| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Daawo bisadii ugu horeysay ee geeska Afrika dabaasha baretey oo laga helay dooxada Harowo..Dec,11,2008

Lafaciise(Saylac.com) Sida la wada ogsoon yahay bisadaha oo aad uga baqa inay jidhkooda biyuhu taabtaan ayaa sanadkan 2008 dhamaadkiisa waxa dooxada harawa ka dhacday mucjiso yaableh ka dib markii bisad ninkii lahaa uu si isdaba jooga ugu tababaray inay biyaha dabaalato isagoo arinkan daba taagnaa mudo sadex bilood ah sidii uu uga midho dhalin lahaa .

Ninkan oo magaciisa la yidhaa Ibrahim Farax ayaa shabakada sayla.com u sheegay inuu bisadan dhawr jeer ku muquuray biyaha harweyn oo xoolaha reer miyigu ka cabaan si ay dabaasha ugu barato. Inkastooy markii hore dhawr jeer uu dhibweyn kala kulmay sidii uu bisadan biyaha u bari lahaa, hadana mudo laba bilood ka dib ayuu maalin maalmaha ka mida xoolihii u waraab keenay hartii biyuhu ku jireen ka dibna waxay indhihiisu qabteen shay aanu horey u arki jirin oo ah ( bisadii oo iskeed biyaha u galaysa ) ! Ibraahim oo saylac.com u waramayey ayaa yidhi " aad ayaan u qoslay waxaanan isku dayey inaan la dabaasho si aan u dhiiri galiyo bisadan waxaanan arkay inay dabaasha iga badinayso "!!.


Mr . Ibrahim ayaa waxa uu hadalkiisa ku daray in ujeedada uu ka lahaa inuu bisadan dabaasha baro ay ahayd oo kaliya inuu buriyo aragtidii dadka soomaalidu awal ka qabeen in bisaduhu biyaha neceb yihiin isla markaana uu helo in bisadu kaliya u baahnayd in biyuhu ayna cadaw ku ahayd bisada .

Waa markii ugu horeysay ee bisadi ay dhex dabaalato biyo aad u baaxad weyn waxana xusuus mudan in shay walbaa uu ka sal gaadhi kari wixii dhibay

Cabdiwali
Saylac.com
Lafaciise- kililka shanaad- Itoobiya

maxay kula tahay sheekadani  kusoo hagaaji qoraalkaaga saylacnews@yahoo.com


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com