|
Khamiis
: Wararka Soomaaliya
hoos u soco ..Dec,25,2008
Puntland oo
ku qasabtey Cabdulahi Yuusuf inuu ka noqdo iscasilid
uu shalay balan qaaday..Dec,25,2008
Garowe(Saylac.com) Warar aad loogu kalsoon yahay
oo dhawaan soo gaadhay saylac.com ayaa sheegaya in
Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ay
horjoogsadeen istiqaalad uu Cabdulahi Yusuf u soo
jeedin lahaa Baarlamaanka Soomaaliya maalinta
Sabtida ah.
Wararkan oo ilo xoog ogaal ah oo fadhigoodu yahay
magaalada Garowe naga soo gaadhay ayaa waxay intaa
ku dareen in ka dib markii la eegay xaalado badan oo
ay ka mid yihiin ka bixitaanka Dawlada Itoobiya ee
koonfurta soomaaliya uu maamulka Puntland lama huraa
u arkay in uu Cabdulahi yusuf uu sii joogo jagada
madaxweyne nimo si amaanka Puntland aanu khalal u
galin.
Inkastoo dadka badankiisu ay filayeen in maalinta
sabtida uu Cabdulahi Yusuf warqad istiqaalad ah ka
hor aqriyi doono Baarlamaanka Soomaaliya, taa
bedelkeedii waxa uu Cabdulahi Yusuf Baarlamaanka
hordhigi doonaa waraaq kale oo uu ku muujinayo inuu
heshiiskii Jabuuti si rasmi ah utaageeri doono isla
markaana wada shaqayn buuxda la samayn doono
Ra'iisul wasaare Nuur Cade oo uu horey jagada uga
eryey.
Siciid Axmed ( siciid ingineere)
Saylac.com- Garowe Puntland Email:Saylacnews@yahoo.com
Ciidamo Ethiopian oo isku
gadaamay Diyaarad kuwa la hago oo ku bur burtay
agagaarka Madaarka Diyaaradaha ee Baydhabo ..Dec,25,2008
(Baydhabo:Saylac.Com)- Diyaarad kuwa wax basaasa ah,
isla markaana laga hago Remote Ctrl ayaa ku soo
dhacday meel u dhow Garoonka Diyaaradaha Magaalada
Baydhabo, waxana durba halka ay ku dhacday ay isku
gadaameen Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Garoonka
Diyaaradaha.
Wararka aanu ka heleyno Magaalada Baydhabo ayaa
sheegaya in marka ay dhaceysay Diyaarad la maqlay
Jug culus oo aheyd bur burka waxyaabaha ku rakibnaa
Diyaarada oo sida la sheegay ay saddex qaraxday.
Diyaaradan waxaa ku rakiban Kaamirooyin kala duwan,
iyo qalab kale, waxaana halkaas ka qaaday Ciidamada
Ethiopia, waxaana halka ay ku soo dhacday Diyaarada
la sheegay in labo mitir ay dhulka u qoday.
Ma cadda cida leh Diyaaradan, hase ahaatee waxaa la
rumeysan yahay in Diyaaradan ay tahay kuwa
Mareykanka leeyahay ee wax basaasa, kaasoo ka soo
kacda Maraakiibta dagaalka ee fadhiya Xeebaha
Soomaaliya.
Waa markii u horeysay ee Diyaarad kuwa wax basaasa
ah ay ku soo dhacdo Magaalada Baydhabo, waxaana hore
diyaarad noocaan oo kale oo kuwo la hago ah ay ugu
soo dhacday magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha
Hoose.
Cabdi Qeybdiid oo Ciidamo dhigay Dekeda Muqdisho oo
laga dhoofin rabo agabyo laga daadgureynayo Villa
Somalia .Dec,25,2008
(Muqisho:Saylac.Com)-Jen Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid)
oo loo xilsaaray ammaanka Caasimada Muqdisho marka
uu maalinta sabtida ku dhawaaqo Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf is casilaadiisa, ayaa ciidamo fara badan
geeyay Dekeda Muqdisho, halkaasoo la doonayo in laga
raro agabyo kala duwan oo daadgureynteeda ka socoto
Villa Somalia.
Wararka ayaa sheegaya in Cabdi Qeybdiid doonayo inuu
ku qanciyo saraakiisha Madaxtooyada iyo Ciidamada ku
heybta ah Madaxweynaha in aan wax xad gudub ah loo
geysan doonin, isla markaana ay ka sii mid ahaadaan
Ciidamada Dowladda KMG, dhowaana dhamaantood la
qarameyn doono.
Ammaanka Dekeda ayaa aad loo adkeeyay waxaa la
sheegayaa in arrintan sidoo kale lagu wargeliyay
Ciidamada AMISOM ee ilaalada ka haaya Dekeda,
kuwaasoo iyana loo sheegay in aan wax agab ah laga
dhoofin Dekeda.
Jen Cabdi Qeybdiid ayaa sidoo kale ku wargeliyay
Saraakiisha Ciidamada Ethiopia in aysan ka bixin
Magaalada Muqdisho Ciidamada Madaxtooyada, isla
markaana ay balan qaadaan inaan la waxyeeleyn, marka
uu is casilo maalinta sabtida Madaxweyne Yuusuf.
Saraakiisha hormuudka u ah Ciidamada Ilaalada u ah
Madaxweynaha oo kal hore laga keenay Puntland ayaa
goostay inay dib ugu laabtaan deegaanadoodii, isla
markaana xalay oo idil qaban qaabo ugu jiray socdaal
ay dib ugu laabtaan deegaanadoodii.
Illo wareedyo ayaa sheegaya in xalay ilaa saakay
Villa Somalia ay ka socoto agabyo isugu jira saanad
milateri, alaabaha jiifka iyo agabyo kala la
bilaabay in la isku xir xiro, kuwaasoo la doonayo in
Markab uu ka qaado Dekeda Muqdisho.
Sidoo kale Ilaalada Madaxweynaha ayaa iyana doonaya
inay Diyaarad ka qaado Magaalada Muqdisho, iyagoona
ku kala sii jeedaa Magaalooyinka Boosaaso, Galkacyo
iyo Garowe ee Maamulka Puntland.
Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo soo gaaray Magaalada
Muqdisho
Dec,25,2008
(Muqisho:Saylac.Com)-Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul
Wasaaraha dowlada TFG-da Nuur Cadde ayaa soo gaaray
daqiiqado ka hor Magaalada Muqdisho, isagoona ka soo
kicitimay Magaalada Nairobi.
Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa markii uu ka soo
degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa loo soo
galbiyay hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho
agagaarka Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.
Socdaalka Ra'iisul Wasaare Cadde ayaa ku soo aaday
xilli wafdi uu hogaaminayo Sheekh Shariif ay shalay
dib ugu soo laabteen Magaalada Muqdisho, kuwaasoo si
toos ah ugu soo guuray Muqdisho.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa safaro ku soo maray Dalalka
Jabuuti iyo Kenya, halkaasoo uu kula soo kulmay
Saraakiil Mareykanka ah iyo diblomaasiyiin ka
socotay Beesha Caalamka, kuwaasoo intooda badan
taageero ballaaran u muujiyay xukuumadiisa.
Nuur Cadde oo horseed u ahaa cadaadiska caalamiga ah
ee Madaxweyne Yuusuf la saaray tan iyo markii uu si
sharci daro ah xilka uga qaaday ayaa la filayaa in
goor dhow qabto shir jaraa'id oo uu uga hadlayo
xaaladaha dalka uu marayo.
Dib ugu soo laabashada Mr Nuur Cadde ee Caasimada
Soomaaliya ayaa ku soo beegmeysa, xilli shalay uu is
casilay Ra'iisul Wasaarihii sharci darada uu
magacaabay 16-kii bishan Madaxweynaha Gacma Dheere,
waxayna kaloo ku soo aadeysaa xilli la filayo in
Madaxweynaha uu maro wadadii Gacma Dheere, isla
markaana ku dhawaaqo maalinta sabtida is casilaad.
Sheekh Xasan Dahir "Waa wax
aan micno laheyn soo laabashada Sh Shariif, anigaba
waan imaan karaa, hadii..." Dec,25,2008
(Asmara:Saylac.Com)-Sheekh Xasan Dahir Aweys oo
madax u ah garabka Isbaheysiga Dib u Xoreynta ee
Asmara ayaa ku gacan seyray dalab uga yimid Hey'ado
aan dowli aheyn, kaasoo ahaa inuu ka qeyb galo
dadaalada nabada ee ka socda Dalka Jabuuti.
Wadaadka ayaa sheegay in aanu dooneyn madaxtinimo
iyo inuu ka qeyb galo shirka Jabuuti, isagoona
tilmaamay in marka hore ay dalka baxaan Ciidamada
Ethiopia, isla markaana Soomaalida dhexdooda loo
madax banaaneeyo Dib u Heshiisiinta, oo aan lagu soo
qaadin wax dastuur ah sida uu hadalka u dhigay
"Waxaa haboon in Soomaalida loo madax banneeyo dib u
heshiisiinta iyo arrimaha dhexdooda"ayuu yiri Sheekh
Xasan Dahir Aweys.
Mar uu ka hadlay soo laabashada Sheekh Shariif ee
Magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in aanay wax
micno ah laheyn, isla markaana uu isaguba imaan karo
Magaalada Muqdisho.
"Waa wax aan micno laheyn soo laabashada Sh Shariif,
anigaba waan imaan karaa, hadii aan la midoobo
cadawga, waayo kuwaasba waxay meesha ku tageen
iyagoo la midoobey cadawgii"ayuu mar kale ku celiyay
Sheekh Aweys.
Sheekha ayaa sidoo kale xusay in aanay xabada
joogsan doonin inta dalka ku sugan yihiin Ciidamada
Ethiopia, xitaa wuxuu sheegay hadii ay ka baxayaan
dalka ay ku weerari doonaan Wadooyinka ay ku sii
safrayaan sida uu yir.
Isbaheysiga Dib u Xoreynta garabka Jabuuti oo
sheegay in si rasmi ah ugu soo gureen Magaalada
Muqdisho.
Dec,25,2008
(Muqisho:Saylac.Com)-Isbaheysiga Dib u xoreynta
garabka fadhigiisu yahay Magaalada Jabuuti ayaa
shaaca ka qaaday in hadda iyo wixii ka dambeeyay
xarunta Isbaheysiga ay tahay Magaalada Muqdisho
lagana soo wareejiyay magaalada Jabuuti oo tan iyo
billowgii sanadkan xarun u ahayd.
Sheekh C/raxmaan Maxamed Faarax (Janaqow) oo ah
Xoghayaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta Garabka Sheekh
Shariif, isla markaana horay u ahaa Kuxigeenkii
Golaha Fulinta Xilligii Maxkamadaha ayaa sheegay in
Isbaheysigooda uu saldhigtay Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu sheegay in hadafyada u horeeya ee uu
tiigsanayo Isbaheysiga uu yahay in Ciidamada
Ethiopia dalka ka baxaan, taasna ay suurto gashay oo
maalmaha soo socda ay ciidamada Ethiopia dalka ka
baxayaan, wuxuuna intaasi ku daray in arrimahaasi ay
keentay dadaallo dheer oo ay sameeyeen isbahaysiga
iyo Dowladda Federaalka, isagoo ugu baaqay shacabka
Soomaaliyeed inay taageeraan hannaanka nabadda.
Janaqow ayaa intaa ku daray in beesha caalamka ay
qorsheyneyso sidii maxkamad loo soo saari lahaa
shaqsiyaadkii ama dawladihii dambiyada ka galay
shacabka Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay ciidamada
Ethiopia oo uu ku tilmaamay inay xasuuq aan loo aabo
yeelin ka sameeyeen dalka Soomaaliya muddadii ay
joogeen.
"Siyaasaddii gurracneyd ee Itoobiya ee dadka lagu
laynayay, dhexdoodana laysugu dirayay way
fashilantay, haddana waxaa la diyaarinayaa sidii
maxkamad loo soo taagi lahaa" ayuu yiri Sheekh C/raxmaan
Janaqow oo intaasi ku daray in Itoobiya kaliya aysan
ahayn kuwa maxkamad la saarayo, lana xisaabinayo cid
walba oo dambi ka gashay shacbiga Soomaaliyeed.
Hadalka Sheekh C/raxmaan Janaqow ayaa u muuqday mid
aanu u kala sooceyn dhinacyada isku haaya Caasimada
ee dagaalada ku dhex mara
Max'ed Ibraahin Raage
Saylac.Com Muqdisho Somalia.
|