Ma isweydiisey cabsida ka
haysa Xisbiga Mucaaradka ee Kulmiye in Maraykanku
saldhig ka dhigto Berbera?
April,19,2008
Kuwait(Saylac.com) Dhawaan waxa jaraa'idka lagu
faafiyey in maraakiib dagaal oo laga leeyahay
wadanka Maraykanku ay soo gadheen dekada Berbera.
Imaatinka maraakiibtan ayaa waxa lagu tilmaamay inay
dabasocotey heshiis uu Mdaxweynaha Jamuuriyada
Soomaaliland Mudane Dahir Rayale Kaahin uu Dhawaan
la galay dawlada Maraykanka inay isticmaali karaan
Dekada Berbera.
Arinta Heshiiskan ayaa madaxweyne Rayale dhawaan shir'jaraaid
uu ku sheegay ka dib markii uu ka hadlaayey
arimo badan oo ku saabsan socdaalkii uu ku tagay
Cariga maraykanka.
Madaxweynaha Jamuuriyada
Somaliland Mudane Dahir Rayale Kahin ayaa tageero
weyn ka haystey dhamaan umada soomaaliland si
xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland loosii xoojin
lahaa inuu madaxweynuhu socdaal ku tago Wadanka
Maraykana kalana soo wada hadlo masuuliyiinta Cariga
maraykana arimo dano weyn ugu fadhiya Jamauuriyada
Soomaaliland sida heshiiskan maanta lagu hadal hayo
in ciidanka Maraykanku saldhig ka helaan carada
soomaaliland oo guul usoo hoyatey somaliland lagu
tilmaami karo keenina karta aqoonsi degdega.
Madaxweyna Dahir Rayale Kaahin wuxuu ku guulaystey
inuu jabiyo gidaarkii siyaasada Maraykanka oo ahaa
inaan marnaba Maraykanku si toosa ula xajoon karin
Masuuliyiin ka soo jeeda Jamuuriyada soomaaliland
taas oo ay wadamo badan oo carab ahi ku taami jireen
inay keeni karto kala go' ku dhaca dalka Soomaaliya.
Ka hor intaanu madaxweynaha Jamuuriyada Soomaliland
Mudane Dahir Rayale kaahin la kulmin Madaxda
Maraykanka ee uu kula kulmay Guriga Cad waxa jirey
cabashooyin iyo eedaymo badan oo xisbiyada
Mucaaradka ahi ay ku dhaleecayn jireen inuu
madaxweynuhu ka gaabinayo dadaalka xidhiidhka
arimaha dibada isla markaana aanu mudada uu shaqada
madaxweynenimo hayo aanu ku guulaysan karin inuu
Maraykanka ku qanciyo inay xidhiidh toosa iyo
wadahadal ku saabsan danaha labada wadan ee
Maraykanka iyo Somaliland la samayn karaan
Madaxweyne Rayale.
Ka dib markii la shaaciyey in madaxweyne Rayale uu
si toosa Martiqaad uga helay dawlada maraykanka ayaa
waxay tani madaxanuun ku noqotey xisbiyada
mucaaradka somaliland oo aan rabin in wadankan
somaliland uu yeesho aqoonsi iyo xidhiidho caalami
ah, waana tan keentey maanta in xisbiga Kulmiye oo
dabada ku qaatey xisbiga yar ee UCID ay sidii
maraboobta kolba dhinac ka weerarayaan Dawlada uu Dahir
Rayale madaxda ka yahay oo sida la wada ogsoon yahay
jabisey gidaarkaa aanu sheegney ee u dhexeeyey
somaliland iyo Maraykanka.
Hadaba dadweynaha somaliland wali indhahooda may
kala furin umana fiirsan waxa ay xisbiyadani
mucaaradku rabaan oo ah inay markasta oo Jamuuriyada
soomaaliland ku xidhanto caalamka intiisa kale sida
reer galbeedka meesha ay ka bixi doonto jahbadayn
iyo qoloqolo loo kala faquuqo dadka wada dhashay ee
soomaaliland , intaa waxa dheer inay qaskasta oo ay
horseedi lahaayeeni uu gabaabsi noqon karo hadii
wadankani helo dhaqaale iyo ciidan xoogan oo ku
xidhan ciidamada aduunka ugu xooga badan oo ah kuwan
maraykanka ee hada ay beeninayaan inay yimaadeen
Berbera.
Dahir Rayale wakhtigiisa ayuu tagi doonaa sidii
madaxdii ka horeyseyba u tageen lakiin shacabka
soomaaliland waa inay kala gartaan danta guud ee
wadankan ayaa hogaamin kara aduunkana ku xidhi kara
dalkan wali aan la aqoonsan ayaase lugaha jiidaya oo
dantiisu tahay qas iyo dibjirnimo dadku ku hoobto
dibna loogu noqdo 14 sano ka hor sidii lagu jiray.
Madaxweyna Dahir Rayale waa qunyar socod aan ku
faanin waxyaabo badan oo uu horey u sameeyey oo ay
ugu horeyso sugida xadka caalamiga ah ee Jamuuriyada
Soomaaliland ee dhinaca Bari, Xis-dhiidhka caalamiga
ah , iyo nabadgalyada wadanku ku jiro hadda .
Sadexdaa arimoodi waxay xanuun ku noqdeen kuwa isku
sheega tageerayaasha xisbiga Kulmiye oo badanaa ku
dadaala inay dadka daah ka saaraan arimahaa guusha
ah ee Rayale lagu xasuusan doono marka uu ka dego
jagada madaxweynenimo.
Hadalada cadhadu dhaamisey iyo kala fogaynta dadka
isku danta ah ee ree Somaliland ayaa caado u noqotey
xisbigan Kulmiye inuu ka dhex faa'iidaysto isla
markaana ay ujeedadiisa ugu weyni tahay sidii
wadankan qas uga dhalan lahaa nasiib wanaagse dadka
reer soomaaliland meelkasta oo ay joogaan way ka
digtoon yihiin taa waxan kaaga daliil ah baaqyada
dhaleecaynta huwan ee maalin walba lagu soo daabaco
shabakadaha somaliland oo ay ugu danbaysey (Baaq ay
soo saareen Jaaliyada Imaaraadka ee beesha Ciidagale
oo ay ku sheegeen inay diyaar u yihiin inay ka
difaacaan magaalada hargeysa xisbiga Kulmiye inuu
wax qas ah ka rido baaqan oo nuqul ka mid ahi uu soo
gaadhay saylac.com ayaa waxa ku saxeexnaa 25
muwaadin oo kala ah:
1 Sheekh Somalilanka Dubai Ibraahim Geeleed Caydiid
{Xabo}
2 Suldaanka beesha ee EUA Aadan Cawl Xasan
3 C/raxmaan Cimaan Cabdi Abu coof
4 Dr. Xuseen Xasan Gacan
5 Mujaahid Xasan Maxmed libaaxoo
6 Khadar Cabdilaahi Cabdi
7 Mujaahid C/rashiid Caga dhig dhig
8 Ganacsade Xamse Abiib Gudhane
9 Ganacsade Xamse gurey gubadle
10 Ganacsade Mustafe Yaasiin Xuseen
11 Ganacsade C/salaan Gadac
12 Maxamed Ibraahin Cabdi (afgaab)
13 Injineer Deeq Cabdi san
14 Injiner Feysal cagaf
15 Xasan Kiiloo
16 Quule Gufeeye
17 C/raxmaan Jaamac Muuse
18 Sharmaarke Makhtal Muuse
19 Yuusuf Maxamed Xaashi(cabiid)
20 Dhiico Ibraahim Sumeys
21 Siciid Xadaadir X. Daahir
22 Maxamed Timacade(strong)
23 Injiner Mahad Caabi
24 Rashiid Maxamed Xaashi Mustaafare
25 Mawliid Jaamac Dalab
Tani waxay daliil iyo digniinba u tahay sida
midnimada leh ee shacabka soomaliland uu diyaarka
ugu yahay la dagaalanka argagiso kasta oo isku dayda
qas iyo qaraxyo aan caado u ahayn Jamuuriyada
soomaaliland inay ka sameeyaan tageerayaasha xisbiga
kulmiye iyo cidkasta oo cadaw ku ah jiritaanka
Jamuuriyada soomaaliland.
Baaqyo kale ayaa soo gaadhay saylac.com oo si toosa
u tageeraya dawlada qunyarsocodka ah ee Dahir Rayale
Hogaaminayo oo lagu tilmaamay inay tahay mid wakhti
haboon oo dalka iyo dadkuba u baahnaa hogaanka u
haysa Jamuuriyada somaliland oo xawli aada ku socota
aqoonsigeedana wadamo badan oo reer galbeed ahi ay
soo dhaweynayaan .
Gababagabadan faaladan ayaan waxaan ku waaninayaa
cidkasta oo jecel in waxqabsoomaan dalkuna aqoonsi
degdega helo ayna runta ka gaban una sheegaan cida
qaska wadan inay joojiyaan uguna dhiiradaan runta
sida 25 muwaadin iyo mujaahidba leh ee dhegta ugu
riday kuwa magaca qabiileed laabta ku sita ee
Kulmiye inay ka digtoonaadaan isku day qas ay ka
dhex ridaan dalka.
Iyaga kulmiye waxaan kula talin lahaa inay laba kala
saaraan Madaxweynoow wadankan xidhiidh dibadeed u
raadi oo aduunka nagu xidh iyo maraykanka muxuu u
wataa waa laba shay oo aan xataa caruurta u cuntamin
ujeedo weynina ka danbaysob
hadii aan dhawr sadar ka soo qaato
gabaygii magaciisu ahaa Garaad Dundumo
oo uu tiriyey Abwaan Maxamuud Cabdilahi Rooble ayaa
waxa ku jiray.
Xumaan darartey Jaaheedu waa,
samo ladiidaaye
Danbi Ciida laga galay ayaa ,soo darooshimaye
Durbaan xumaha loo tumo markii ,daaawo laga raadshay
Degdeg talada loo gooyo, een dabada loo faydin
Da'yartiyo duqaydiyo hadaan ,dumarka loo yeedhin
Labadii dabkala qaadan jirey ,waysu dudayaane
Hadii laba walaalo ah dulqaad, midina daymoonin
Markay dubato haylaaman iyo ,dacartu miirmayso
Allahayoow maxaa daal u yaal ,diifatiyo ciilba
Ismahan Nuur
Saylac.com
Kuwait City . Kuwait
|