| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Cabdilahi  Yuusuf oo Ra’isul Wasaare Magacaabay.
Dec,16,2008


Muqdisho(Saylac.com) Cabdilahi Yusuf ayaa maanta magaalada Baydhabo ku magacaabay Ra'iisal wasaare cusub oo uu jeebkiisa kala soo baxa

Munaasibadan oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo Madaxweynaha dowlada Cabdilahi yusuf ayaa waxa ka soo qayb galay xubno ka tirsan Xildhibaano isaga ku taageersan magacaabida Ra'iisul wasaaraha cusub oo magaciisa la yidhaa Max'ed Max’uud Guuleed (Gacma Dheere).

Hadal gaaban oo xanbaarsan duluc Weyn oo uu ka jeediyay kulankaasi Madaxweynaha ayaa waxaa uu daboolka uga qaaday in uu maanta Fuliyay Balan uu labo Maalin ka hor qaaday oo aheeyd in uu Soo Magacaabayo Ra'isul wasaare Soo dhisa Xukuumad Tayo leh oo dalka ka bixisa Dhibaatada uu haatan ku jiro isagoo kala tashanaya xildhibaanada.

"Anigoo Adkeeynaya balanatii aan horay u qaaday waxaan maanta Soo magacaabay oo aan saxiixay Dikareetado aan ku magacaabay Xukuumad uu hor kacayo Mudane Max'ed Max'uud Guuleed Gacama Dheere" Ayuu Yiri Madaxweyne Yuusuf.

Waxaan Kaa codsanayaa in aad sida ugu dhaqsiyaha badan aad u soo magcaawdo xukuumad Tayo leh waayo Dalka Muduu Xukuumad La'yahay ayuu intaasi sii raaciyay Madaxweynaha oo lag dareemayay maanta sida uu uga careeysnaa sida ay uga soo hor jeesteen Xildhibanada go’aanka uu Ra'isul wasaare Nuur Cadde.

Sidoo kale Waxaa uu sheegay in xukuumada Marka la soo magacabo Golaha Wasiirada lagu dhaarin Doono Hortiisa oo aan la geyn dooni meel kale,taasi oo u muuqata in uusan raali ka aheyn in la hor geeyo Golaha Baarlamaanka.


"Waxaa aan ka dalbayaa Ciidamada booliiska iyo Xeer illaalinta guud in ay soo baaraan wixii shalay ka dhacay Baarlamaanka in ay sax yihiin iyo in aysan aheeyn iyo Danbiga la galay ee rag aan wasiiro aheyn xalay lagu dhaariyay Hotel Bakiin"ayuu Si kulul U yiri Madaxweynaha isagoo ka hadlayay Kulankii shalay ay xarunta Baarlamaanka ku ansixiyeen Wasiirada Cusub ee uu Magacaabay Ra'isul Wasaare Nuur Cadde.

Sidoo kale Kulankaasi oo uu hadal koobah ka Jeediyay Ra'isul Wasaaraha cusub ee uu magacaabay Madaxweynaha Max'ed Max'uud Guuleed Gacma Dheere ayaa waxaa uu sheegay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhisi doono Xukuumad Taylo leh oo aan ka hor imaaneeyn Arimaha dib u heshiisiinta.


"Waxaan aad ugu kalsanoonahay in aan Dardar galin doono howlaha dib u heshiisiinta ee iminka Socota anigoo tix raaceyna wadada toosan ee xalka loogu raadinayo umadda Soomaaliyeed" ayuu yiri Ra’isul wasaaraha Cusub ee uu soo magacaabay Madaxweyne Yuusuf .

Mar uu ka hadlayay Talaabada ugu horeeysa ee uu qaadayo Ra'isul wasaraha Cusub ee uu soo magacabay Madaxweynaha dowlada kmg Soomaaliya Max'ed Max'uud Guuleed (Gacma Dheere) ayaa waxa uu sheegay in isagoo kala tashanaya Xildhibaanada Soo doortay in uu soo dhisi doono xukuumad tayo Wanagsan leh oo aan wax dhibaato ah ka dhex dhalin dooni siyaasada haatan ka taagan dalka.

"Waxaa soo dhisayaa dowlada tayo sare leh oo aan ka beyreeyn dhabaha Wanaagsan taasi oo aan kala tashanayo Xildhibaanada maanta Ii doortay Ra'isul wasaaraha"ayuu si degan u yirin Gacma Dheere Ra'isul Wasaaraha Cusub

Sidoo kale waxaa uu sheegay Gacma Dheere in uu Hadal badan xiligan dhihi Karin maadama sida uu sheegay uu cusub yahay isla markana uu kulamada danbe hadalo uu ugu tala galay warbaahinta iyo xildhibaanada doortay u jeedin doono.

Arimahani ayaa waxaa ay yihiin kuwo sii murjinaya oo god mugdi ah sii galinaya qilaafka daba dheeraaday ee ka dhex taagan dowlada kmg Soomaaliya.

Wax war ah kama soo bixin Baarlamaanka Dowlada kmg Soomaaliya oo ku aadan Magacaabida Ra'sul wasaaraha labaad ee ay yeelaneyso dowlada kmg Soomaaliya ee uu maanta magacaabay Madaxweynaha dowlada kmg Soomaaliya Cabdullahi Yuusuf Axmed.


Saylac.com
Muqdisho- Somalia





 


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com