| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Wafti Culus oo uu hogaaminayo Duqa magaalada Boorama oo ka qayb galay shirka Henley on Thames ee ka dhacaya cariga Ingiriiska.
April, 28,2008
  Daawo sawiro kale
Henley (saylac.com) Duqa Magaalada Boorama Mudane Cabdiraxman Shide Bile oo ay weheliyaan Mudane Maxamed Cabdi Gaafane iyo Mudane Maxamed Muuse Maxamed ayaa maalmahan  socdaal hawleed ku jooga Wadanka Ingiriiska Magaaladiisa Henley.

Waftigan uu Duqa Magaalada Boorama hogaaminayo ayaa waxa ay ka qayb galeen shirsanadeedka Henley on Thames oo sanad walba lagu qabto dalkan Ingiriiska. Mudane Cabdiraxman Shide Bile ayaa qudbad aad u dheer ka jeediyey shirkan Henley on Thames oo waftigiisa si gaar ah loogu marti qaaday isla markaana faah-faahin dheeraada ka bixiyey arimo badan oo ay ka mid yihiin : Salaan uu ka siday Madaxweynaha Jamuuriyada Soomaaliland Mudane Dahir Rayale Kaahin, xidhiidhka taariikhiga ah ee labada degmo ee Borama iyo Henley, iyo arimo badan oo socdaalkiisa ku taxaluqa.

Duqa Magaalada Boorama Mudane Cabdiraxman Shide Bile oo sii wata qudbada uu ka jeediyey kulankan ayaa waxa uu si hufan usoo bandhigay waxqabadka Dawlada Hoose ee degmada Boorama mudadii uu xilka hayey oo iskugu jirta sawiro iyo video intaba . Hawlaha ugu weynaa ee uu shirkan kusoo bandhigay ayaa waxa ugu weynaa : Wadada Cusub ee laamiga ah ee Bile street, Waxbarashada oo uu ka warbixiyey Jaamacada Cammuud, Hawlgalka Cusbitaalka Boorama, Mashruuca dhismaha Garoonka Kubada Cagta ee Xasan Sheekh Muumin,Biyaha iyo Nadaafada Magaalada, iyo xawliga uu dhismaha magaalada Boorama ku socda oo uu baahan qorshe balaadhan oo loogu diyaar garoobo marwalba oo ay magaaladu sii balaadhato mashaariicda horumarineed ee bulshadu ina la jaan qaado lana sii balaadhiyo, mashaariicdaa oo ay ugu horeeyaan Biyaha, Waxbarashada iyo Nadaafadu.

Mudane Bile ayaa gabagabadii qudbadiisa abaalgud balaadhan usoo jeediyey xubnaha golaha mudanayaasha magaalada Henley iyo xubnihii kale ee shirka ka soo qayb galay oo uu ugu horeeyo Duqa Magaalada Henley M.B.E Councillor Mr. Terry Buckett iyo masuuliyiin sarsare oo ka socday golaha mudanayaasha ee magaalada Henley.

Dhinaca Magaalada Henley waftiga ugu qayb galay shirkan ayaa waxay ku amaaneen Duqa magaalada Boorama Mudane Bille waxqabadkiisa iyo kartida uu u galay dhismaha Jidka Laamiga ah ee malaada Boorama iyo hawlaha kale ee qabyada u ah sida Dhismaha Garoobka Kubada Cagta ee Xasan Sheekh Muumin.

Waxa kale oo uu Mudane Cabdiraxman Shide Bile ka xoog waramay  Jaamacada Cammuud iyo Kaalinta biyaha Boorama ee Sheba oo runtii iyana ay ku dheeraadeen sida haqabla'aanta leh ee ay umadooda uga haqab tireen biyaha oo ah tiirka kobaad ee nolosha bani-aadamka.

Socdaalka Duqa magaalada Boorama uu ku yimid Magaalada Helney ee cariga Ingiriiska ayey ku tilmaameen Masuuliyiinta Henley inuu yahay mid qodata u sii dheeraynaya xidhiidhka tariikheed uu labada Magaalo u dhexeeya waa Henley/Borama ee.

Gabagabadii kulanka kobaad ee ee shirkan Henley on Thames ayaa Duqa magaalada Boorama u gudoonsiiyey sawiro iyo cajalado Video ah oo ka turjumaya mashaariicda dawlada Hoose ee Boorama ay ku guda jirto isla markaana waxa uu Mudane Bille raaciyey inuu aad ugu hanweyn yahay inay mashaariicdaa wixii karaankooda ah ay ka rajaynayaan inay kaalmo ka helaan Maamulka magaalada Henley.


Kulankan maanta oo sii socon doona dhawr casho ayaa waxa socdaal lagu soo mariyey Duqa magaalada Boorama Garoonka Kubada Cagta ee Magaalada Henley iyo bartilmaameedyo kale oo ku yaala magaalada Helney oo uu ka mid yahay shaarica weyn ee Borama Way  ee ku yaala Magaalada Henley.

Kulamada danbe iyo waraysiyo cod ah oo ay saylac.com la yeelan doonto Duqa magaalada Boorama saacadaha soo socda kala soco saylac.com

Sayid
Saylac.com
Henley, UK
 


 

 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com