Baydhabo(Saylac.com) Cabdilahi Yusuf oo saxaafada
magaalada Baydhabo la hadlay ayaa sheegay in
Baarlamaanka koonfurta soomaaliya uu ku kacay fal
danbi ah ka dib markii uu shalay si aqlabiyad buuxda
ah ku ansaxiyey inuu Nuur Xasan Xuseein Nuur Cade uu
sii hayo jagada Ra'iisul wasaare nimo.
Cabdilahi Yusuf ayaa horey ka xuyuubiyey Ra'iisul
wasaare Nuur Cade jagada Ra'iisul wasaare nimo isla
isagoon haba yaraatee kala tashan baarlamaanka dalka
iyo xukumadiisa ay Qabiilka Hawiyuhu u badan yihiin
toona.
Cabdilahi Yusuf ayaa shirka jaraa'id maanta ku
sheegay in axdigii dawladiisa u dejisnaa si cad ay
ugu tunteen Baarlamaanka fadhigiisu yahay Baydhabo ,
waxana uu intaa ku daray inuu amar buuxda ku siisey
Booliska dawladiisu inay baadhaan isla markaana
sharciga soo taagaan xubnaha Baarlamaanka arimanahan
u ololeeyey , waa sida uu hadalka u dhigee.
Cabdilahi Yusuf ayaa si toosa u amar Telefoon kula
hadlay maana Gen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid) si
uu sharciga u hor keeno cidii ka danbaysay ama
abaabushay kulankii shalay Baarlamaanka Dawladiisu
ku kacday oo uu Cabdilahi Yusuf sheegay inuu ahaa
mid aan waxba ka jirin .
Dhinaca kale maamul goboleedka Puntland in ayaa si
buuxda u taageersan Go'aanka uu Cabdilahi Yusuf
maanta ku magacaabay Ra'iisul wasaaraha cusub isla
markaana xafiiska madaxtooyada ismaamulka Puntland
oo wareegto arintan ka hadlaysa soo saaray maanta
waxa uu cadeeyey in ergayga gaar ka ah ee QM Axmed
Walad Cabdala uu sii kala qeybinayo dadka
Soomaaliyeed.
Saladiinta iyo oday dhaqameedka Puntland ayaa sidoo
kale maanta soo saaray bayaan muujinayana inay si
buuxda u taageersan yihiin Cabdilahi Yusuf isla
markaana sharci daro iyo waxba kama jiraan ka dhigay
go'aanka Baarlamaanka Baydhabo ay ku ansixiyeen sii
joogitaanka Ra'iisul wasaare Nuur Cade oo ay ku
tilmaameen go'aan qabyaaladi ka danbayso.
Taliyaha sare ee Booliska Dawlada
Cabdilahi Yusuf Gen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid)
iyo sarakiil sarsare oo ka tirsan Booliska Dawlada
Cabdilahi Yusuf.
Magaalada Boosaaso ayaa maalmaha inagu soo fooleh
waxa la hadal hayaa inay ka dhacaan banaan baxyo ka
dhaca Baarlamaanka Baydhabo waxana dadka badankiisu
ka cabsi qabaan in khilaafkan weyn ee soo kala dhex
galay xukumada Cabdilahi Yusuf uu saamayn weyn ku
yeelan doono xaalada guud ee Puntland.
Siciid Axmed ( siciid ingineere)
Saylac.com- Garowe Puntland Email:Saylacnews@yahoo.com
Wararka saacad walba soo kordha kala soco
saylac.com