooye ka bilaabeen Dhaq dhaqaaqyo ay ka sameeynayaan degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Qaraxani maanta lala eegtay ciidamada Tigeerga ayaa waxaa uu qeyb ka yahay tiro qarayo ah oo dhawaanahani lala eeganayay ciidamada Tigeerga xiliyada ay dhaq dhaqaaqyada ka wadaan degmada Afgooye gaar ahaan inta u dhexeeysa Afgooye iyo deegaanka Carbiska.
Wararkii ugu dambeeyay Dagaalkii Guriceel oo la isla soo galay gudaha Degmada iyo gacan ku heynta

(Guriceel:Saylac.Com)- Dagaalkani oo mar kale ka dhex qarxay Alshabaab iyo Maleeshiyaad taabacsan Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa wararka ka imaanya waxaa ay sheegayaan warar in ku dhawaaad 10-qof ay ku dhaawacmeen. Dec,27,2008


Dagaalka ayaa mar kale ka soo cusboonaaday Xoogaga Alshabaab iyo Maleeshiyaad daacad u ah Culimada Ahlu Sunah Waljaamaca, ayaa maanta ka dhacay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo ah mid aad u cuslaa ayaa warar soo baxaya sheegayaan in dagaalka la isla soo galay gudaha Degmada Guriceel, inkastoo markii hore uu ka qarxay dagaalka Tuulo lagu magacaabo Gaban oo u dhow Degmadaasi.

Warar qaar ayaa sheegaya in gacan ku heynta Degmadaas ay si guud ah ula wareegeen Maleeshiyaadka taabacsan Culimada Ahlu Sunah, inkastoo aanu jirin cid xaqiijin karta mana jirto wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalka iyo cida ku gacan sareysa.

Labada dhinac ayaa la tilmaamay inay isku adeegsanayeen Hubka noocyadiisa kala duwan, sida qoryaha ku rakiban gaadiidka ee loo yaqaan Tiknikada, waxaana labada dhinacba jira qasaare kala duwan oo dagaalka ka soo gaaray,waxaana la xaqiijiyay illaa iyo hada madfac habow ah oo ku dhacay Cusbitaalka Guud ee Degmada Guriceel.

Sidoo kale wararka ka imaanya degmada Guriceel ayaa sheegaya in galabta ay xalada degan tahay isla markana ciidamo Tigeergan ah oo farabada oo saakay ka soo ruqaansaday degmada Balan bale ay fariisimo ka sameeysteen meel 5-km u jirta degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Wariye ku sugan Guriceel ayaa u xaqiijiyay Shabakada wararka ee Saylac.com dhaawaca dad gaaraya 16-ruux oo ay haleeshay rasaasta la isku weydaarasanayay dagaalka , kadib markii la isla soo galay gudaha Degmadaasi.

Xoogaga Alshabaab ayaa markii hore gacanta ku hayay Degmada Guriceel, laakiin Maleeshiyaadka Culumada Dariiqada Suufiyada Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa ku sugan qeyb ka mid ah degmadaasi, dagaalkana waxaa uu yahay mid aad u xoogan oo dhowr jiho ka socda.

Tikniko iyo Ciidamo katirsanaa Dowladda TFG-da oo Maanta ku biiray Ciidamada Muqaawamada Soomaaliya. Dec,27,2008


(Muqdisho:Saylac.Com)- Baabuur Tikniko ah oo ay lahaayeen Ciidamada Milateriga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Duhurkii isku soo dhiibay xoogaga Al shabaab ee kusugan Muqdisho kadib markii ay u cuntami weysay hanaanka Dowladda.

Gaarigani iyo ciidamada saarnaa oo meel ka mid ah suuqa Bakaaraha lagu soo bandhigay ayaa waxaa ay ciidamdii saarnaa ka gaabsadeen in ay ka hadlaan wax ay uga soo agoosteen isla markana waxaa ay u muuqdeen kuwa ka gaabsanayay in ay la hadlaan warbaahinta ama la arko Wejiyadooda oo waxaa ay ahaayen kuwa inta badan wejidaya soo duubtay.

Garigani oo ahaa nuuca Soomaalida ay u taqaan Cabdi bilaha ayaa waxaa saarnaa Qoriga Lidka diyaaradaha ee ay Soomaalida ugu yeeraan Dhashiikaha iyo ciidamo gaaraya 15-askari oo watay hubka nuucyadiisa kala duwan,gaarigaasi oo ahaa mid Tuuteeysan oo ay ku asteeysneeyd Astaanta Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Ma'ahan markii ugu horeeysay ee gaadiid iyo ciidamo ka tirsan dowlada TFG-da ay ku soo biiraan xoogaga ka soo hor jeeda dowlada TFG-da iyo Ciidamada shisheeye.

Max'ed Ibraahin Raage

Saylac.Com

Muqdisho Somalia.


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com