| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
(Wararka oo dhamays tiran hoos u soco )


Usbuucan iyo Socdaalka Aduunka warar yaableh oo ay sawiro weheliyaan..Dec,10,2008

Saacadan maxaa laga sameeyey ayaad is codhan?

Rome(Saylac.com) Saacad dhererkeedu dhan yahay 40 fiit oo loo sameeyey sida saacada ku taala london ee magaceeda la yidhaa Big Pen ayaa waxa sameeyey farshaxan u dhashay dalka Talyaaniga waxaanu ka sameeyey nacnaca labeenta laga sameeyo ee loo yaqaano shololaataha.
The 35ft high chocolate Big Ben /Europics
Ninkan farshahanka ah ayaa waxa uu ugu tala galay saacadan inuu ku soo bandhigo ciida munaasibada ciida kiristaanku leeyihiin meel lagu soo bandhigi doono cunooyinka kala duwan ee dalka Talyaaniga laga sameeyo.

Dad aad u tiro badan ayaa u soo daawasho yimid waxaanu qof walba ka oo daawashadeeda raba ka qaadaa lacag u dhiganta 2 doolarka maraykanka ah.

Markii la weydiiyey sababta uu khidmada daawashada u yareeyey wuxuu ku jawaabay dadka inayna iga cararin ayaan door biday dad farabadan ayaana iiga macaash badan dad yar oo aan qiimo badan ka helo !!

Maskax aad u sareysa ayuu ku hadlay ninkani farshaxanka ahi waayo dadka badankiisu 2 doolar waxba uma arkaan lakiin markaad isku darto 1 milyan oo min 2 dooral ahi waxay noqonaysaa laba milyan oo doolar !!.

Intaa waxa u dheer isagoo aan wali gaadhin munaasibadii uu ugu talo galay inuu ku soo bandhigo saacadan uu ka sameeyey shokolaataha .

Saylac.com
Rome - Italy

Mulkiile Huteel ku yaala dalka Shiina oo ka dib markii uu Sadam Husein ugu magac daray Makhaayadiisu cirka martey.. Dec,10,2008

Beijing(Saylac.com)-Makhaayadan oo inta badan laga cuno digaaga shiilan oo lagu shiilay xawaashyo kulul oo kala duwan ayaa hada ka hor aanay dadka ku dhaqan malaagalada Shenyang warka hayn dad sidaasina ayna macmiil u ahayn.

Mulkiilaha Makhaayadan ayaa sheegay inuu habeen habeenada ka mida ku fikiray inuu huteelkiisa ugu magac daro Allaha ha u naxariistee Sadam Husein madaxweynihii hore ee Dalka Iraaq. Sawirada Sadam ayuu gidaar walba ka lulay isla maraakana ku dhajiyey gidaarka hore ee Makhaayada laga soo galo.

Dadka badankiisa ayaa durba jaleecsday sawirkan caamka ah waxayna ka wardoon is yidhaahdeen makhaayadan iyagoo qaar ka tirsani isweydiinayaan inuu leeyahay Sadam Hussein.

Dadkii ayaa si xad- dhaaf ah ugu soo batay makhaayada. Ninkii lahaa ayay weydiiyeen sababta uu sawirada Sadam ugu dhajiyey - wuxuuna ugu jawaabay cuntada aan karino ayaa ah mid dhadhan kulul oo basbaas laga buuxiyey sidaa darteen cidii ku dhici karta ayuunbaanu ka iibinaynaa inay cunto Sadam na wuxuu ahaa nin kulul oo ka dhooqooyey reer galbeedka ayna kari waayeen ilaa ay iskugu wada tageen inay ridaan markaa sababta ugu weyni waxay tahay taa .

Dadka ayaa iyagoo qoslaaya wax ka cuna makhaayada sidaas ayaanu mulkiilihii makhaayadu ku macaashay makhaayadiisuna noqotey makhaayada ugu caansan magaalada Shenyang.

Saylac.com
Beijing- China

Waa maxay sababta lodu markay nasiimo doonayso ay ugu jeesato dhinaca waqooyi? Dec,10,2008

Bon(Saylac.com) saynisyahanadu waxay isku raaceen dhawaan in lodu markay nasiimo u fadhiisato ay u jeestaan dhanka waqooyi, maxaa yeelay ayey yidhaahdeen waxa maskaxdooda sheegi kartaa dhinaca waqooyigu ka jiro jahada waqooyi.

Tariikhda hore markaad akhridid waxaad helaysaa in dadkii hore ee ku noolaa dhulka banaan ee africa ay markay socdaal galayaan ay loda adeegsan jireen si ay u gartaan jahada waqooyi si ay jihooyinka kalena u gartaan. markaa loda ayey fadhiisin jireen ama yara nasin jireen si ay u arkaan dhinaca neefka loda madaxiisu u jeedsado.

Jariidada Daily Telegraph ee ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa qortey in lodu u jeesato waqooyi jariidada ayaa magar usoo qaadatey baadhitaano dhawra oo ay rag saynis yahano ahi ka sameeyeen wadamo kala duwan oo ku yaala Afrika iyo Yurub.


Saynisyahanadan arinkan soo bandhigay ayaa horey u sheegay in xawayaanka qaarkood uu dareenkoodu la shaqeeyo magnadka wareega dhulka oo u kala dhaca waqooyi iyo koonfur sidaa daraadeedna uu xiskoodu la socdo wareeg kaska oo 24 saacba uu dhulku sameeyo

Hadaba waxa is weydiin mudan dadka soomaalida loda dhaqati ma cadayn karaan mase u fiirsadeen in xooluhu markay xerada ku jiraan badankoodu u jeestaan dhinaca waqooyi? jawaabtaa dadka ayaanu u bandhigney

Saylac.com
Bon- Germany
 

Waxa isku soo dubo riday Wariye Maxamed Xaaji iyo  Eng  Wihiib   waxa shabakada saaray Abwaan Maxamuud Cabdilahi Rooble


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com