Nin Laba Nirigood oo
Geela ku dhaqda magaalada Boorama ayaa ka
cabanaya inay dadku Geelisa ka bareen Qaadka iyo
Sigaarka.
April,26,2008
Borama(Saylac.com) Mr. Arbe ayaa in mudo ahba laba
nirgood oo geela ku dhaqda magaalada Boorama
dhexdeeda labadan geela ah ayaa la mid noqday sida
riyadaha baladiga ah ee magaalada xaabqaadka ka ah
waxase u dheer geelan magaalada ku dhex nool inay
dadka magaaladu bareen geelan qaadka iyo sigaarka oo
wakhtiga qaadka la gaadho ay geelani iska soo
xaadiriyaan suuqa lagukala iibsado Qaadka .
Geelii oo
afka la galay marfash qaadka lagu iibiyo una
aftaxaya qaadlaha .
Arbe oo saylac.com u waramay ayaa waxa uu sheegay
inuu geeliisan isagu siiyo qaadka waxase aan la
yaabay inay dadku ugu dareen inay u shidaan sigaarka
hadana dhibaato weyn ayaan kala kulmay geelan oo
maalin walba xaraaro indhaha isku qabta sigaarna
aanan u awdoodin. kkkkkk
Geelan ayaa waxa ay yimaadaan suuqa qaadka qof kasta
oo qaadka iibsanayana way jaleecaan bal inuu sigaar
ama laan qaada u afka u galiyo .
Mulkiilaha
Geela magalada ku nool Mr. Arbe (geel caano
laga lisaanu arki jiree geel qaad kaa raba maxaan ka
yeelaa)
Arbe ayaa hadalkiisa ku daray habeenkii oo dhan inay
geeliisu soo jeedaan qaadirada ka muuqatana ay
habeenkii indhahooda ka muuqato ..kkkkk
Dadka magaalaa ayaa kusoo xooma marka geelani
sigaarka iyo qaadkaba isku daro ee uu cadaynayo
saacadaha qaadka..kkkk
Labadan geela ah ayaa ah geela kaliya ee sida xorta
ah u dhex mushaaxa magaaladda boorama isla markaana
daaqsinta ay helaani ay tahay xaabqaadka magaalada
ay ka helaan oo uu ugu horeeyo caleenta qaadka...
Geela
oo sugaya dhawr mijood oo shaxaad ah iyo qaadlahii
oo ku leh wali lama aftaxin ..
Laynku waa sida kolba loo kala horeeyo adeer geela
daba joogso iyagaa kaa soo horeeye
Dahir Axmed Jirde
Saylac.com
Borama/ Somaliland |