| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Dibuhabayb lagu sameeyey Huteel Harawo oo la dhisay 1962.
April,18,2008
iyo sawiro weheliya

Borama(Saylac.com) Huteel Harawo ayaa maanta dib loo furay ka dib markii lagu sameeyey dibu habayn caalami ah oo in mudo ahba socotey. Harawo Hotel ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay dhawr huteel oo sanadkaa 1962 ka jiray wadanka somaliland isla markaana ah huteel ku yaala farasmagaalaha magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.

Mulkiilaha Huteel Harawo Mudane Cabdi Xasan Buuni ( Wasiirka xidhiidhka Sadexsa Gole ee Somaliland ayaa maanta furay xaflad lagu furayey Huteelka oo ay ka soo qayb galeen marti sharaf farabadan oo iskugu jira Saladiin, Aqoonyaham iyo waxgarad kaleba.

Munaasiibadan furitaabka huteelka ayaa ku soo beegantey sanadkii 46 ee uu Huteelku jiray ayaa waxa maanta ka hadlay Mulkilaha  kiraystey   huteelka oo magaciisa la yidhaa Muuse Cilmi axmed oo isagu khibrad aada u leh hawlaha kala socodsiinta Huteelka iyo marti sharafta intaba.

Marti sharaf badan oo maanta ka soo qayb galay furitaanka Harawo Huteel ayaa waxay saylac.com u sheegeen inay la dhacsan yihiin dibuhabaynta lagu sameeyey huteelka iyagoo intaa ku daray inay si gaara ula dhacsan yihii Cuntada dhadhanka leh iyo jiifka heer caalami ah oo uu Harawo Huteel la kacay goor munaasib ah oo dadku filayeen.



Ganacsadaha Kiraystey  qaybta Cuntada ee  Harawo Hotel Mudane Muuse Cilmi oo ka hadlay Munaasibadii furitaanka Huteelka ayaa dadka ugu balan qaaday soo dhawayn wacan, adeeg Hufan ,sheegayna in Dib u habyn wayn lagu sameeyey dhamaan qaybaha kala Duwan ee Hutel harawo, shaqaale tayo leh tacliin sarena u leh Cuntada iyo adeega martidaba ay diyaar u yihiin inay u adeegaan Martisharafka qiimaha leh.
Dadka waxuu Muuse ka codsaday inay waxii talo ah ama tabasho ah loo sheego maamulka hotelka oo aan lagala gaban,

Maxamed Nuur faahiye ayaa ka hadlay waxu yidhi magaca harawa waxa bixiyay cali khaliif Galaydh aniga iyo galaydh Arday Dugsiga sheekh wax ka barata ayaanu wada hayn, magaca hotelka iyo dooxada qaaliga ee harawo waa isku magac. gabadhii ugu horaysay ee ka shaqaysa Hutelkan waxay qaadatay magacii Huteelka waana fanaanada caanka ah ee Qamar cabdilaahi harowo.

Martisharafta ka soo qayb gashay furitaanka Harawo Hotel Borama, Somaliland


Ganacsadaha Kiraystey qaybta Cuntida Harawo Huteel Mudane Muuse Cilmi oo ka hadlay Munaasibadii furitaanka Huteelka

Muqaalka wajiga hore ee Harawo Hotel Borama , Somaliland

Mulkiilaha Harawo Hotel Mudane Cabdi Xassan Buuni  (Wasiirka Xidhiidhka Sadexda Gole ) oo dhegaysanaya kulankan munaasibada furitaanka Harawo Hotel.


Dahir Axmed Jirde
Saylac.com
Borama/ Somaliland


 

 

 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com