| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Dawlada Cabdilahi Yusuf oo ku hawlo jirta lacag cusub inay samayso.
April,15,2008

Muqdisho(Saylac.com) Sawir lacag cusub ayaa maanta loo soo bandhigay saxaafada Muqdisho lacagtan oo sida uu sheegay Gudoomiyaha Bandhiga dhexe ee xukumada Cabdilahi Yusuf ay ku tala jiraan sidii lacagtaa loo soo daabici lahaa si ay lacag soomaalidii hore u badasho.

Bashir Ciise oo ah Gudoomiyaha bandhiga Dhexe ee Xukumada cabdilahi Yusuf ayaa sawirka lacagtan cusub usoo bandhigay saxaafada isaga oo sheegay inay lacagtani ahaan doonto lacagta kaliya ee si sharci ahaana loo isticmaali doono.

Lacagta soomaalidu istimcaasho ayaa ah mid duugowday ganacsato badan oo gobolada koonfureed ku noolina ayna qaadan hadii wax lagaga iibsanayo. Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan koonfurta soomaaliya ayaa jahawareer ka qaaday lacagooyin kala duwan oo hadba iska daba yimaada midkii ay isticmaali lahaayeen waxa intaa u dheer sarifka lacagta soomaaliga ah ayaa maalin walba hoos u dhaca marmarka qaarkood hadii aad tegtid makhaayadaha saaha laga cabo si aad koob shaaha uga qabsatid waa inaad lacag qadar badan u sii qadaa qiimaha koobka shaaha ah.

Xaalada Magaalada Muqdisho oo aan cago ku taagnayn amaankeeduna ka sii darayo maalin walba ayaan waxa aan kala cadayn sidii ay lacagtani uga suurto gali doonto in laga isticmaalo.

Dhinaca kale xoogaga ku kacsan Xukumada Cabdilahi Yusuf ee Al- shabaab ayaa ku gacan saydhay inay lacagtan iyo wixii isticmaalaba ay halis galin doonaan.

Cabdi Maxamed
Saylac.com
Muqdisho


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com