Shir Jaraa'id oo Ay
Ganacsatada Awdal ay ku qabteen Hutel Rays Borama..July,23,2008
Maqal
Borama(Saylac.com)Ganacsatada Xoolaha Nool Dhoosifa
ee G/Awdal ayaa Maanta Shir Jaraa'id Ku Qabtay Hotel
Rays waxayna Si Buuxda u taageereen heshiiskii
Cusbaa,ee Xukuumada S/Land iyo Maal-Qabeenka AL-Jaabiri
Dhex Maray Wax Aan Jirina ku tilmaamay Raga Sheegtay
Inay Yihiin Gudida Ganacsatada Xoolaha Dhoofisa ee
Soomaaliland Meel Lagu Doortayna Aanay garanayn Una
arkaan Koox qas iyo Jaahawareer Ka Dhaxwada
Ganacsiga Xoolaha ee xayiraadii saarnayd Todobada
sanadood raba Inay soo celiyaan.

Afhayeenka Ganacsatada Xoolaha ee G/Awdal Cabdilaahi
Abiib Ciise ayaa Akhriyay Bayaan Qeexaya Taageerada
ay u hayaan Heshiiska Xukuumada S/Land iyo Al-Jaabiri
ee Qaadashada Xoolaha Soomaaliland iyo Heshiiska
Shanta Bilood ah ee lagu dhisayo Maxjarka iyo maal
gashiga uu ka samaynayo Al-Jaabiri Soomaaliland iyo
raashinka Jaban ee uu Keenayo.kuna sheegay bayaankaa
in maal gashi Badan uu samaynayo Al-jaabiri raashin
Jabana u keenayo dadka reer Soomaaliland ee Sixir
bararku la daadagay

waxa kale oo ka hadlay Shirkaa ganacsatada Xoolaha
ee G/awdal maanta ay Hotel Rays ku Qabteen
Gudoomiayaha ganacsatada Xoolaha Dhoofisa ee G/Awdal
Faarax maxamuud Nuur, oo si cad u sheegay inay garab
taagan yihiin Taageerayaana Soona Dhwaynayaan
Heshiiska Xukuumada Soomaaliland iyo Maal Qabeen ka
Sucuudiyaanka ah ee AL-Jaabiri ay wada galeen, sidoo
kale gudoomiye Faarxa waxuu si Ba'an u weeraray
Dadka sheeganaya inay masuul ka yihiin ganacsatada
Xoolaha Soomaaliland, Kuna Tilmaamay koox yar oo
danaystayaal ah Sheegayna Cida rabta Inay masuul
Noqoto amaa ku hadasho magaca ganacsatada Xoolaha
Dhoofisa ee S/land Sharciga Soo marto Timaadana
Rugta ganacsiga, lana Ansixiyo Been iyo wax aan
jirin ku tilmaamay Cida meelahaa ka sheegata wax
aanay ahayn, waxanu faarax ku cel celiyay inay Si
Buuxda u taageerayaan Heshiiska Dhexmaray Xukuumada
iyo Al-Jaabiri ee Shanta Bilood Soconaya, waxa kale
oo ragii maanta hadlay ka mid ahaa Aadan Maxamuud,
oo ka mida Ganacsatada Xoolaha dhoofisa ee G/awdal,
sheegayna in Xoolihii S/land Qiimahoodu Kor u kacay
50 doolarna ku Dhow yahay xayiraadii saarnayd Adhiga
Soomaalind waa laga baxayaa, ayuu sii raacshay Aadan,
Hoore.




Dahir Axmed Jirde
Saylac.com
Borama, Somaliland
|