Daawo
Labada gobol ee Hargeysa iyo
Burco oo la diwaan galiyeyey
caruurta dadoodu jirto 10
sano iyo wixii ka weyn halka gobolada kale
komishanka qaranku uu diiday diwaangalinta
dhalinyarta dadoodu jirto 17 jir waana sananta
tirada labada gobol uga badantey gobolada kale ..
Dec,12,2008
Togdheer(Saylac.com)Diwaangalinta codbixiyaasha
gobolka Togdheer ayaa la filayaa inay ka soo baxdo
ugu yaraan 300,000 sadex boqol oo ruux ka dib markii
komishanka qaranka somaliland uu soo jeediyey in
caruurta dadoodu jirto 10 jir ilaa wixii ka weyn loo
diwaan galiyo. Diwaangalinta nuucan ah ee caruurta
dadoodu yar tahay la damacsan yahay in laga
diwaangaliyo Togdheer ayaa horey uga dhacday gobolka
Maroodijeex ee magaalada Hargeysa oo ay shabakada
saylac.com goob joog ka ahayd in caruurta dadoodu
jirto 10 sano lagu diwaan galiyey.
Tirada xad dhaafka ah ee laga diwaangaliyey gobolka
Marooji jeer ayaa waxay dadku u tirinayaan caruurta
aan qaan gaadhin ee komishanka qaranku ogolaaday in
laga diwaan galiyo gobolka Maroodijeex. Wariyaha
Shabakada saylac.com uga soo warama Somaliland
Wariye Jirde oo ku sugnaa magaalada Hargeysa
wakhtigii diwaangalinta isla markaana wax ka qabtey
hawlaha diwaangalinta ayaa sheegay in maalintii ugu
horeysay magaalada hargeysa la ogolaaday in caruurta
dadoodu ugu hoseyso 16 jir la diwaan galiyey balse
maalintii labaad si rasmi ah loo fasaxay in caruurta
dadoodu jirto 10 sano la diwaan galiyo si loo badiyo
tirada gobolka iska diwaan galisey.
Dadweyne saf u taagan inay is diwaan
galiyaan gobolka Togdheer

Dhinaca kale labada gobol ee Awdal iyo Saaxil oo
ahaa labadii gobol ee lagu bilaabay diwaangalinta
Jamuuriyada somaliland ayaa hada ka hor komishanka
qaranku shuruud hor dhigay ah in dada is
diwaangalinaysa lagu xidho inuu qofku jiraa 18 iyo
wixii ka weyn tanina ay keentey gaar ahaan gobolka
awdal inuu tiro aad u hosaysaayi iska diwaan galiso.
iyadoo waliba ay u dheerayd in wakhtiga
diwaangalinta labada gobol ee saxil iyo Awdal la
cayimay dadka badankiisuna aanu fursad u helin inay
is diwaan galiyaan.
Dhinaca gobolka Burco Diwaan galinta oo si rasmi ah
bari oo ay tariikhdu tahay dec,13,2008 ka bilaabmi
doonta, ayaa wakiilka shabakada saylac.com uga soo
warami uu sheegayaa in wacyi galinta dawladu ka
samayaay gobolka burco uu yahay midaan horey loo
arag isla markaana caruurta iskuulka la fasaxay
mudada ay diwaangalintu socoto si ay isku diwaan
galiyaan tiro badana gobolku u helo. Sidoo kale waxa
uu wariyaha saylac.com uga soo waramaya togdheer
Wariye Guleed Hasan uu soo sheegay in huteelada
magaaladu la ciir-ciirayaan dadyow ka kala yimid
dibada intaana ay dheer tahay dad aad u farabadan oo
ka kala yimid gobolada Hargeysa iyo Saaxil oo
iyaguna iska diwaaan galinaya mar kale gobolka
Togdheer.
Diwaan galinta codbixiyaasha ee Jamuuriyada
Somaliland ayey dad badani ka shiki qabaan inay si
cadaalad ah u dhacayso isla markaana dadku waxay ka
dayrinayaan sida xaq darada ah ee diwaan galintu uga
kala dhacayso gobolada Somaliland ka kooban tahay
Dahir Axmed Jirde & Guleed Hasan
oo kala jooga Togdheer iyo Wajaale
Somaliland -
|