| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Kullan dhex-maray Madaxweyne Rayaale iyo Wafti ka socda UNDP April,17,2008
Hargeysa- (Saylac.com) -  Madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay  qasriga madaxtooyada ku qaabilay wafti ka socda UNDP.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu faah-faahiyay kulankaasi.
Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan.
“Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefdi ka socda Laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta Mashaariicda ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano UNDP.
Wefdigaasi oo uu hogaaminayay Agaasimaha Laanta UNDP u qaabilsan Wadamada Geeska Afrika oo fadhigiisu yahay Magaalada Nayroobi ee Caasimada Dalka Kenya Mr BrunoLemarquis , waxa ay Madaxweynaha kala hadleen Mashaariicda horumarinta ah ee UNDP ay ka fulin doonto Jamhuuriyada Somaliland , kuwaasi oo uu sheegay in ay laban laabi doonaan dhaqaalaha ku bixi doona sanadkan 2008


Mr Bruno oo si qoto dheer u faah faahiyay Mashaariicda sanadkan 2008 ay ka fulin doonaan Somaliland , waxa uu sheegay in Mashaariicdaasi ay ka mid noqon doonaan , sidii loo horumarin lahaa is xukunka iyo maamulka fiican ee dalka , in dadka danyarta ah loo sameeyo mashaariic ay nolol maalmeedkooda ka soo saaraan , Mashaariicda Nabad gelyada iyo laamaha ilaalinta sharciga qaabilsan oo ay ka mid yihiin tababaro loo sameeyo Ciidamada Booliiska , Ciidamada Asluubta, Maxkamadaha dalka iyo Mashaariic kale oo ku wajahan horumarinta Bulshada.

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu ka codsaday Laanta UNDP in ay xooga saaraan , si ay u abuuraan Mashaariic ay ka mid yihiin in dadka loo sameeyo Wershado yar yar oo soo saara Subaga Burcadka , maadaama uu dalku leeyahay xoolo fara badan , caana badana laga helo, taasi oo wax weyn ka tari doonta ayuu yidhi Madaxweynuhu in ay dadku ku kabaan nolol maalmeedkooda.


Madaxweynuhu waxa uu Laanta QM u qaabilsan horumarinta ku booriyay in ay xooga saaraan Mashaariicda ahmiyada gaarka ah u leh dalka, isaga oo ugu mahad naqay taageerada Laantaasi ay siiso Somaliland .
Shirkaasi dhex maray Madaxweynaha iyo Wefdiga UNDP waxa kale oo goob joog ka ahaa Sarkaalka Xafiiska UDNP ku leedahay Somaliland Mr Balma Issaka Yahaya iyo Mr Moe A. Hussien oo isaguna ka tirsan Saraakiisha UNDP.”
 
 
 Cabdiqani X. Baynax

Saylac.com / Hargeysa/ Somaliland
 


 

 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com