|
|
 |
|
| |
“Ma dhabaa in gudigii isku
xilqaantay gurmadka masiibadii ka dhacday gobolka
Awdal……” Qybtii 2aad. April,25,2008
Sweden -Sida aan la wada socono waxa gobolka awdal
ka dhacday bilihii inna dhaafay qabow daran oo dad
iyo duunyaba galaaftay,isla markaana ay dadbadan oo
xoolo dhaqato ahi ku ceydhoobeen. Warbixintan
qeybteedii koowaad waxad ka daalacan kartaa xaga
hoose. Waxan sii wadaynaa falanqeynta iyo
faalooyinka ku saabsan wararka ay saxaafadda gobolku
soo gudbisay ee sheegaya in kaambeyn siyaasadeed
lagu galay lacagtii qurba joogu ugu tala galay
dadkii ku caydhoobay qabowgii ku habsaday degaano ka
mid ah gobolada Salal iyo Awdal.
Inkasta oo ay dadku makiiba dareen xoogleh ka
bixiyeen urur aan qurba joogta wada metelin, cid
hawshan u igmatayna jirin,deeq uu isagu keenay oo uu
dadka gaadhsiinayaana jirin sababta uu odayaasha ugu
bandhigey inay magaca ururka ku hawlgalaan. Iyadoo
ay dadka u muuqato in timirta lafi ku jirto, si
kastaba, dadku hadana waxay ahmiyadda siiyeen sidii
ay uga jawaabi lahaayeen qeyla dhaanta kasoo yeedhay
maamulka iyo waxgaradka gobolka walaalahoodna ay u
caawin lahaayeen.kadib markii ay saxaafada gobolku
soo bandhigtay muuqaallo dhab ah.
* Saxaafadu sidii kagama hadhin ee waxay talaabo
talaabo ula socotay hadba wixii soo kordha ee
qadiyadan khuseeya waxtar iyo waxyeelaba.
* Saxaafadu waxay isha ku haysay shilinkasta meesha
uu ka yimaado iyo meesha uu ku baxayo,waana ta
suurtagalisay in la ogaado totalka guud ee lacagta
iyo meelaha ay ka kala timid iyo meelaha ay ku kala
baxday.
* Saxaafada gobolku waxay ahayd tii marka horeba
dadka qurbaha usoo bandhigtay maqal iyo muuqaalka
mashaqadii dhacday.
* Saxaafada gobolku waxay ahayd tii marka horaba
qurba joogta soo gaadhsiisay qeyla dhaantii maamulka
gobolka iyo ka degmadaba.
* Saxaafadu waa tii marka horeba qurba joogta usoo
gudbisay gudiga masiibadan ka hawlgalaysaa kuwa ay
yihiin.
* Saxaafada gobolku waxay ahayd tii marka horeba soo
gudbisay codka gudiga iyo sida ay u hawlgalayaan.
* Saxaafada gobolku waata markastaba qurba joogta
usoo gudbisa wixii jira dhulkii hooyo,balo iyo
barkhadba.
* Saxaafadii dadka usoo bandhigeysay hadba inta
lacag soo gaadhay gudiga masiibada ee gobolka awdal
uunbaa imikana soo sheegtay sidii loo maamulay
hantidii iyo wixii dhacay.
* Saxaafada gobolku waxay soo gudbisay warar
sheegaya in lacago lasoo direy aan khasnada lagu
shubin loona leexiyey meelo kale, kadibna la yidhi
raashinbaa la galiyey lacagtaa oo tuuloyinbaa loo
direy totalka guudna lagu daray, dadka qurbuhuna
arintaa way aaminsanyihiin inay dhacday 80%.
Sida la sheegayo arintani waxay shaki ku kala dhex
riday xubnihii Boorama ee hawsha gacanta ku hayey,
balse waxa wararku sheegeen in arintaa la qaboojey
oo xaalmastuur lagu dhameeyey, si aanay uragaadin
hawshan bilowga ah, kadib markay istuseen in
nimankii hawsha lasoo doontay ee (ACCNA) ay wax
isdabamarin sameeyeen. Waxa iyana la isla gartay in
lacagta aan account-ka kusoo dhicin ee tooska loogu
soo hagaajiyo dahabshiil ay shanta xubnoodba goob
joog u ahaadaan marka account-ka gudiga loo furey
lagu shubayo iyo marka laga saarayaba.
Marka uu xaal sidaa yahay halkaa waxa ka cadaatay in
odayaasha hawsha gacanta ku hayey aanay iyagu
lacagta kaambeynka lagu galay gacantooda ka bixinin,
laakiin niman aan xishoonayn oo doonaya ruufadka ay
ku jiraan inay shakhsiyaadka nadiifta ah ku riixaan,
waa nimankii marka horeba magaca ula baxaye ay wax
is dhaaf dhaafinta sameeyeen, isla markaa ay
odayaashuna aamus xal moodeen markii ay arkeen sida
ay wax udhaceen. Laakiin waxay dadku isku
raacsanyihiin in arintani markastaba odayada kutahay
ceeb oo aanay marnba fadeexad ka baaqsanayn.
Dareenkii isasoo tarayey ee laga qabay xubnihii reer
Kulmiye ee ku jirey Acna ee odayada wax uyeedhinayey
aakhirkii banaankuu usoo baxay waxa cadaatay inay
wax isdaba mariyeen oo lacag ku dhaw $20,000 doollar
ay musuq maasuqeen.Kadib markay nimankaasi gudigii
hawsha fulinayey ula dhaqmeen sidii shaqaale tukaan
uga shaqeeya oo kale. Arintani waxay ka cadheysiisay
dadkii dibada joogey. Indhawaalaba dadkii lacagaha
bixiyey waxay isku maaweelinayeen odayaasha waa la
ribaynayaa ee maalin dhawbay isbaraxayaan.
Balse arintaasi waxay noqotey wax la waayey.Gudo iyo
dibadba waxay dadku isweydiinayaan "Waar nimankii
odayaasha ahaa markii ay lacagta nagu soo hagaajiya
lahaayeen waa kuwii shirka jaraa’id qabtay ee midh
midh isku sharaxaye, maanta maxaa hadal looga waayey?
Miyey ku dhex go’day, oo waxay la’yihiin waxay la
horyimaadaan qurba joogii lacagaha ku hagaajiyey!!!…!
Ma nimankii marka horaba majara habaabiyey ayaa
imikana muska ugu jira? Miyaaney saxaafadda iyo
wararka waayadan iska soo daba dhacayey la socon,
mise maalintii ay lahaayeen lacagaha soo diraaba
saxaafad ugu danbeysay!! Ma waxa lagu yidhi "bulshada
u aamusa cidlo ha idin moodaane".
Intaas uun kuma eka oo waxad arkeysaa dadku iyagoo
wali rajo qaba oo waxay leeyihiin waan ka
warsugaynaa waxa ay la shiryimaadaan. Aniga
hadalkeygani maaha deedafeyn iyo deelqaaf ee waxan
halkan kusoo gudbinayaa oo kaliya dareenka dalalka
dibadda yaalla.Dadka qurbuhu dhaayaha wax kuma
arkaan oo dhulkii ma joogaan ee dhegaha uunbay wax
ka maqlaan, waxa ay maqlaana, waa wixii ay saxaafadu
usoo gudbiso iyo warar kale oo uu qofku si
madaxbanaan iskaga helo. Waanad ogtihiin in
bulshadeenu tahay oral society. Dad badan oo aan
arintan wax ka waydiiyey waxay qabaan "Odayaashii
lacagta lagu hagaajiyey ee Boorama joogay, wali war
murtiyeed ay ku qeexayaan qaadhaankii dadku ururiyey
meesha ay ku bixiyeen iyo siday ubixiyeen 83 kun oo
dollar lama hayo.
Waxay intaa ku darayaan: Warar shaki badanleh oo
kasoo burqanayey Boorama,Hargeysa iyo meelihii
dhibtu ka dhacday oo ay saxaafadu soo gudbisay oo
aanay odayaashii dhaqaalaha loo dhiibay wali ka
jawaabinbaa jira," Mid ka mid ah dhalinyaradii aan
lacagta waydiiyey oo ka cudur daartay inaan
magaciisa sheego oo cabiraya fikirkiisa wuxu yidhi
sidatan: "Anagu meeshii wax ka dhaceen ma joogno,
wargeysyada iyo webste-yada anagu ma
maamulo,wariyayaasha warka soo dirana ma
nihin.Laakin wixii aan maqalo uunbaa na xukuma.
Markaa sida muuqata hawshii odayaashaasi hayeen way
soo gaba gabootey. Sidaas awgeed lacagaha cusub eed
ururinaysaan anigu waan bixinayaa, laakiin qaabkii
loo diri lahaa iyo halkii lagu hagaajin lahaa hala
isweydiiyo. Haddii kale mashaariic badan oo umada
faa’iido ulehbaa gobolka ka socota ee halagu
taageero"wuxu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey "Madarasada
quraanka ee caawimada loo raadinayo haloo diro
lacagtan imika la ururinayo".
Hadaba markii aan wadamo badan oo lacagta laga direy
la xidhiidhey, kan aan joogana aan arkey ee aan
ogaaday ra’yul caamka guud ee ay qabaan qurba joogtu
waxan jeclaystay inaan soo gudbiyo aragtidooda.Waxad
muuqata in aamuska gudigu uu ka aamusay eedayntan
loo soo jeediyey ay caqabad ku tahay arimaha lacag
ururinta ee aan halkan ka wadno. Inkasta oon filayo
in wixii la helo in sida ugu dhakhso badan loogu
diri doono dadkii loogu talagalay. Isku soo wada
xooriyoo, hadii gudigii hawsha isku xilqaantay ee
lacagta lagu hagaajiyey ay dadka qurbaha jooga
dhegaha ka furaysataan, oo ay isku qanciyaan Eadda
shaadh weynbaad ka xidhantihiin waxan filayaa inay
foolxumo iyo barmadow ku noqon doonto.
Waxa la isla dhexmarayaa gudigii isku xilqaantay
masiibadii ka dhacday gobolka awdal ee lagu eedeeyey
inay dayaceen lacagtii dadku ku hagaajiyey waxay
la’yihiin wax ay la shiryimaadaan.
Si kastaba ha ahaatee waxa la dhawrayaa dhawaaqooda
iyo inay soo bandhigaan cadeymo muujinaya sidii ay
ubaxday hantidii ay maamulayeen, waana sida kaliya
ee ay kaga baaqsan karaan in liiska madow lagu daro.
Ha samaato
Jawhar Qalinle
Email: korwaayeel@hotmail.com
|
|
|