| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Culimaa udiinka iyo Abwaanka Somaliland maxay uga hadli waayeen marxalada adag ee lagu jiro  Roob doonta miyeyna nabadgelyadu ka horeyn.?
April,24,2008

Kuwait(Saylac.com) Umada Somaliland waxa dhexdooda qaali ku ah labada qof ee kala ah Abwaanka iyo Caalimka Diinta. Labadan qof oo runtii tariikhda dalka markaad dib u eegtid kaalin weyn ka soo qaatey dhexdhexaadinta iyo nabad raadinta khilaaf badan oo umadani soo martey iyo waliba wacyigalinta haday noqon lahayd nabad iyo dagaal sharciga waafaqsan oo lagula dagaalamayo gumaysigii Ingiriiska intaba.

Kaalinta Abwaanka hadaanu ku horeyno wuxuu ahaa qofka kaliya ee erayadiisa lagu nabad galo ama lagu dab galo labadaba, waayo waxa jirta mar uu dagaal dadka u abaabulo dadkuna ay eray cid kale weydiinin isaga erayadiisana ku dagaal galaan. Dhinaca kale Marna waa nabad raadiye dhexdhexaadiya umad cid kale u taagweydey waana hanuuniye shacabku u dhego nugul yahay. (waxaaban ku sifayn karnaa Abwanku inuu la mid yahay geedka dacarta oo laantiisuna ay qadhaadh tahay dhubuqiisuna uu macaan yahay).

Kaalinta Caalimka Diinta: Inta tariikhda soomaalida la hayo wali Culimaa'udiinkusi maanu helin fursad xoriyad usiinaysa inuu kaalin weyn ka qaato arimaha aanu kor ku soo sheegney ee khuseeya arimaha bulshada iyo dhexdhexaadintoona waxana ka horjoogsaday xukumadaha soomaaliyeed oo dhamaantood Cilmaani ku ababay diintana dhinac isakaga firkiyey.

Inkastoo ay Culima'udiinku sidaa ahaayeen, Hadana kumay dhex milmin dadka intiisa kale ee masaajiida iyo xarumaha diinta ayey shacabka diinta ugu dhigaan iyagoo banadaa aan faragalin wixii xukum sharci ah ku lugleh.

Culimaa'udiinku eedmalaha ayaanu odhan karnaa waayo, dadka soomaalidu wali ma garan inuu wadaad ahmiyad dhexdooda ku yeelan karo taana waxa kuu cadaynaysa tirada ay xukumad kasta oo soomaalidu dhexdooda ka samaysato ay ku leeyihiin wadaadadu.

Hadaanu usoo noqono su'aashan qormadu ku bilaabantey- waxa iska cad inay labadan qolo ee Abwaanka iyo Caalimka Diintu ay labaduba ku jiraan xukumada soomaaliland iyo mucaaradka labadaba hadana marnaba arki maysid abwaan ama sheekh is baraxa oo mawqifkiisa dadka u sheega! Hadaba ciladu halkay ka socotaa? waa jawaab iska cad- Abwaanka Caanka ah ee Hadrawi ayaad arkaysaa isagoo ka qayb galaya shirarka xisbiga Kulmiye qabto lakiin wacyigalinta uu ka geysto ay xadidan tahay isagoon marnaba aan dawlada uu ka horjeedo ee Dahir Rayale uu madaxda ka yahay aan si cad wax uga sheegin. Sidoo kale Culimaa Udiinka qaar ka mida ayaa dawlada Somaliland aad u tageersan lakiin aan marnaba muujin nacaybka ay u qabaan xisbiga kulmiye.

Hadaba kala baqan la kala baqayo ee iska cad ayaa wuxuu sababay inuu keeno in labada qolo ee Dawlada iyo Mucaaradku uu midwalba geestii iska dhaadhiciyo inuu isagu sax yahay -sababtuna waxay iyagoo labada waa dawlada iyo xisbiyada mucaaradka ahe ay haystaan damaanad daliil ku qorantay oo ay ka heleen Abwaanka iyo Culimaa'udiinka kala tageersan.

Akhriste bal inyar u fiirso maxaa dhici lahaa hadii ay maanta Culimaa'udiinta iyo Abwaankuba ay warka shaaca ka cadeeyaan kii labada dhinac khaldana ay runta gacanta ka saaraan?? Xal kaamil ah ayaa dhici lahaa kii diidana umada dhexdooda khaladkiisu ma sii taabo galeen inuu waddanka iskaga cararo iyo inuu khaladkiisa qaato dadkana ka mid noqdo miduunbay ahaan lahayd.

Inkastoo ay aad u adagtahay in qaraar adag oo mawqifkooda ku saabsan looga helo Abwaanka iyo Caalimka diinta, hadana dadweynaha sharafta leh ee Soomaaliland aad ayey u quudaraynayaan in la helo dhexdhexaadin mugleh oo ay galaan Abwaanka iyo Culimaa 'udiinku.

Mar hadii Gurtidii lagu tiriyey inay xukumada u xagliyeen Intayna arini faraha ka bixin is-xagxagasho kasta iyo far isku fiiq sii daba dheeraada ka hor waxa dadka nabada jecel ee reer Soomaaliland ay Culimaa'udiinka iyo Abwaankaba ku dhiiri galinayaan marka hore inay labadooduba madaxbanaani ay ka madaxbanaanyihiin tageerada labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE ay helaan ka dib ay mawqif cad gadhaan dadkuna iyaga ayuu ku daba faylayaa dhinicii loo bato ee xaqu ku jiro ayaanu u wada aguugi doonaa khalad la isku taageeranaa halkaa ayuu ku hadhayaa, hadii kale markay furka tuurto wacdi iyo geeraar midnaba nabad degdega laguma gaadho.

Ismahan Nuur
Saylac.com
Kuwait
 aragtida dhinacaaga aad aaminsan tahay ku doo dir saylacnews@yahoo.com


 


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com