Daawo
:Goobaha
diwaangalinta Burco oo maalintii
labaad gashay iyo muqaalka caruur
dadoodu tahay 10 oo diwaangalinta ka
qayb galaysa...Dec,15,2008
Burco(Saylac.com) Diwaangalinta
magaalada Burco ayaa sida uu
gudoomiyaha komishanka qaranku
sheegay noqotey tiradii ugu badnaynd
ee labadii casho ee inaga tagtey ka
dhacday jamuuriyada somaliland
Iyadoo
lagu jiro maalintii labaad ee
gobolka Togdheer laga wado
diwaangalinta, ayaad arkaysaa
goobaha diwaangalinta loogu talo
galay oo intooda badani la
ciirciirayaan tirada dadka safafka
ugu jirta ee diwaangalinta u diyaar
ka ah. . Shaqaalaha diwaangalinta ku
hawlan gobolka Togdheer ayey
saylac.com wax ka weydiisay sababta
u fudaydisay inay hawshooda( Wiil
dadiisu tahay 10 jir oo
diwaangalinta ka qayb galaya )
iyagoo awal gobolada kale sida
gobolka awdal ay jireen cabashooyin
in computers ku cadilmayeeen ?
waxayna noogu jawaabeen wacyi
galinta dadka ayaa( aad uu
sareysay mida kale qalabkan
computeradu waa kuwo casri ah oo ka
duwan kuwii cilada looga bartey ee
gobolka Awdal oo ay sheegeen inuu u
noqday duruus ay ku waayo qataan. "Waxa
jira comouters kayd ah oo aanu ugu
talo galay hadii goob diwaangalintu
ka socoti u baahato comouters
dheraada " ayuu yidhi Maxamed Jamac
oo ka tirsan hawl wadeenada
diwaangalinta magaalada Burco.
Guud ahaan
dadweynaha reer Burco ayaad arkaysaa
inay u heelan yihiin is
diwaangalinta gobolkooda mar ay
saylac.com wax ka weydiisay
dadweynaha sababta ugu weyn ee ay
isku diwaan galinayaan ? Waxay
sheegeen (Waxaanu isku diwaan
galinaynaa si aanu u doorano Mudane
Silaanyo jagada madaxweyne nimo ee
danbe.
Inkstoo
goobaha diwaanglintu gobolka loogu
talo galay ay aad u badan yihiin
hadana waxa ilaa hada waxaanu socod
gaaban ku tagnay ku dhawaad 69
gobood oo aad ku arkaysid dadweyne
iskugu jira bulshada noocyadeeda
kale duwan oo u badan dumar, caruur
iyo waliba wayeel oo safaf
dhaadheer ugu jira siday isku diwaan
galin lahaayeen
Shabakada
saylac.com ayaa dadweynaha
diwaangalinta galay weydiisay sida
ay u arkaan diwaangalinta ay galeen?
boqolkiiba 80% ayaa dadweynaha jecel
inay gobolka Togdheer ay ka soo
baxdo tiro aad u badan sibay
yidhaahdeen doorashada sanadka danbe
jagada madaxweynaha uu ugu guulayso
Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Gudoomiyaha Gudida Diiwaangelinta
Qaranka Mudane Ismaaciil Muuse Nuur
oo maanta saxaafada maxaliga
magaalada Burco uwaramay ayaa
sheegay inay magaalada Burco oo kali
ah ay maalintii koowaad iyo labaad
ee diiwaangelintu socotay is
diiwaangeliyeen dad gaadhaya
34371 qof, taasina ay daah
furayso in magaalada Burco ka dad
badan tahay magaalooyinkii hore ay
diiwaangelintu uga qabsoontay. Mar
ay saylac.com si gaar ah u weydiisay
gudoomiyaha sababta magaalada burco
uga tiro badan tahay magaalo madaxda
Hargeysa inay tahay caruurta dadoodu
10 sano tahay ee loo ogolaaday is
diwaangalinta? gudoomiyuhu waxa
jawaab ah kama uusan bixin
su'aashaas, waxase uu sheegay inay
burco ka dadbadan tahay
magaalooyinkii hore ee diwaangalintu
ka dhacday sida Hargeysa, Berber
iyo Borama oo ay maalintii ugu
horeysay ka soo baxday tiro aad uga
yar tan magaalada Burco maalintii
ugu horeysay kasoo baxday.

10% dadka intiisa kale waa dadka ku
dhaqan magaalada Burco ayaa waxay
aaminsan yihiin arin tan gabi
ahaanba ka duwan oo ah soomaaliweyn,
waxayna shegeen inayna is
diwaangalin diyaar u ahayn waayo bay
yidhaahdeen waa iska riwaayad uu
Dahir Rayale dadka ku waalayo inta
soomaaliweyn isku imanayso. 80 %
tageersan xisbiga muwaaradka Kulmiye
ee uu Silaanyo madaxda ka yahay.
Dhinaca iskuulada gobolka iyo
shaqooyinka dawladda ayaa gabi
ahaanba fasax galay diwaangalinta
awgeed waxaanad arkaysaa suuqyada
burco oo dadweyne aad u tiro badani
dhooban yihiin waxase aan wali kala
cadaynsiday tidada gobolkani
togdheer inta ay noqon doonto marka
la soo gabagabeeyo diwaangalinta ka
socota gobolka
Guleed Hasan Saylac.com Burco -
Somaliland
Email:Saylacnews@yahoo.com |