| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
“Ma dhabaa in gudigii isku xilqaantay gurmadka masiibadii ka dhacday gobolka Awdal……” Qybtii 2aad. April,25,2008
Sweden -Sida aan la wada socono waxa gobolka awdal ka dhacday bilihii inna dhaafay qabow daran oo dad iyo duunyaba galaaftay,isla markaana ay dadbadan oo xoolo dhaqato ahi ku ceydhoobeen. Warbixintan qeybteedii koowaad waxad ka daalacan kartaa xaga hoose. Waxan sii wadaynaa falanqeynta iyo faalooyinka ku saabsan wararka ay saxaafadda gobolku soo gudbisay ee sheegaya in kaambeyn siyaasadeed lagu galay lacagtii qurba joogu ugu tala galay dadkii ku caydhoobay qabowgii ku habsaday degaano ka mid ah gobolada Salal iyo Awdal.

Inkasta oo ay dadku makiiba dareen xoogleh ka bixiyeen urur aan qurba joogta wada metelin, cid hawshan u igmatayna jirin,deeq uu isagu keenay oo uu dadka gaadhsiinayaana jirin sababta uu odayaasha ugu bandhigey inay magaca ururka ku hawlgalaan. Iyadoo ay dadka u muuqato in timirta lafi ku jirto, si kastaba, dadku hadana waxay ahmiyadda siiyeen sidii ay uga jawaabi lahaayeen qeyla dhaanta kasoo yeedhay maamulka iyo waxgaradka gobolka walaalahoodna ay u caawin lahaayeen.kadib markii ay saxaafada gobolku soo bandhigtay muuqaallo dhab ah.

* Saxaafadu sidii kagama hadhin ee waxay talaabo talaabo ula socotay hadba wixii soo kordha ee qadiyadan khuseeya waxtar iyo waxyeelaba.

* Saxaafadu waxay isha ku haysay shilinkasta meesha uu ka yimaado iyo meesha uu ku baxayo,waana ta suurtagalisay in la ogaado totalka guud ee lacagta iyo meelaha ay ka kala timid iyo meelaha ay ku kala baxday.

* Saxaafada gobolku waxay ahayd tii marka horeba dadka qurbaha usoo bandhigtay maqal iyo muuqaalka mashaqadii dhacday.

* Saxaafada gobolku waxay ahayd tii marka horaba qurba joogta soo gaadhsiisay qeyla dhaantii maamulka gobolka iyo ka degmadaba.

* Saxaafadu waa tii marka horeba qurba joogta usoo gudbisay gudiga masiibadan ka hawlgalaysaa kuwa ay yihiin.

* Saxaafada gobolku waxay ahayd tii marka horeba soo gudbisay codka gudiga iyo sida ay u hawlgalayaan.

* Saxaafada gobolku waata markastaba qurba joogta usoo gudbisa wixii jira dhulkii hooyo,balo iyo barkhadba.

* Saxaafadii dadka usoo bandhigeysay hadba inta lacag soo gaadhay gudiga masiibada ee gobolka awdal uunbaa imikana soo sheegtay sidii loo maamulay hantidii iyo wixii dhacay.

* Saxaafada gobolku waxay soo gudbisay warar sheegaya in lacago lasoo direy aan khasnada lagu shubin loona leexiyey meelo kale, kadibna la yidhi raashinbaa la galiyey lacagtaa oo tuuloyinbaa loo direy totalka guudna lagu daray, dadka qurbuhuna arintaa way aaminsanyihiin inay dhacday 80%.

Sida la sheegayo arintani waxay shaki ku kala dhex riday xubnihii Boorama ee hawsha gacanta ku hayey, balse waxa wararku sheegeen in arintaa la qaboojey oo xaalmastuur lagu dhameeyey, si aanay uragaadin hawshan bilowga ah, kadib markay istuseen in nimankii hawsha lasoo doontay ee (ACCNA) ay wax isdabamarin sameeyeen. Waxa iyana la isla gartay in lacagta aan account-ka kusoo dhicin ee tooska loogu soo hagaajiyo dahabshiil ay shanta xubnoodba goob joog u ahaadaan marka account-ka gudiga loo furey lagu shubayo iyo marka laga saarayaba.

Marka uu xaal sidaa yahay halkaa waxa ka cadaatay in odayaasha hawsha gacanta ku hayey aanay iyagu lacagta kaambeynka lagu galay gacantooda ka bixinin, laakiin niman aan xishoonayn oo doonaya ruufadka ay ku jiraan inay shakhsiyaadka nadiifta ah ku riixaan, waa nimankii marka horeba magaca ula baxaye ay wax is dhaaf dhaafinta sameeyeen, isla markaa ay odayaashuna aamus xal moodeen markii ay arkeen sida ay wax udhaceen. Laakiin waxay dadku isku raacsanyihiin in arintani markastaba odayada kutahay ceeb oo aanay marnba fadeexad ka baaqsanayn.

Dareenkii isasoo tarayey ee laga qabay xubnihii reer Kulmiye ee ku jirey Acna ee odayada wax uyeedhinayey aakhirkii banaankuu usoo baxay waxa cadaatay inay wax isdaba mariyeen oo lacag ku dhaw $20,000 doollar ay musuq maasuqeen.Kadib markay nimankaasi gudigii hawsha fulinayey ula dhaqmeen sidii shaqaale tukaan uga shaqeeya oo kale. Arintani waxay ka cadheysiisay dadkii dibada joogey. Indhawaalaba dadkii lacagaha bixiyey waxay isku maaweelinayeen odayaasha waa la ribaynayaa ee maalin dhawbay isbaraxayaan.

Balse arintaasi waxay noqotey wax la waayey.Gudo iyo dibadba waxay dadku isweydiinayaan "Waar nimankii odayaasha ahaa markii ay lacagta nagu soo hagaajiya lahaayeen waa kuwii shirka jaraa’id qabtay ee midh midh isku sharaxaye, maanta maxaa hadal looga waayey? Miyey ku dhex go’day, oo waxay la’yihiin waxay la horyimaadaan qurba joogii lacagaha ku hagaajiyey!!!…! Ma nimankii marka horaba majara habaabiyey ayaa imikana muska ugu jira? Miyaaney saxaafadda iyo wararka waayadan iska soo daba dhacayey la socon, mise maalintii ay lahaayeen lacagaha soo diraaba saxaafad ugu danbeysay!! Ma waxa lagu yidhi "bulshada u aamusa cidlo ha idin moodaane".

Intaas uun kuma eka oo waxad arkeysaa dadku iyagoo wali rajo qaba oo waxay leeyihiin waan ka warsugaynaa waxa ay la shiryimaadaan. Aniga hadalkeygani maaha deedafeyn iyo deelqaaf ee waxan halkan kusoo gudbinayaa oo kaliya dareenka dalalka dibadda yaalla.Dadka qurbuhu dhaayaha wax kuma arkaan oo dhulkii ma joogaan ee dhegaha uunbay wax ka maqlaan, waxa ay maqlaana, waa wixii ay saxaafadu usoo gudbiso iyo warar kale oo uu qofku si madaxbanaan iskaga helo. Waanad ogtihiin in bulshadeenu tahay oral society. Dad badan oo aan arintan wax ka waydiiyey waxay qabaan "Odayaashii lacagta lagu hagaajiyey ee Boorama joogay, wali war murtiyeed ay ku qeexayaan qaadhaankii dadku ururiyey meesha ay ku bixiyeen iyo siday ubixiyeen 83 kun oo dollar lama hayo.

Waxay intaa ku darayaan: Warar shaki badanleh oo kasoo burqanayey Boorama,Hargeysa iyo meelihii dhibtu ka dhacday oo ay saxaafadu soo gudbisay oo aanay odayaashii dhaqaalaha loo dhiibay wali ka jawaabinbaa jira," Mid ka mid ah dhalinyaradii aan lacagta waydiiyey oo ka cudur daartay inaan magaciisa sheego oo cabiraya fikirkiisa wuxu yidhi sidatan: "Anagu meeshii wax ka dhaceen ma joogno, wargeysyada iyo webste-yada anagu ma maamulo,wariyayaasha warka soo dirana ma nihin.Laakin wixii aan maqalo uunbaa na xukuma. Markaa sida muuqata hawshii odayaashaasi hayeen way soo gaba gabootey. Sidaas awgeed lacagaha cusub eed ururinaysaan anigu waan bixinayaa, laakiin qaabkii loo diri lahaa iyo halkii lagu hagaajin lahaa hala isweydiiyo. Haddii kale mashaariic badan oo umada faa’iido ulehbaa gobolka ka socota ee halagu taageero"wuxu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey "Madarasada quraanka ee caawimada loo raadinayo haloo diro lacagtan imika la ururinayo".

Hadaba markii aan wadamo badan oo lacagta laga direy la xidhiidhey, kan aan joogana aan arkey ee aan ogaaday ra’yul caamka guud ee ay qabaan qurba joogtu waxan jeclaystay inaan soo gudbiyo aragtidooda.Waxad muuqata in aamuska gudigu uu ka aamusay eedayntan loo soo jeediyey ay caqabad ku tahay arimaha lacag ururinta ee aan halkan ka wadno. Inkasta oon filayo in wixii la helo in sida ugu dhakhso badan loogu diri doono dadkii loogu talagalay. Isku soo wada xooriyoo, hadii gudigii hawsha isku xilqaantay ee lacagta lagu hagaajiyey ay dadka qurbaha jooga dhegaha ka furaysataan, oo ay isku qanciyaan Eadda shaadh weynbaad ka xidhantihiin waxan filayaa inay foolxumo iyo barmadow ku noqon doonto.

Waxa la isla dhexmarayaa gudigii isku xilqaantay masiibadii ka dhacday gobolka awdal ee lagu eedeeyey inay dayaceen lacagtii dadku ku hagaajiyey waxay la’yihiin wax ay la shiryimaadaan.

Si kastaba ha ahaatee waxa la dhawrayaa dhawaaqooda iyo inay soo bandhigaan cadeymo muujinaya sidii ay ubaxday hantidii ay maamulayeen, waana sida kaliya ee ay kaga baaqsan karaan in liiska madow lagu daro.

Ha samaato

Jawhar Qalinle
Email: korwaayeel@hotmail.com

 


 

 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com