| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Daawo dhibaatooyinka ugu daran ee ka taagan koonfurta Soomaaliya oo ku habsaday dhalaanka.. Dec,12,2008

Muqdisho(Saylac.com) Dagaalada ehliga ah ee u dhexeeya soomaalida ayaa waxay lugta k uqaateen gabi ahaanba dhalaanka soomaaliyeed uu ku nool magaalooyinka ay dagaaladaasi ka dhaceen gaar ahaan magaalada muqdisho iyo nawaaxigeeda. Dadka badankiisa ayaa waxay aaminsan yihiin in masiibadan ku habsatey dhalaanku ay ka timid gacanta umada soomaaliyeed ee xasuuqa iskula badheedhay taniyo markii dawladii SIyaad Bare hawada ka baxday.

(Bal is garab dhig maalintii ciida siday ku cideen dhalaankani iyo kuwa aad dhashay!!!)


Dhimashada ka socow waxa jira dhalaan aad u tiro badan oo ku daranyeysan duleedada magaalada Muqdisho, dhalaankaas oo aan haba yaraatee galabsan wax danbi ah inta badana waalid kaliya ahi la dhibaataysan yahay waaba hadii uu nasiib leeyahay e.

Inta agoomaha ah ee labadoodii waalid dagaalku la tagey waxa haya ama ay weheshadaan dad kale oo qaraabo ah oo iyaga laftoodu aan helayn nolol maalmeedka iyo guri ay dhaxanta ka galaan toona.

Dadkan ayaa waxay ku kala daadsan yihiin duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho isla markaana aan helin haba yaraatee biyo nadiif ah oo ay cabaan ama wax ku karsadaan waaba hadii ay raashin helaane.

Dhalaankan ayaad arkaysaa inay indhahoodii ka guurtey farxadii dhalaanka lagu yiqiin iyo waliba ciyaartii aan kala go'a lahayn ee dhalaanka soomaalidu ku hana qaadi jireen, waxaanad arkaysaa iyagoo kugu soo eegaya ama dhawraya indho murugo, gaajo iyo cudurba leh. Dhabtii indhaha ma siin kartid inaad ka jeesato mooyaane, waayo ruuxda ayaa ku soo dhacaysa sida ay u daranyeysan yihiin iyo caawimo la'aanta ay maalin walba la toosaan oo ah mid ka sii daraysa.

Hay'adaha samafalku amaan daro awgeed ayey inta badan sheegtaan mana yimaadaan goobaha hawdka ah ee ay caruurtani ku nooshahay oo aan xayawaanka qaarkii xataa aanu ku noolaan karin.Shabakada saylac.com ayaa socdaal dheer ku soo marktey maalintii ciida barakaysan dadweynaha soomaaliyeedna usoo bandhigtey sawiradan murugada leh ee aad indhihiina ku arkaysaan oo ah kuwo ka turjumaya baahida iyo daranyada ay dhalaankaas soomaaliyeed qabaan si dadka cabsida Eebe ku hadhay ee soomaaliyeed ay u iskugu garab dhigaan caruurahooda nabada iyo nimcadaba ku sugan iyo ubaxii wadanka soomaaliyeed ee barito oo sidaa u daranyeysan .

Hadaba anagoo ogsoon inaanan maalin kaliya wax lagaga qaban karin duruuftan mahadhada ah ee ubadkan soomaaliyeed ku haysata duleedada magaalada muqdisho, hadana waxaan aaminsanahay in ay wali jiraan umad naxariista Eebe jecel sadaqad iyo waxtarna u fidin karta agoomaha dhalaanka soomaaliyeed ee dibada jiifka ah .

Hadii aad jeceshay inaad waxtartid dhalaankan soomaaliyeed ee la mida dhalaankaaga aad aadka u jeceshay fadlan hakala bakhaylin inaad wixii karaankaaga ah u fidiso adigoo niyad ahaan u bixinaya Ilaahay dartiina sadaqad u niyoonaya inuu kaaga horeysiiyo hoygii aakhiro.

Shabakada saylac.com horey waxay u qabatey mashaariikh samafal oo dhawra dhamaana way ku guulaysatey waayo dar Ilaahay waxa loo wadaayi ma guuldareysto. Mashaariicdaas qaar ka mida hadii aanu  idin xusuusino waxa ka mid ah: Mashruucii samfalka agoonta afgooye ee sanadkii 2005 oo ay shabakada saylac.com gaadhsiisey agoomaha afgooye deeq dhan $17,000 todobo iyo toban kun oo doolarka maraykanka ah, Mashruucii Agoonta magaalada jabuuti oo ay shabakadani gaadhsiiyey qalabka ciyaaraha kubada cagta oo aad isagana aad akhrisateen iyo waliba mashaariic kale oo dhawra.


Marka hore waxa xusuusin mudan in qadarka aad awoodid aad ogaatid inuu si toosa u gaadhi doono mid ka ama laba ka mid ah ubadkaa aad arkaysid waxa intaa dheer oo ay shabakada saylac.com idiinku balan qaadaysaa in aad heli doontid sawirka ubadka aad u diraysid qadarka maaliyada ah iyo waliba iyagoo cod ahaan kuu mahadnaqaya. Intaa waliba waxa dheer in hadii aad si gaar ah u codsatid sawir dhalaanka ay lacagtaadii gaadhay iyo magaciisa aanu kuugu soo diri doono aduunka meesha aad ka joogtid.

Hadaba sideed u caawin kartaa ubadkaa?

Waxaad ku hagaajin kartaa dahabshil Muqdisho wariye Maxamed Ibraahim Raage oo ah wariyaha aad wada taqaanaan ee saylac.com uga soo warama koonfurta soomaaliya oo ah Imaanka Masjid ku yaala magaalada Muqdisho taniyo sanadkii 1995. Wariye Maxamed Ibraahim Raage waa muwaadin soomaaliyeed oo halis walba u mara wararka iyo sawirada wararku ay weheliyaan ee  aad maalin walba ka akhrisataan shabakada saylac.com .

Ugu danbayn waxaan idinku dhiiri galinaynaa inaadan kala bakhaylin dhalaankan soomaaliyeed wixii aad awoodid.

Maxamuud Cabdilahi Rooble  
Saylac.com
Seattle - USA

Email:Saylacnews@yahoo.com
 

Bal is garab dhig maalintii ciida siday ku cideen dhalaankani iyo kuwa aad dhashay!!!


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com